Monday, July 14, 2025

Mucaarad” iyo MUCAARAD waa kala labo oo haddana kala akhris !!! [W/Q: Wasiir Cr/axmaan Xoosh]

-

Mucaarad” iyo MUCAARAD waa kala labo oo haddana kala akhris !!!

Waxaa baryahaan bilowday guux ay wadeen dhowr qof oo siyaasiyiin ah oo ka waday dalka dibaddiisa shir albaabada u xiran yihiin kuna dhawaaqeen in uu caddaad kooda ahaa 80 siyaasiyiin ah, kaa soo la diiday in la sawiro shirka.

Goob jooge xildhabaan ah oo shirka u tagay inuu u kuur galo hadafka laga leeyahay ayaa aniga iyo dad kale oo badan noo sheegay in shirka ay xaadir ku ahaayeen 12 qof marka isaga lagu daro. Qoraalkaan kuma saabsana daba gal siyaassiyiinta, dadka ay matalaan, caddadooda iyo waxa hadafkoodu yahay.

Maqaalkan wuxuu falanqeyn ka bixinayaa “ Mucaarad” waxa looga yaqaan caalamka iyo fikradda siyaasadeed ee ay xambaarsantahay oo si cad uga duwan MUCAARAD-ka habowsan oo Somalia ka dhex boodaya. Ka dibna waxaan eegeynaa MUCAARD-ka gurracan oo waddamada qaarkood ka jira sida Somaliya.

Caalamka waxaa “Mucaarad” looga yaqaan siyaasad isku duwan oo ka soo horjeedda xukuumadda dhisan ugana soo hor jeedda maba’adii qayaxan oo ku dhisan cilmi baaris qotto dheer. Aaraadaas “ Mucaaradku”-soo ban dhigo waa mid ummada oo dhan ay fahmi karto inaysan ku saleysneyn laab la kac, shakhsi naceyb, shakhsi jaceyl, iyo isku day xukun ka ridasho oo si garasho xumo ah loo hagayo.

Waa inay ku salaysan tahay cabasho ku aaddan khaladdaad ay xukumadda iyo muxaafidka sameeyeen xaga dhaqaalaha, arrimaha bulshada, amniga, musuqmaasuqa, iyo ku xad gudubyo shuruucda waddanka iyo Dastuurka.

Haddii ay intaas ku salaysan tahay cabashada, “ Mucaarad”-ka waxaa u suurto galeyso inay shacabka soo jiitaan maxaa yeelay shacabka ayaa sideedaba horay u dareemo khaldaadka xukuumadaha sameeyaan. Kaas waa “ Mucaarad”-ka caalamka laga yaqaan, oo mid cilmiyeeysan ah, badanaana ka shaqeeya sixidda siyaasadda xukuumadda.

Arintaas xukuumadda iyo shacabkuna uma arakaan dadka “ Mucaarad”-ka ah inay xun yihiin, balse waxeey u arkaan in “Mucaarad”-ku yahay tiir kale oo hagaya dowlad wanaagga iyo dimoqoraadiyadda. Inta badan waxaa la arkaa “Mucaarad”-kii oo hanta shicibka kuna guulaysta marka doorasho la gaaro, baddalana xukuumaddii ay mucaaradayeen. Xukuumadaas cusubna “Mucaarad” cusub baa ka ag-dhasha billaabana inuu karbuuno ku daaro siyaasadeeda.

Haddaba siyaasiyiinta Somaliyeed oo sheegtay inay dhaliilsan yihiin xukuumadda hadda jirta waxay ku sifoobeen inay yihiin MUCAARAD balse aysan ahayn “ Mucaarad”-ka caalamka laga yaqaan.

Marka aad dib u fiiriso xukuumadda hadda jirta oo ay hormuud u yihiin Madaxweeyne Mohamed Abdullahi (Farmaajo) iyo Raisulwasaare Xassan Ali Kheyre wax la taaban karo; laguna dhaliili karo oo ay MUCAARAD-ku soo ban dhigeen ma jirto, mana jiri karto sababaha soo socda awgood.

