Monday, January 5, 2026

Mucaaradka oo ka faa’iideysanaya fursadaha ay dayacday Dowladda Soomaaliya {Qormo}

-

Kooxdda mucaaradka ku ah hogaanka Dowladda Somalia ayaa badalay qeyb ka mid ah hanaankii ay markii hore wax ku wadeen iyagoo bilaabay iney soo jiitaan qabaa’ilka, culimadda iyo qeybaha kale ee bulshadda, waxey u muuqdaan kuwa xooga saaraya iney dadka iyo dowladda iska hor keenaan.

10-kii cisho ee lasoo dhaafay waxey la kulmeen duubabka dhaqanka ee beesha Mudulood iyo Hay’adda culimadda Soomaaliyeed, warar madaxbanaan ayaa sheegaya in kulankii mucaaradka iyo culimada la isku mari waayay oo madal kale loo balamay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa horey ugu eedeyay culimadda iney mushaar ka qaataan Dowladda, taas ayaa loo arkaa mida keentay in la isku mari waayo kulanka. Hay’adda culimadda oo ay Shiikh Bashiir Axmed Salaad iyo Shiikh Nuur Baaruud Gurxan madax ka yihiin ayaa hadda dhexda uga jirta marxalad kala jiidasho ah, waxaa dadka qaar cabsi ka qabaan sidda ay ku socoto howsha hay’adda culimadda.

Dowladda Somalia ayaa hadda ku qasban iney dib u fur furto xarkaha ay mucaaradku xireen si aan looga leexsan bulshadda, waxa kaloo jirta madal uu sameeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loogu talo galay in lagu badalo aragtidda dhalinyarada taabacsan Dowladda, dhinacyadaan oo dhan waa meelo ay Dowladdu ka jiifatay oo ay u aragtay ineysan ahmiyad badan laheyn.

Mucaaradka oo markii hore dhowr qeybood ahaa ayaa waxaa dhankooda u socda kulamo lagu mideynaayo ujeedooyinkooda, waxaa tusaale kuugu filan in xildhibaan Faarax Shiikh C/qaadir uu hareer fadhiyay Cabdiraxman Cabdishakur ,kulankii ay wada qaateen mucaaradka iyo hay’adda culimadda.

Fursado badan oo ay dayacday Dowladda madaxweyne Farmaajo ayey ka faa’iideysanayan kooxaha mucaaradka, mida ugu muhiimsan waa isku duwidda iyo hagida qeybaha bulshadda gaar ahaan qaba’ilka caasimadda dagan.

Dowladdu waxey heli kartaa dhowr qaab oo ay shacabka ku hagi karto kagana bad baadin karto iney gacanta u galaan mucaaradka oo ay fikradahooda qaataan.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you