Monday, July 14, 2025

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala socday Gacan-gelinta Qalbidhagax? [Akhriso Xaqiiqada Kiiska]

-

Si guud qof weliba wuu fahmikaraa in Madaxwaynuhu arrintan iyo heererkay maraysay wuxuun kala socday laakiin waxaan idin la wadaagi arrimo dhacay oo xaqiiqo ah.

  1. Markii uu Cabdikariim Gaalkacayo ku xidhnaa waxaa in Muqdisho la keeno doorka runta ah ku lahaa safaaradda Ethiopia iyo masuuliyiinta Farmaajo ka hoosaysa, dadka caadiga ah iyo Farmaajo waxaa loo sheegayey in Cabdikariim NISA soo qaaday si dowladdu go’aan uga gaadho arrinkiisa.
  2. Markii Muqdsiho la keenay rag muxtarim ah oo masuuliyiin qaran ah, ayaa M/weyne Farmaajo; kala hadlay arrinta Cabdikariim, waxayna ku yidhaahdeen: “Mudane ninkan haddayna dowladdu wax dembi ah u haysanin sii daa, isaguna wuxuu u hadlay si fiican oo wuxuu yidhi: waa sax e, waxaynu iswaydiin uun ma halkan ayeynu kusii daynaa mise dal kale ayeynu u qaadnaa? intaas markii lagu kala tagay waxaa dhacday xoogaa isdhigasho ah oo qolyihii Cabdikariim sii dayntiisa ku hawlanaa (xildhiaano, sanatarro iyo dad magac leh) ayaa waxay is dhacsiiyeen mar haddii ninkii Muqdisho la keenay M/waynihiina la kulmeen inay arrintiisu sahlan tahay, Jaaniskaas waxaan beer-daraynin Saraakiisha Sirdoonka Ethiopia iyo safaaradooda, tusaale ahaan waxaa la xaqiijiyey in muddo 24 saac guddohood ah ay 5; jeer kulmeen Agaasimaha NISA iyo Saraakiisha Ethiopia, intaas waxaa dheeraa oo aana xaqiijin karin laakiin aan kasoo xigtay dad xog-ogaal ah in dowladda Ethiopia codsi rasmi ah soo gaadhsiisay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya MR, Khaire.
  3. Agaasinka Madaxtooyadu wuxuu cidhiidhi geliyey oo uu aad u adkeeyey fursadihii lagula kulmi lahaa M/weyne Farmaajo, gaar ahaan masuuliyiintii Cadikariim sii dayntiisa u’ololaynayey oo dhammaantood ah masuuliyiin u badan labada gole ee Baarlamaanka, oo waxaaba dhacday in rag xildhibaanno ah 8; saacadood madaxtooyada joogeen kadibna iska tageen iyagoon arag Farmaajo.
  4. Maalintii wareejintu dhacday waxaa Madaxwayne Farmaajo wada jir ula kulmay R/wasaaraha iyo Agaasimaha NISA Mr, Sanbaloolshe, waxayna Farmaajo siiyeen warbixin odhanaysa: “Mudane; Cabdikariim iyo Ethiopia way is og-yihiin oo ciidankeenna umbaa ninkan soo qabtaye isaga iyo Ethioia waxba iskuma diidana ee aynu dhexdooda ka baxno, Farmaajo; hadalkaas wuu qaatay laakiin xoogaa dareen ah ayaa ku jirtay sida dib innooga muuqan-doonta, durba wuxuu Farmaajo dalbaday in loogu yeedho qaar kamida xildhibaanaddii sii daynta Cabdikariim ku howlanaa, goordambe markay xildhibaanadu utageen Farmaajo wuxuu la wadaagay xogtii lagasiiyey # Qalbidhagax ee ah inay isaga iyo Ethiopa is ogyihiin, intaas kolkuu yidhi ayey xildhibaanadii ku yidhaahdeen: “M/weynow ninkan 30; sano ayey Ethiopia raadinaysay, warkaasina majiro, talo adigay ku joogtaaye ama siidaa ama hayso” Markii intaas lagu yidhi waxay xildhibaanadu sheegeen inuu Madaxweynuhu si u naxay oo xoogaa shucuuri ka muuqatay oo weliba yidhi: “Haddaa ma beenbaa la iisheegay?”” (Laakiin waa goor ninkii Ethiopia la wareegtay) .Markaad xogtaas aannu Masuuliyiinta kasoo xiganay qiimayso waxaa kuu muuqanayasa in Mr, Farmaajo looga tallaabsaday jar isna uu dabinkii galay, laakiin tani kama leexinayso masuuliyadda dembigii dhacay oo wuxuu naqonayaa qofka koowaad ee loo haysto.

