Monday, August 11, 2025

Muuse Suudi wali waa muhiim [Akhriso Qormo xiiso leh]

-

Muuse Suudi Yalaxow mudanaha aqalka odayaasha ugu afka dheer, ama aan si kale u dhahee midka ugu hadalka kulul, wali waa xisaabtamayaa.

Xaaji Muuse ayaa u muuqda mid la heysta ama yaqaana doorkiisa shaqo, hada ka hor iyo hadaba waa mid beeshiisa aan kaga tagin meel cidlo ah, ha is dhihin muxuu wali qabiil ugu doodaa Muuse ileen dhamaan matalayaasha siyaasadda Somalia ayaa qabiil ku yimid kursiga, hada ma midka reerkiisa u hadla ayaa ugu fariidsan siyaasada maanta jirta ?, haa ayey noqon doontaa jawaabtu inta ay odayaasha, haweenka iyo dhalinyaradda wax baratay ee beeshu maalin walba ku qabsadaan xildhibaanadda ,wasiiradda ,iyo madaxda sare wax noo qabta madaama aad kursigeenii qaadateen, sidaa darteed siyaasiga dadkiisa ayaa ku qasba inuu u hadlo.

Doodii uu jeediyay asbuucan waxey soo celisay murankii beelaha, saamigii kursiga Ra’iisul wasaaraha iyo inta ay la egtahay awoodda aqalka sare ay u lee yihiin la xisaabtanka xukuumadda, Muuse Suudi sida uu u hadlo marka la eego waxa ay u muuqata inuu wali muhiim u yahay beeshiisa iyo aqalka odayaasha oo malaha garan la’aa meel ay raacaan, jiilaal kasta Muuse Suudi waa u deyr.

Maxaa horta Muuse loo keenay aqalka sare ?, Ma ogi ee Qeybdiid, Faroole, Dhagey Geele, Dhagdheer iyo Fartaag maxaa keenay ? haa aqalka sare waxaa loola jeeda miyaa “Guriga lagu saxo qoondada qabiilka “ wax u dhow waxa jira ayaad sheegtay , haa markaas Muuse waa saxan ayahay waana muhiim waxaanse ka xumahay in uusan Jeneraal Moorgan ka mid aheyn aqalka sare.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you