Wednesday, January 21, 2026

Muqdisho Xilligan musharax kasta waa MADAXWEYNE..! [Qormo dhab ka hadal ah] -Akhriso

-

Muqdisho xiligan la joogo musharax kasta waa madaxweyne, waxaa uu leeyahay ilaalo, koox hab maamuus, kuwo ilaaliya ballamaha iyo booqashada , kuwo suuqa ugu jira oo ugu yaraan magacaydooda ka sheeg sheega meelahaasi iyo koox baraha bulshada u qaabilsan.

Xarumaha ay deganyihiin waa kuwo laga shaqeeyay oo ugu yaraan u diyaarsan, waxaa dhacda in sadex ama labo xarumood ugu yaraan hal musharax u kiraysantahay, waxay dhex socdaan magaalada iyagoo uu weheliyo ugu yaraan hal gaari oo ciidan ah, intooda badan xildhibaano ayaa hareeraha ka jooga , saaxiibo aaminsan in ay dowladd la dhisayaan oo mar mar aad moodo in lagu saleeyay shaxda (4.5) ayaa musharax kasta ka agdhow odayaal dhaqan kama maqna haweenkuna doorkooda ayeey ka qaadanayaan.

Musharaxkasta mid xil haya iyo mid aan haynba waxaa yar wakhtigiisa , waxaa uu joogaa maalmo uu jilayo in uu talinayo isaga oo aan hubin in uu sidan sii ahaan doono sanado! mid kasta waxaa loogu yeeraya madaxweyne! mar mar waxaa arkaysaa iyagoo dhowr ah oo midba kan kale ku leeyahay madaxweyne!

Waxaa uu musharax kasta aad u jecelyahay in ay maqlaan waxii dhegahooda u fiican sida amaanta , talaabo uu sameeyay oo kooxda agjoogta ku amaanto , ama in loo sheego daldaloolada qofka uu isagu khatar u arko, si ay u gasho rajo guul ah.

Markaan oo kale waxaa albaab kasta u furanyahay waa xildhibaanada oo musharax kasta uu kor ka tirsanayo, iyaguna isku si u qaabilaya musharixiinta, balse codkooda la ogaanayo daqiiqada u danbeysa.

Musharixiintu hada mid kasta waa madaxweyne, balse 8-Febraayo hal mid ayaa noqonaya madaxweyne oo sii joogteysanaya adeega uu haysto maanta oo lagu daray awooda qaranka.

W/Q: Weriye Jaamaca Dabaraani

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you