Monday, July 7, 2025

“Mukhtar Roobow siyaasiyiin KG ayaa codsaday in la xiro welina raba inuu sii xirnaado” Wasiir hore oo kashifay..

-

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aaden Fargeeti ayaa kla hadlay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow, isagoo kashifay arrimo badan oo ku xeesan arrintiisa iyo siyaasiyiinta Koonfurgalbeed.

Qoraalkiisa oo xasaasi ah hoos ka akhriso:

Arrinta Sheekh Mukhtar Roobow waa arrin aan si dhow ula socdo oo ilaa iyo hadda dadaalo badan ku bixinayno sidii uu xoriyadiisa xaqqa u leeyahay u heli lahaa. Laakiin ma ahan arrin sahlan waxaan rabaa in dadka fahmaan in xarigga Sh Mukhtar uu leeyahay wejiyo badan oo siyaasadeed, amni, sharci iyo qabiil intaba leh.

Dadka difaacaya xirnaashihiisa waxay u badan yihiin dad caatifiyan taageersan dadkii ka dambeeyay xarigiisa waxayna ku doodaan inuu argagixiso ahaan jiray ama uu ka biyo diiday soo jeedintii Dowladda oo ahayd inuusan isa soo sharaxin.

Labaduba ma ahan arrimo si sharci ah loo wajahay oo ay maxkamad lala tiigsaday. Dad badan oo ay isla soo garab dagaalameen ayaa hadda xilal sarsare ka haya Dowladda. Isagana si cad ayuu uga tanaasulay fikirkaas, ficliyana uga soo horjeestay kooxdaas.

Laakiin marka aragtid sida loo xormeeyo shaqsiyaad weli fikirkaas ku taagan ama kuwo dembiyo jariimo ah sameeyey waxaa iska cad in xariga Sh Mukhtar uu leeyahay weji qabiil leh. Arrinta musharaxnimada waa mid Dastuurka u ogalaanaya laakin inay munaasab ahayd iyo in kale waa arrin siyaasadeed.

Dhanka kale, Sh. Mukhtar xirnaashihiisa siyaasiyiin KG ayaa codsaday welina raba inuu sii xirnaado, Dowlada dhexe waxay amartay in la soo xiro, Itoobiyana waxay fududeysay soo xiritaankiisa. Markaa in isla iyagii laga codsado caddaalad waa wax mala-awaal ah. Dadyowga KG iyaga ayaanba siyaasiyan iyo amni ahaanba xor ahayn.

Deegaanada KG waxay ku jiraan go’doon amni siyaasiyana wey cabursan yihiin. Isku haleynta ciidanka Itoobiyanka ee madaxtooyada KG ilaaliya ayaa marka hore u baahan in laga tashado.

Midda labaad, siyaasiyiinta KG ku matela Dowladda dhexe ayaa u muuqda kuwo aan xor u ahayn fikirkooda. Taas ayaa keenaysa in cadaalad laga raadiyo wadanka dibediisa ilaa laga helayo xoriyad gudaha ah iyo isbedel dhab ah.

W/Q: Maxamed Aden Fargeti
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somalia

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you