Sunday, August 17, 2025

Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo heysta fursadaha ugu fiican Doorashada Madaxweynaha

-

Iyadoo ay ka harsantahay in ka yar 48 sacadood doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya ayaa waxaa soo if baxaaya saadaalo kala duwan oo muujinaya sida ay musharixiintu ugu kala horeeyaan tartankan,

waxaana shaki la’aan ah in musharixiinta isbedel doonka ah ay yihiin kuwa safka hore kaga jira in loo saadaaliyo in midkood uu ku guuleysan doono doorashada Madaxweynenimo, taasoo meesha ka saareysa hanka hogaanka dowladda uu waqtigeeda dhamaaday ee ah inuu talada dib ugu soo laabto.

Haddaba, waxaa xarumaha Musharixiinta ugu cad-cad tartankani ka socda ololihii ugu dambeeyay ee lagu soo jiidanayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka, balse waxaa hubaal ah in ay sii yaraaneyso inta musharax oo la filayo in ay heli karaan codad ka badan 20-meeyo, taasoo micnaheedu yahay in illaa afar musharax oo qeybsada codadka intooda ugu badan ay kasoo gudbi doonaan wareega koowaad, waxaana halkaasi laga filan karaa in musharaxiinta waxqabadkooda horey loo tijaabiyay in ay fursadooda hoos u dhici doonto marka la gaaro wareega labaad.

Musharaxiinta la filayo iney wareega labaad soo galaan ayaa waxaa la saadaalinayaa inuu ka mid noqdo Musharaxa Cabdulqaadir Cosoble oo ka mid ah wejiyada cusub ee kooxda isbedel-doonka, islamarkaana la xasuusan yahay in doorashadii 2012-dii uu wareegii kowaad ka soo gudbay, halka musharixiinta kale ee lagu tirinayo iney lasoo gudbaan ay yihiin kuwo jago Madaxweyne ama mid Raysulwasaare soo qabtay, kuwaasi oo aysan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanku u arag in ay wax weyn soo kordhin doonin maadaama horay loo soo tijaabiyay.

Cabdulqadir Cosoble Cali oo Ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad oo loo saadaalinayo inuu tartanka doorashada Madaxweyne ku guuleysto ayaa la arkayay inuu shirar aan kala go’ laheyn uu la lahaa xildhibaanada baarlamaanka maalmihii aynu kasoo gudubnay, iyadoo xildhibaanada labada Aqal qaarkood ay sii sheegayaan in aanu wax shaki ah uga jirin in Musharaxa Cabdulqaadir Cosoble uu noqon doono madaxweynaha la doorto ee Soomaaliya marka la gaaro 8-da Bishan ee loo balansan yahay.

W/Q: Xasan Maxamed Shiino

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you