Milkiilaha Maqaayadda ‘The Village’ oo kashifay sababta UN-ka u xayireen Maqaayadiisa [Akhriso]

0

Milkiilaha Maqaayadaha caanka ah ee ‘The Village’ Axmed Jaamac Maxamed ayaa ka hadlay xayiraad maqaayadiisa ay ku soo rogtay Qaramada Midoobay.

Wuxuu sheegay inay tahay wax laga xumaado go’aanka kasoo baxay UN-ka ee ku aadan in shaqaalaheeda aysan ka cunteyn karin maqaayadiisa, sababo a xiriiro dhanka ammaanka iyo qaraxyo lala beegsaday.

Milkiile Axmed Jaamac ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay uu yahay mid lagu diidan yahay in maqaayadiisa ay tartan la gasho maqaayadaha caalamka, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay  uu digniino kasoo gaarayeen Hay’adaha ka howlagal xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

“Muddo badan ayaa digniino la iisoo direy oo ku aadan in shaqaalaha Qaramada midoobay ee ka howlgala Xarunta Xalane iyo kuwa ka dhoofa ama kasoo dega Garoonka in aysan ka canteyn karin Maqaayadeyda, runtii tani waa mid dhibaato ku ah horumarka Ganacsi ee xilligaan dalka ka socda…” ayuu yiri Milkiilaha Maqaayada The Village.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii Qaramada Midoobey uga digtay shaqaalaheeda inaysan isticmaalin ama ka cunteyn maqaayada The Village ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com