Friday, July 11, 2025

Mudane Madaxweyne waxaa kuu haray inaad isku qataarto Khayre & Mahdi Guled! (Qormo Mahad Salad)

-

Xalay waxaan daawaday muuqaal uu iska soo duubay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad oo ka dabo qaylinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi.

Kadib waraaq ka soo baxday Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo lagu sheegay in Goluhu u leeyahay kaalin dastuuri ah isu keenista madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo, Laguna codsanayo in wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan madaxda Qaranka, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June!

Waxaan is weydiiyay Senator Mowliid miyuusan akhrin dastuurka iyo Xeerhoosaadka Aqalka Sare. Mana oga miyaa in shaqadiisu tahay waxa uu Gudoomiyuhu u dirsado ama marka ay maqan yihiin Gudoomiyaha iyo ku xigeenka 1aad in uu qabto howshooda sida ku cad qodobka 9aad ee Xeehoosaadka Aqalka Sare.

Waxaase yaab iyo amakaag ah habdhaqanka gurracan ee Madaxweyne Farmaajo iyo waxa ku qasbaya in uu isku wada qataaro had iyo jeer madaxda kala sareysa ee ka wada tirsan hal maamul, hal gole ama beelo iyo qabiilo nabad ku wada deggan, ama siyaasiyiin isku hayb ah.

Dad iskaba daaye xitaa noloshii dadka ayuu isku qataaray Madaxweynuhu!Tusaale waxaa kuugu filan:

1. Muudey iyo Mahad Cawad ayuu ku kala qataaray Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye Maxamed Mursal.

2. Madaxweynihii Puntland Abdi Wali Gaas ayuu ku qataaray Ku Xigeenkiisii Cabdixakiin Cameey.

3. Madaxweynii Galmudug Axmad Ducalee “Xaaf” ayuu ku qataaray Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal iyo Ku Xigeenkiisii Maxamed Xaashi Carabey oo maalin dhaweyd loo magacaabay Agaasimaha Guud mid ka mid Wasaaradaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya!

.4. Madaxweyne Axmad Madobe ayuu ku qataaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo saraakiil ciidamada ka tirsan oo ay isku hayb yihiin si ay u afgembiyaan.

5. Madaxweyne Deni ayuu ku qataaray Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Dhoobo Daareed oo sababtey inuu sidaas xilka ku waayo haddana ku sugan Muqdisho iyo Ku Xigeenkiisii Axmed Karaash.

6. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muse Bixi ayuu ku qataaray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad si uu uga helo guulo ama dhibco siyaasadeed oo uu ku galo ololaha doorashada.

7. Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi ayuu shalay ku qataaray Ku Xigeenkiisii 2aad Mowliid Guhaad oo Madaxweyne Farmaajo qaraabo dhow yihiin.

8. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray madaxweynayaashii ka horeeyey qaaqleyaal kiraysan oo dhaleeceyn iyo afxumo la daba taagan markii ay hadlaanba.

9. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray warbaahintii ciidamo iyo garsoor gacan ku rimis ah oo afka iyo gacmaha ka xiray.

10. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray fahamkii iyo xaq-sheegii diintii Islaamka wadaado xambaarsan fariimo siyaasadeed-diimeysan oo warbaahinta, maajidyada iyo Facebook-yada ka gudbinaya qaylo iyo habaar joogto ah oo ay la beegsanayaan siyaasiyiinta ama cid kasta oo dhaliisha xukunka Farmaajo!

11. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray noloshii iyo isku socodkii magaalada Muqdisho dhagaxyo iyo isbaarooyinka lagu dhibo xoogsatada, gaadiidka, ardayda iyo dan yarta nolol raadiska ah.

12. Haddaba waxa aan sugnaa waa Mahdi Gulled oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku qataaran.

Mudane Madaxweyne diraddiraaleha iyo qoriga dabka ah ee dadka aad isugu dhiibtay dalkii oo dhan waa kala gaaray, dulqaadkiina waa naga dhamaaday ee ma sidaan baa dan mooday?!

W/Q: Xildhibaan Mahad Salad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you