Saturday, August 9, 2025

Mudane, Ra’iisul Wasaare iska Sax, Blue Economy. (Qormo)

-

Araar.

Yaan loo qaadan Dhaliil, waa khalad iiga muuqday Dukument ka soo baxay XRW.

1. Warqadda Tixraac XRW 0074/30/2022 ee ku Taariikheysan 30/11/2022.

Waxaa lagu bedaly Magacii “Wasaarada kaluumeysiga iyo khayraadka Badda” loona bixiyay “Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah”.

Waxaa ku Qoran Warqadu in ey dhaqan galee marka uu saxiixo RW, waxa uuna saxiixay 30/11/2022. Halkaa waxaa ku cad in ey dhaqan galee Taariikhdaa kor ku xusan.

isla warqadaa waxaa ku qoran, waxaa la bedelay Magacii hore. Waxaana la bedelay laga Bilaabo 30/11/2023. taa oo u muuqato in bedelku uu bilaabanayo Sannad kadib waa 2023, hore ayaana loo yiri: Waxa uu dhaqan galaa marka uu saxiixo RW oo aheyd 30/11/2022. Halkaa khalad ayaa iiga muuqdo. ( F.S: 1aad)

2. Magaca cusub ee loo bedelay oo ah “Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah”.

Marka laga Hadalayo qeexidda Dhaqaalaha Buluuga ah, waxa uu ka kooban yahay: Kaluunka, Noolaha kale ee Badda ,Gaadiidka Badda, Dalxiiska Xeebaha, Macdanta, Shidaalka Gunta Badda, Meelaha lagu farsameeyo Maraakiibta iyo Doomaha, Quwadda laga dhaliyo Biyaha Badda iyo Maceynta Biyaha Badda.

Mar haddii la yiraa Dhaqaalaha Buluuga ah, Kaluunku waa ka mid, waxaa haboon intii la dhihi lahaa “Wasaarada Kaluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugaa” in lagu soo koobo “wasaarada Dhaqaalaha Buluuga ah” oo kaliya oo aan Kaluunka laga soocin dhaqaalaha kale ee Buluuga ah, sida ku cad qeexidda Dhaqaalaha Buluuga ah ama sida Caalamku u yaqaan.

3. Haddii si kooban aan u qeexno nuucyadan dhaqaalaha Caalamku sida uu u yaqaan.

a) Blue Economy: Si kooban waa in si joogta ah loo horuumariyaa khayraadka Badda iyo Xeebaha, mar marna waxaa lagu daraa Harooyinka iyo Wabiyadda. Aragtidan “Blue Economy” waxaa badanaa laga soo qaatay Buugii uu qoray: Mr. Gunter Pauli 2010 uuna uga hadlay sida looga faa’iideysanayo Dhaqaalaha Buluuga ah, waan jeclaa lahaa in Wasaaradu ka faa’iideeysato Buugaa iyo Buugaata kale ee laga qoray Siyaasadda Dhaqaalaha Buluuga ah, policy of Blue Economy.

b) Green Economy: Waxa mid ku kooban joogeeynta dhaqaalaha si gaar ah, Gaadiidka Badda,Tamarta iyo Warshadaha la xiriiro wax soo saarka khayraadka Badda.

c) Orange Economy : Waa dhaqaale Asalkiisu ku Saleeysan yahay, Hal abuur, Cilmi Baaris, khibrad, Fikrado, Xuquuq qoraal, IWM.

d) Grey Economy : Waa dhaqaale Sharciyeysan, Laakin aan la ururin lana habeeyn.

e) White Economy: Waxa uu la xiriiraa Daryeelka Cafimaadka gaar ahaan Dadka Baahiyada Gaarka ah qabo iyo kuwa Da’da ah, in loo faa’iideeyo laga faa’iideysto.

f) Black Economy : waa dhaqaalaha kuwa ku shaqeysto wax ka baxsan Habka nidaamka maaliyadda & Cashuuraha. Dowladuna ey war qabto, Laakin aan laga qaadin Cashuurta ku waajibtay.

g) Red Economy :waa dhaqaalaha kuwa qaato dhuuxa khayraadka, reebana Haraagga wasakhda ah.

h) Silver Economy: waxaa laga soo qaatay Dalka Japan oo ku maalgaliso Cafimaadka Dadka Da’da ah. Dalkaa oo tira badan oo Dadkiisa ahi ey aad u cimriyaan kana weyn yihiin Da’da 65 sano jirka ah.

4. Aragtida Caalmka iyo Dhaqaalaha Buluuga ah:

African Union ayaa leh: Dhaqaalaha Buluuga ah, Qaarada Africa waxa ey ka heshaa Sanadkii $ 300 Billion, waxaana shaqo ka helay 49 Million oo Qof.

World Bank: waxaa haboon in si wanaagsan loo isticmaalo khayraadka Badda lana dhowro Ecosystem-ka.

EU: Blue Economy, waa in lagu daro dhamaan Warshadaha la xiriiro wax soo saarka Badda oo lagu horuumariyo Maal gashiga iyo Mustaqbalka Yurub.

Baddu waa Buluug inta Cirka ka koreeyo uu Buluug yahay. Muhimaddu waa khayraadka ku jiro iyo sidii looga faa’iideysan lahaa.

FG: Aragtiyeyda Labada qodob ee Sare ku qoran 1 &2 ee warqada Ra’isul Wasaaraha waa Aragti qofeed.

Waxa Qoray: Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you