Xukuumadda waxay jirtaa wax ka yar laba bilood, shicibka iyo caqliga fiyow wuu la yabayaa mucaaradnimo bilaabata wakhtigaan oo kale, maxaa yeelay waxaa loo arkaa laab lakacnimo iyo qaswadanimo oo lagu soo daalay shantii sano ee la soo dhaafay, taasoo sababtay isqabqabsi siyaasadeed oo keentay in la marin habaabo, laguna fashilmo barnaamijyadii dowladda u degsanaa.
Intaas waxaa dheer hayadaha dowladda, sida madaxtooyada, labada aqal ee baarlamaanka iyo hayada fulinta, shacabka iyo caalamaka u arkaan in ay ka dhex muuqato xasilooni siyaasadeed iyo wax qabad xawli ku socda oo ay ka mid yihiin:

1. In dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ay si fiican isula jaanqaadeen oo uusan khilaaf ka dhex jirin, waxaana daliil u ah saxiixii iyo heshiiskii amniga oo ay bishi April wada saxiixdeen iyo tala wadaagii ay ka wada yeesheen shirkii London ee 11kii May.
2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha xal siyaasadeed ay ka dhalisay xaaladii siyaasaaddii Galmudug oo ku aadanay doorashadii Madaxweeyne Axmed Ducaale (Xaaf) oo ku siyaasad ah dowladda Farmaajo iyo Kheyre.
3. In la dareemaayo in hoggaan tayo leh loo helay hayadaha amniga isla markaasna uu amnigu soo fiicnaanayo.
4. In qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) uu si habsami leh u bilowday kaa soo hirgelintiisana lagu saleeyn doono howlaha dowladda qorshe Somali leedahay ayna hormuud ka tahay.
5. In xiriirka caalamiga ah ay dowladdu si wacan u wajahday lana xoojiyey xiriirka waddamada dariska ah.
6. In wasaaradda Waxbarashada, Warfaafinta, Dhaliyarada iyo Isboortiga, Haweenka iyo Xuquul Insaanka in ay wada hadalo la wada bulshada iyo mamul goboleedyada si loo soo saaro siyaasad ku aaddan howlahooda.
7. In loo magacaabay Gobolka Banadir dhallinyaro aad wax u baratay, aragti siyaasadeed oo Somalinimo ku dheehantay leh, rajada dhalinyarad Somaliyeedna kor u qaaday. Waa Guddoomiye Taabit, ku-xigeennadiisa Mohamed Salah, Maluka Abdukadir, Xaaji iyo Xoghaya Guud Subeyda M. Mukhtaar, waana markii ugu horesay oo ay Guddoon ama xil sare oo ay dumar ka qabtaan gobolka Banadir iyo Gobolada kale oo dhan.
8. In Dastuurkii ku meel gaarka ahaa oo dhibta badan laga soo maray shanti sano oo la soo dhaafay haatan aragti siyaasadeed ay ka wada yeesheen Hayadaha Fulinta iyo Sharci Dajinta, la iskuna raacay qorhse laba sanadood loogu tala galay in lagu soo afjarayo dib-u-eegista Dastuurka.
9. In intaas oo shaqo ah iyadoo la wado ayaa haddana Xukuumadda waxay ku howlanayd walina ku howlantahay u gurmadka shacabka abaaruhu ku habsadeen iyo sidii loo heli lahaa qorshe siyaasadeed oo ku aaddan maaraynta masiibooyinka iyo sidii looga hortagi lahaa

Gunaanad

Waxaa iga talo ah in ay siyaasiinta wax tabanaayo, ha ahaato arrin shakhsi ama siyaasad ay bal dib u neefsadaan ayna isla miisaanaan wadciga aan ku jrno oo ah wadci xukuumadda 2 bilood wali gaarin, wadci abaaro ku habsadeen waddanka intiisa badan, wadci lagu jiro la dagaalanka nabad diidka, iyo wadci lagu howlan yahay udub u taaggii dowladnimo hanato astaamaha lagu yaqaan dowladnimo.

Haddii ay siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada rabaan inay ka qayb galaan siyaasadda waddanka, Dastuurka ayaa u fasaxayo, loomana diidin. Laakin ha billoobaan ina ay la xaajoodan Xukkuumadda, una soo ban dhigaan sidii wax loo sixi laha. Laakin waa laga fiican yahayin xal loo arko in lala xiriiro dowlado Ajnabi ah.

Tan ugu dambeeysa, haddii ay siyaasiintaan hayaan waxyaalo la taaban karo oo ay rabaan in ay xukkuumadda saxdo, hasoo ban dhigaan haddii talooyinkaas ka soo if baxeen kadib cilmi baaris qotto dheer leh, umaddana ku wada qanci karto si wadar-oggoleed ah.

Aan wado hadalno waa aan heshiinno!!!!

W/Q: C/raxmaan Xoosh Jibriil
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you