Wednesday, September 3, 2025

MUSIIBADII OKTOOBER-14 MAXAAN KA BARA KARNAA..? [Qormo Faallo iyo talo bixin ah]

-

Musiibo, Disaster, Kaarithah; waa dhacdo ka hor-tageeda iyo xalkeedu uu ka baaxad-wenyahay awooda Qof ilaa Qaran, waxaana loo qeybiyaa 3 qeybood;

A. Musiibo Rabaani ama Dabiici ah sida; Dhul-gariir, Abaaro, Daadad, Duufaan, Dabeylo, Folkaano, Sunaami iwm.

B. Musiibo Bani’aadam sababay sida; Colaado, Dagaalo, Qaraxyo, Dab, Cuduro, Gaajo, Qax, Barakac iwm.

C. Musiiba isugu jirta Dabiici & fal Aadane sida; Abaaraha iyo Daadadka oo ka dhasha xaalufin iyo roobkii oo bata ama yaraada, Dabka oo ka dhasha hurin Aadane iyo Dabeyl Dabiici ah iwm.

Musiibada waxaa kale oo loo qeybiyaa 3 Marxaladood oo kala ah;

1. Ka hortag inta aysan dhicin sida; in la joojiyo, laga digo, laga cararo, laga qaxo, la yareeyo khasaaraheeda, la sameeyo xarumo iyo hay’ado ka hortaga ama ka diga, la aruuriyo xogta Musiibada iwm.

2. Maareynta Musiibada markii ay dhacdo iyo ku koobida heerka ay joogto sida; Gurmad deg-deg ah, maamulka iyo kala hagida qeybaha Gurmadka, xadida baahida samatal, isku xirka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Gurmadka.

3. Kasoo kabashada Musiibada; marxaladaan ayaa ugu adag oo u baahan in dib looga soo kabsado dhibaatadii ka dhalatay Musiibadii dhacday sida; helitaam Mashaariic dib-u dejin, wacyi-gelin iyo sabir-siin dhaawacii Maskaxeed iyo Jireed ee ay reebtay Musiibadu, ka hortegid Musiiba kale oo soo laabata, xoojinta iyo adkeynta Wasaarada, Hay’ada ama Teamka ka gudbin-kara marxalaas adag.

Musiibadu waxey leedahay Faa’iidooyin; sida uu noo cadeeyey Qur’aan-keyno (Cadaab aduun ayey dadku dhadhami-nayaan si ay uga laabtaan gefka Alle) Imam Shaafici-na wuxuu yiri (Musiibada waxaan ku jeclaaday in ay i kala barto Cadaw iyo Saaxiib) Xikmad kale ayaa leh (Fursad ka fiican majirto oo umad lagu mideeyo, lagu hogaamiyo, lagu dagaal-geliyo, lagu kiciyo, lagu geliyo tartan horumar Musiiba dhacda kadib).

Musiibadii Oktoober14, waxaan ka bara karnaa in dhaliilihii kasoo baxay laga gudbo, fursadaha cusub ee ka dhashayna laga abuuro faa’iidooyin sida;

Qaraxii oo aan digniin laga bixin, dadka oo aan Wacyi-gelin la siinin, Zaxmadii ama Ciriirigii Wadooyinka oo aan la yareynin gaar ahaan Isgoosyada iyo Check Pointiyada, iyada oo aysan jirin Hay’ad gurmad oo diyaarsan oo horey kala fal-gasha Musiibada sida; Deb-damis, Gar-gaar Caafimaad, Ciidan Birmad deg-deg ah, Qalab iyo Gaadiid Gurmad, Ciidamada iyo Wasaaradaha dawlada oo aan kala garaneyn Waajibaabka Gurmadka iyo Cida Hogaamineysa, Dawladihii soo Gurmaday oo aan la xadidin baahida waxa laga rabo, kuna koobeen Gurmad-kooda Dawo iyo dhaawac-qaadis taa oo keentay in ay ku tartamaan, kalana maseyraan, qaarna ay dhibsadaan intii ay sugayeen diyaarinta dukumiintiyada iyo habeynta dhaawacyada.

Dhaliilahaas iyo qaar kale ayaa u baahan in deg-deg looga gudbo.

Talo iyo soo jeedin kadib Baroor-diiqdii Musiibadii Oktoober14

1. In Taalo ama Aargo ama Jardiino Xasuus ah laga dhiso Isgooska Zoobe.

2. In Zaxmada iyo Cirririga Gawaarida laga yareeyo Isgoosyada Magaalada iyo Goobaha baaritaanka Ciidamada taa oo fursad siin karta Cadawga raba in uu dad badan dilo.

3. In la mideeyo Hogaanka Gurmadka iyo dhaqaala aruurinta.

4. In la xoojiyo awooda Wasaarada Gargaarka, Hay’adaha Gurmadka, lana mideeyo waxqabad-kooda.

5. In la xoojiyo xiriirka dibadda, lana xadido baahida loo qabo iyo dawlad kasta waxa laga rabo iyo sida ay noogu kala horeeyaan.

6. In Dawlada Turkey loo aqoonsado Saaxiibka koowaad ee Somaliya, loogana mahad celiyo meel kasta oo ay Somali joogto dal iyo dibad ba, Gurmadkeeda iyo Gar-gaarkeeda kaliya ma ahan ee Dawlado badan ayaa Maseyr Turkey dartiis noo taageeraya ama Turkey dartiis nooga baqaya.

7. In deg deg loo dhiso hay’adda Saadaasha, ka Hortaga iyo Cilmi-baarista Musiibooyinka.

8. In la xoojiyo dibna loo abaabulo Hay”adaha Nabad-gelyada, lana mideeyo hawl-galadooda, Jidadkana la furo gaar ahaan xilliyada Musiibadu dhacdo si loo fududeeyo Gurmadka.

9.in Shacabka, Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta Dawlada la abaabulo, looguna baaqo Midnimo, Is Cafin, Iskaashi, Isku-tashi, Wada-jir, Guul iyo Gobanimo.

W/Q: Maxamed Nur Gacal
Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha dibadda Somaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you