Sunday, August 24, 2025

Maxay soo kordhin doontaa shaqo ka ceyrinta Taliyeyaasha Sanbaloolshe iyo Saacid?

-

Magaalada Muqdisho ayaa maarkii labaad aragtay qarax kale oo dad badan ay ku dhinteen laba isbuuc gudahood. Qaraxaasi oo dhacay Sabtidii ayaa waxa ku dhimatay ugu yaraan 27 qof.

Qaraxaas ka dib golaha wasiirada Soomaaliya ayaa shaqada ka ceyriyay taliyayaasha ciidamada nabad sugidda iyo booliska.

“Faa’idada shaqa ka eryidda”

Taliyihii booliiska Soomaaliya Cabdixakin Daahir Saciid iyo agasimihii hay’ada nabad sugidda qaranka Cabdallahi Maxamed Sanbalooshe ayaa labadaba xilka laga qaaday.

Tallaabadaas ayaa lagu tilmaamay mid looga jawaabayay qarixii ugu dambeeyay ee muqdisho ka dhacay.

Cabdiweli Garaad oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in “Shaqsiyaad la ceyriyo ay ka qoto dheeryihiin arrimaha amnidarada Soomaaliya”.

“Waxaa horey shaqada looga eryay taliyihii nabad sugidda iyo kii booliska, haddana kuwii lagu badalay baa la eryay”, ayuu yiri Cabdiweli Garaad oo BBC-da la hadlay.

” Waxay u muuqataa in indhaha dadka laga leexinayo in ay la xisaabtamaan dowladda”, ayuu hadalkiisa ku daray.

14-kii bishan Oktobar, qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah oo ka dhacay isgoyska Soobe, ayaa lagu dilay in ka badan 350 qof.

Weerarkaas Al-Shabaab maysan sheegan, balse, Sabtidii lasoo dhaafay weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa Hablood 2 waxa si degdeg ah u sheegtay kooxda.

Arrintaas waxaa lagu tilmaamay in ururka Al-Shabaab uu muujinayo in uu weli weerar ku qaadi karo bartamaha magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Garaad oo amniga ka faallooda wuxuu sheegay, “Waxay u muuqataa in indhaha dadkaa lagu jeedinayo in nimankii howsha masuulka ka ahaa loo eryay dhacdadaas.”

Caqabadda amniga

Machadka cilmi baaridda siyaasadda ee Heritage oo dhowaan warbixin ka soo saaray amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa keenay su’aal ah “sidee buu gaari qarax intaa la’eg wada, usoo gaaray bartamaha magaalada, isaga oo kasoo gudbay dhammaan baraha lagu baaro gawaarida ee teedsan waddada?”

“Waxaa jirto habacsanaan xagga amniga ah, gaar ahaan guuldarro weyn oo ka timid sir-doonka iyo hellidda xogta cadowga,” ayaa lagu xusay qoraalka.

Magaalada Muqdisho waxay noqotay meesha ay ka dhacaan weerarada sababa dhimashada ugu badan ee shacabka gaarta. Hoteello, maqaayado iyo meelo kala duwan ayaa la weeraray.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaaajo ayaa dhawaan ballan qaaday in la dhisayo ciidamada difaaca dadweynaha, ka dib weerarkii Soobe.

Madaxweyne Farmaajo oo 18-kii Oktobar, la hadlayay dibadbaxayaal wuxuu sheegay “Waxaan idiinkugu baaqayaa in aan dhisano ciidamada difaaca shacabka oo aan la dagaallanno Shabaab. Waa in aad difaacdaan hooyooyiinkeena, u kaca difaaca deriskiina, u kaca difaaca qarankiina.”

Isbedellada badan ee laamaha amniga

Laba maalmood ka hor qarixii Soobe, waxaa shaqada ka tagay taliyihii ciidamada militariga, Jeneraal Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid) iyo Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed.

“Isbeddelkan badan wuxuu wiiqayaa xasilloonida laamaha amniga, wuxuuna yareynayaa mas’uuliyadda isla xisaabtanka loo baahan yahay,” ayaa lagu qoray warbixinta uu soo saaray machadka cilmibaaridda siyaasadda ee Heritage.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka haya ku dhawaad sagaal bilood, wuxuuna magacaabay dhowr taliyayaal oo laamaha kala duwan ee amniga ah.

“Waxaa amniga asal u ah in ay wax wada yeeshaan shacabka iyo dowladda ayna wada ilaashadaan. Shacabka iyo dowladda waxaad moodaa in aynaan isku wax ilaashanayn hadda. Marka waa in isku wax la sameynsto, isku meelna laga duulo,” ayuu yiri Cabdiweli Garaad.

Dowladda ayaa bishii May, London ku saxiixday heshiis lagu dhisayo ciidamo gaaraya 18,000, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeni doono dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo talisyada kala duwan ee ciidammada.

Shirka madxada maamul goboleedyada iyo dowladda fadaraalka ah ee hadda ka socodo Muqdisho waxybaaha looga arrinsanaya waxaa ka mid ah arrimaha ammaanka iyo sidii loo yagleeli lahaa ciidankaasi qaran.

Machadka Heritage oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa ku taliyay in “ka adkaanta Al-Shabaab iyo soo celinta amniga dalka la siiyo ahmiyadda koobaad; waana in ay noqotaa dadaal laga wada qeyb qaadanayo.”

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you