Friday, January 30, 2026

Muuse Suudi wali waa muhiim [Akhriso Qormo xiiso leh]

-

Muuse Suudi Yalaxow mudanaha aqalka odayaasha ugu afka dheer, ama aan si kale u dhahee midka ugu hadalka kulul, wali waa xisaabtamayaa.

Xaaji Muuse ayaa u muuqda mid la heysta ama yaqaana doorkiisa shaqo, hada ka hor iyo hadaba waa mid beeshiisa aan kaga tagin meel cidlo ah, ha is dhihin muxuu wali qabiil ugu doodaa Muuse ileen dhamaan matalayaasha siyaasadda Somalia ayaa qabiil ku yimid kursiga, hada ma midka reerkiisa u hadla ayaa ugu fariidsan siyaasada maanta jirta ?, haa ayey noqon doontaa jawaabtu inta ay odayaasha, haweenka iyo dhalinyaradda wax baratay ee beeshu maalin walba ku qabsadaan xildhibaanadda ,wasiiradda ,iyo madaxda sare wax noo qabta madaama aad kursigeenii qaadateen, sidaa darteed siyaasiga dadkiisa ayaa ku qasba inuu u hadlo.

Doodii uu jeediyay asbuucan waxey soo celisay murankii beelaha, saamigii kursiga Ra’iisul wasaaraha iyo inta ay la egtahay awoodda aqalka sare ay u lee yihiin la xisaabtanka xukuumadda, Muuse Suudi sida uu u hadlo marka la eego waxa ay u muuqata inuu wali muhiim u yahay beeshiisa iyo aqalka odayaasha oo malaha garan la’aa meel ay raacaan, jiilaal kasta Muuse Suudi waa u deyr.

Maxaa horta Muuse loo keenay aqalka sare ?, Ma ogi ee Qeybdiid, Faroole, Dhagey Geele, Dhagdheer iyo Fartaag maxaa keenay ? haa aqalka sare waxaa loola jeeda miyaa “Guriga lagu saxo qoondada qabiilka “ wax u dhow waxa jira ayaad sheegtay , haa markaas Muuse waa saxan ayahay waana muhiim waxaanse ka xumahay in uusan Jeneraal Moorgan ka mid aheyn aqalka sare.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you