Markii Cabdikariim lagasoo qaaday Magaalada Gaalkacayo ee MUQDISHO la keenay waxaa lagu wareejiyey ciidanka NISA; wuxuuna ku xidhnaa xaruntooda waxaana loola dhaqmay si wanaagsan, isaguna wuxuu qabay kalsooni 100% ah inuu Ethiopia ka badbaaday. Kadib markuu heshiiskii Wareejintu dhacay ayaa waxaa taliyaha askartii NISA ee haysay Cabdikariim sh muuse loo sheegay in Maxbuuska loo wareejinayo goob kale (Xabsi kale) Cabdikariim laftiisa waxaa lagu wargeliyey in goob kale lagaynayo.

Kadib maxaa dhacay?

Waxaa goobta tagay Agaasimaha NISA Sanbaloolshe iyo la taliyaha M/weyne Farmaajo S/guuto Bashiir goobbe; waxayna wateen baabuur ayna xabbaddu karin oo laga leeyahay Madaxtooyada (villa Somalia) waxaana la socday askarta koofiyad casta ah ee Madaxtooyada. Kadib waxaa Cabdikariim la geeyey Safaaradda Ethiopia oo Madaxtooyada ku dhextaalla, waxaana halkaas kasoo raacay laba sarkaal oo ka tirsan Wardoonka Ethiopia, markuu arkay Saraakiisha Ethiopian-ka ayuu Cabdikariim dareemkii ugu horreeyey qaaday, isla dhawr daqiiqo yar gudohood waxaa la geeyey Airport-ka MUQDISHO.

Kadib maxaa dhacay?

Markii laga dajiyey gaadhigii lagu waday ee larabay in diyaaradda lasaaro ayuu Cabdikariim dagaalamay wuxuu ahaa nin xoog badan waxaa xakaym waayey ilaaladii wadday, meeshii waxaa ka dhacay buuq, waxaa soo farageliyey Saraakiishii iyo askartii Airport-ka joogtay waxayna yidhaahdeeen: “celiya ninkan!, diyaaradda xoog laguma saarayee”. Kadib maxaa dhacay? Dibbaa loosoo celiyey Cabdikariim, waxaa la geeyey xerada Afisyoone, waxaa lagu sameeyey jidh-dil xoog badan, waxaa aad looga garaacay madaxa, lugaha iyo gacmaha markii la jilciyey waxaa madaxa loo galiyey maro lagu qariyey dhammaan madixiisa, waxaana loo xidhay laba dible. Sidaas ayaa markale loogu qaaday Airport-ka laakiin markan ma’uuna ahayn nin isdhaq-dhaqaajin kara! waxaana lasaaray diyaarad yar oo garoonka meel gees ah ka taallay isagoo ay garbaha kaga jiraan laba askari oo soomaali ah oo Koofiyad cas ah, waxaana sii raacay Saraakiil Tigree iyo soomaali isugu jirta, waxaana laga dejiyey Magaalada Baydhabo.

Maxaan kasii wadaa hadalka?! Caku soomaalinimooy! Caku islaamnimooy! Caku bani’aadam-nimo oy!… Caku Aadan cabdulle Cismaanow (Airport- ka ayaa magaciisa lasiiyey waxaana ka dhacay waxaas) Caku Calankii buluugga ahaayow (isaga difaaciisa 3 xabadood ayaa ugu dhacay jidhkiisa).

FG: xogtan waxaa ila wadaagay saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo arrintan lasocday bilow iyo dhammaad. # Dhiibista_QALBIDHAGAX Fadlan qaybi qoraalkan adigoo Mahadsanid.

WQ: Ismaaciil Cali Ismaaciil (Ina Cali Fooley)

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you