Wednesday, July 9, 2025

“Muqdisho maalmo xanuun badan ayaa kusoo wajahan, hadeysan bararaarugin inta Farmaajo u shaqeysa” -Qormo-

-

Khudbadda Madaxweyne Deni waxay dibedda soo dhigtay xaqiiqooyin xanuun badan oo la xariira taliska muddo xileedkiisu dhacay ee ina Farmaajo.Waxaan isku tirinayaa dadka xilli hore fahmay Farmaajo, laakiin fahamkeygu wuxuu ka imaanayey u kuurgelidda habdhaqankiisa, fasiraadda ficilladiisa iyo xogta aan ka helo kooxdiisa.

Madaxweyne Saciid wuxuu iiga duwanaa in dareenka tebineed ee khudbaddiisa uu ku dhisnaa waayo-aragnimo iyo falgal toos ah oo uu isagu u joogay. Saciid wuxuu garaacay gambaleel digniin ah kana turjumaya halista uu dalku marayo.

Waxaa lagaa yabaa in qolada Xamar joogta ay horay u yareysaneysay khatarta Farmaajo ka imaan karta ama ay isku haleynayaan beesha Caalamka, halka in kale ay is leedahay waqtigiisii waa dhammaaday oo doorasho ayuu ku baxayaa.

Dani wuxuu sawir ka bixiyey muuqaalka siyaasadeed ee Farmaajo oo leh “ Walaalow maxaa iga rabtaa haddii aan qolada Xamar iyo Baydhabo xukumayo”? Iyo saciid oo leh “ Haddii aad kuwaas xoog iyo cabsi ku xukuntay, innaga iyo Somaliland tii hore ayaad noo celin rabtaa” waa halka uu dadkiisa uga digay in mar kale 80-kii oo kale ka foojignaadaan.

Farmaajo duulaankii uu hoygayga ku soo qaaday 17-kii Dec 2017, iyadoo xilkiisu billaw yahay iyo weerarka uu Khamiistii 18/02/2021 Hotel Maa’idda ku qaaday, isagoo muddo xileedkiisa dhammaaday, ayuu ku tijaabiyey falceliska ka imaan kara Muqdisho. Farriinta kale ee muhiimka ah waxey aheyd in si wadajir oo aan heyb sooc qabiil laheyn la isaga qabto halista Farmaajo.

Saciid wuxuu fashiliyey shirqoolka Farmaajo ee doorasho beenaadka. Farmaajana wuxuu ku qasban yahay in uu xawligii uu xukunka xoog ugu joogi lahaa sii labanlaabo. Muqdisho maalmo xanuun badan ayaa ku soo wajahan, haddii in aysan bararaarugin inta Farmaajo u shaqeysa ama la shaqaysata ee reer Muqdisho ah.

W/Q: C/raxmaan C/shakuur Warsame

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you