Tuesday, August 26, 2025

Maxay ka dhigantahay Is-casilaadda Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Militariga Soomaaliya..?

-

Waxaa markaliya xilka ka wada tagay si lama filaan ah wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo taliyihii ciidammadda xoogga dalka, Jeneraal Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid).
Lama oga sababaha rasmiga ah ee keenay in ay xilka ka tagaan, hase yeeshee sida ay faafisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, wasiir Cabdirishiid ayaa isu casilay sababo shaqsiyadeed, gollaha wasiiradana way ka aqbaleen.

Jeneraal Maxamed Guubir oo ah xeeldheere xagga ciidamada ah oo la hadlay BBC-da ayaa yiri “Koley sida nidaamka dowliga ah uu qabo, iscasilaadda wax sahlan ma ahan, waa arrin laga yaabo in laga soo wada hadlay, miiska dhawr jeer lasoo saaray, laga taliyay, mana ahayn arrin isku soo bood ah.”

Ciidammada Xoogga dalka

Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xoogga saartay arrimaha dib u dhiska ciidammadda tan iyo intii xilka loo doortay bishii feberaayo ee sanadkan.

Labadan mas’uul ee iscasilay ayaana gundhig u ahaa siyaasadda dib u dhiska ciidammadda iyo hawlgallada qeybo ka mid ah dalka looga saarayo ururka Alshabaab.

Balse Jeneraal Guubir wuxuu qabaa in waqti xun ay kusoo aadday iscasilaadda: “Waa arrin laga xumaado, waqti munaasab ahna aanan kuso aadin, koley loo jiifan maayo, ciidanka sidaasuu heegan u ahaan, wax kala daadasho oo ay ku keenayso ma jirayso.”

Qorshaha dib u dhiska ciidammada waxaa ka mid ahaa qorshe lagu soo saxiixay shirkii bishii May lagu qabtay London, kaas oo lagu ansixiyay in ciidamo gaaraya 18,000 la dhiso, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeno dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo talisyada kala duwan ee ciidammada.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka tirsan guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan magaalada Seattle ee dalka Maraykanka kula hadlay jaaliyadda Soomaalida ee halkaas ku dhaqan ayaa sheegay in laga hadlayo dib u habeynta taliska ciidamada xoogga dalka sidii loo waafajin lahaa joqoraafi ahaan, sida ay u samaysanyihiin dowlad goboleedyada

“Tusaale ahaan taliska 60aad oo Baydhabo ah waxa hoos iman jiray gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, hadda Gedo waxa ay ka tirsantahay Jubbaland, Shabeelaha Hoosena (oo talis kale ka tirsan) waxa ay ka tirsantahay Koonfur Galbeed, halkaas waxay u baahantahay in dib talisyadii loo qeexo,” ayuu yiri xildhibaanka.

War saxaafadeedkii dhawaan laga soo saaray shirkii maamul goboleedyada ee Kismaayo waxaa ka mid ahaa qodobka dhahaya “Wuxuu goluhu isla qiray in uu jiro habacsaan iyo hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid arrimaha amniga taas oo ay ugu wacantahay sida ciidanka difaaca qaranka u qaabaysanyahay aysan ahayn mid dhiiri galinaysa in si wadajir ah loo wada hawl galiyo ciidanka qaranka ee dowlad goboleedyada ku sugan, maadaamaa ay kala hoos tagaan maamullo kala duwan, iyagoo hal dowlad goboleed wada jooga.”

“Sidaa darteed, wuxuu goluhu dalbanayaa in la dardar galiyo fulinta heshiiskii amniga qaranka ee qeexaya in qeybaha ciidammada lagu saleeyo xuduudaha dowlad goboleedyada si hawlgalada ciidanka ee ku aaddan sugidda amniga uu u noqdo mid miro dhal ah”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan kasoo muuqda munaasabadaha ciidanka isaga oo xiran direeska ciidanka
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan kasoo muuqda munaasabadaha ciidanka isaga oo xiran direeska ciidanka

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddi u saaray in ciidamada xoogga looga uruuriyo shacabka yabooh lacageed, waxaana guddigaas xubno ka ah culimo iyo saraakiil hore.

Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyay xaflad lacag loogu uruurinayay militariga ayaa sheegay in marka uu sanadkan dhamaaado, in ay dowladda bixin doonto dhammaan mushaaraadka lagu leeyahay.

Iyada oo ay taas jirto ayaa waxaa sidoo kale bilihii lasoo dhaafay dhacay weeraro Alshabaab ay ku qaaday xeryaha ciidammadda militariga ay ku leeyihiin meelo kala duwan oo dalka ah, oo ay ka mid tahay saldhig ku yaala deegaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose.

Waxaa intaasi dheeraa, isku dhacyo dhexmaray xoogga dalka iyo nabad sugidda, kuwaas oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Iscasilaadda mas’uulinyiinta waxay imanaysaa ayadoo dhowaan, dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobey ay Muqdisho ku kala saxiixdeen qorshe dib loogu bilaabayo hawlgaladii dagaalka ee Al-shabaab ka dhanka ahaa, waxaana hawlgalka qeyb ka noqon doona AMISOM.

Janaraal Guubir ayaa qaba, in isbadelka hooggaanka ciidanka uu u baahanyahay ka fiirsasho “Isbadalka ciidanka laguma degdego, badalista taliyeyaasha ciidammada waxay u baahantahay ka fiirsasho, laakiin haddii ay timid waxaan u malaynayaa in ay tahay wax lagama maarmaan ah.”

Lama oga waxa laga maarmi waayay ee ay xilka uga tageen labadan mas’uul, taliye Cirfiid, waxaa xilka loo magacaabay bishii April ee sanadkan, wuxuuna xilka hayay muddo 6 bilood ah oo kaliya.

Sidoo kale, wasiir Cabdirishiid ayaa liiska golaha wasiirada kusoo baxay bishii Maarso markii Ra’isulwasaare Kheyre soo dhisay xukuumaddiisa.

Markii ugu horeysay ee labadan mas’uul ay hadallo is khilaafsan, si kala duwan saxaafadda u siiyeen waxay ahayd markii uu dhacay weerarkii deegaanka Bariire ee dadka shacabka ah lagu laayay, kaas oo dhacay laba bilood ka hor.

Wasiir Cabdirishiid ayaa sheegay in dadka la laayay ay ahaayeen ‘Alshabaab’, halka taliye Cirfiid uu sheegay in dadka la laayay ay ahaayeen ‘shacab’.

Dowladda federaalka ayaa markii dambe sheegtay in ay magdhow siisay ehellada dadkii Bariire lagu laayay, kadib maalmod dadkii ehelkooda ahaa ay diideen in meydadka la aaso.

Sikastaba, Wasiirkii gaashaandhigga iyo Taliyihii ciidamada xoogga dalka waxaa loo arkay in ay muhiim u ahaayeen isbedelka lagu sameynayo militariga Soomaaliya si ay amniga dalka ula wareegaan marka ay AMISOM billaabaan in ay dalka ka baxaaan dhammaadka sanadkan.

“Mas’uuliyiinta cusub ee xilkii ay baneeyeen buuxinaya ayay tahay in si cusub ula jaanqaadaan hawlaha socda, halkiina kasii wadaan qorshayaashii jiray” ayuu yiri Jeneraal Guubir.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you