Wednesday, January 21, 2026

Musharixiinta jagada Ra’iisal wasaaraha ee miiska u saaran madaxweynaha (3-da ugu horeysa & sida loo kala wato)

-

Tan iyo kalsooni kala noqoshadii xukuumadda C/weli Sheekh Axmed oo ku beegneyd 6-da Bishan Disembar waxaa soo if baxayay warar kala duwan oo ku saabsan Ra’iisal wasaaraha cusub iyo qofka uu noqon doono. Waxaa iska soo daba dhacayay warar ku saabsan shaqsiyadda Ra’iisal wasaaraha saddexaad ee dowladda Federaalka iyo qofka loo xulan doono.

[ot-caption title=”MUSHARIXIINTA UGU CADCAD JAGADA RA’IISAL WASAARAHA CUSUB” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2014/12/RAIISAL-WASAAREYAAL.png”]

Wararka ku dhow madaxtooyada waxay miiska soo saareen ilaa shan ruux oo saddex kamida ay safka hore yihiin, kuwaasoo kala ah:

1. Xuseen Cabdi Xalane

Waa wasiirka Maaliyadda xukuumada  kalsoonida weyday, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweynaha iyo gaar ahaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ah ninka gadaal ka taagan ee ku tirtirsiinaya madaxweynaha in jagada ra’iisal wasaaraha loo magacaabo. Loolankii hore loogu galay jagada ra’iisal wasaaraha ee lagu magacaabay C/weli Sheekh Axmed ayuu Faarax ku guul darreystay inuu musharaxan ka iibiyo madaxweynaha, wuxuuse hadda u muuqdaa inuu fursad fiican heysto.

2. Saciid C/llaahi Deni

Waa musharax kale oo jagadan loo saadaalinayo kana mida xubnaha ugu horeeya musharixiinta miiska u saaran madaxweynaha. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa golaha wasiirada C/weli Sheekh, wuxuuna ka hayay xilka Wasaaradda Qorsheynta, isagoo ka mid ahaa wasiirada ugu afka gaaban ee aan dhaqdhaqaaqooda la dareemin, inkastoo markii xilka loo magacaabay dhibaato weyn laga maray inuu aqbalo xilka, markii culeys beeshiisa ku saartay inuu diido xilka ama loogu daro Wasaaradda Qorsheynta (iskaashiga caalamiga ah) oo magac ahaan si aan sharci ahayn loo siiyay. Musharaxan waxaa isaga wata oo uu taageero ka heysta la-taliyaha siyaasadda ee madaxweynaha C/kariin Xuseen Guuleed.

3. Cumar C/rashiid Cali

Waa musharax dhowaangal ah oo hore ugu jirin musharixiinta jagadan, wuxuuna hore u soo noqday Ra’iisal wasaare  xiligii kumeelgaarka ahaa, waa nin qabow oo degan, laguna meel marsan karo siyaasadda madaxtooyada ka socota. Mas’uulkan oo hadda ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka waxaa taageeraya C/llaahi Sanbaloolshe oo ka mida saaxiibada madaxweynaha, isagoo u balanqaaday inuu la jaanqaadi karo siyaasadda kooxda.

Xulka jagada oo la filayo inaysan waqti badan ku qaadan madaxweynaha xilligan sida uu isaguba sheegay ayaa dhibaatada ugu weyni ka imaaneysaa saaxiibada madaxweynaha oo musharixiin kala duwan kala wata mid kastana doonayo in qofka uu wato loo magacaabo jagadan, halkii lagala tashan lahaa xildhibaanada iyo maamulada dalka ka jira.

Goobjooge.com

London

[ad name=”HTML”]

 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you