Monday, August 25, 2025

Muxuu Madaxweyne Farmaajo u saxiixi waayey xukunka toogashada ah ee Dilaagii Wasiir Siraaje?

-

Hadii aynaan cadaalad jirin, nabad ma jiri kartaa? Seddex sano ka hor abaarihii 7da fiidnimo maanta oo kale, waxaa si bareer ah loogu toogtay agagaarka madaxtooyada walaalkeey oo aan jeclaa Cabbaas Hajji Abdullahi Sheikh Siraji.

Ninkii toogtay iyo masuulkii la socday waxay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan balse waa la qabtay. Taariiqda marka ay aheyd 14th June 2017 waxa ay maxkamada ciidamada Qalabka Sidda u fariisatay dacwadii dilkii marxuumka. Taariiqdu marka ay aheyd 19th June 2017 waxa ay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda darajadeeda koowaad ku xukuntay gacan ku dhiigle Ahmed Abdullahi Ahmed (Caydiid) dil toogasho ah.

Caydiid iyo qareenadiisii waxay go’aankaas ka qaateen racfaan waxayna Maxkamada Qalabka Sidda darajadeeda labaaad dhageeystay tariikhdu markay aheyd 29th July 2017. Waxa ay maxkamadu diiday racfaankii iyadoo markaas ay usoo baxday in dilka u ahaa mid ula kac ah. Taariiqdu marka ay aheyd 31st July 2017 waxa ay maxkamaddu si rasmi ah u shaacisay go’aankii ahaa dil toogasho.

Culeys walbo oo jiro, halkaas waxaa ka muuqato in ay jirto Rajo dowladnimo iyo Garsoor shaqadiisii si cadaalad kujirto u qabsaday.Hasi ahaato, Garsoorka markuu gaaro go’aan sida qisaas ama dil toogasho, waxaa loo Gudbiyaa madaxweeynaha si uu u ogolaado kadibna qisaastii loo fuliyo cadaaldiina ku idlaato.

Madaxweeynaha oo aanan saxiixin go’aanka maxkamada lama fulin karo. Madaxweeynaha marka loo geeyo go’aanka maxakamada waxaa u banaan:

1. Inuu sida loogu keenay go’aanka la qaato oo uu saxiixo qisaastiina sidaas lagu fuliyo

2. In maxkamada uu dib ugu celiyo oo uu faro in baaris dheeri ah la sameeyo- waa hadii ay jirto sabab kalifeeyso. Caadiyan go’aankaan waa in madaxweynaha ku qaato mudo 14 maalmood gudahood ah.

Waxaa kasoo wareegtay in ka badan laba sano iyo bar maalinkii maxkammadda go’aan ka qaadatay welina madaxweynaha go’aankii maxkamada ma sixiixin. Midaas oo ka dhigeyso hankii Garsoorka iyo cadaalada aan ka laheyn mid dhicisoobay.

Waxaan madaxweeynaha aniga iyo isaga kawada fariisanay oo kawada hadalnay in cadaalad loo helo Marxuum Abass in ka badan 10 jeer mar walbana kulankeenu wuxuu kusoo dhamaanaayay “waa balan ninkii Abass dilay cadaalada ayu marayaa.” Ilaa hadda wax natiijo ah malahan.

Marka, waxaan hada la yaabanahay in la gaaray waqtigii la raadin lahaa qaabkii kale cadaalada loogu heli lahaa Marxuum Abass. Hadii xamar ay dishay Abass hadana caddaalad looga waayay, maxaa diidaayo in lafahiisa lasoo faago laguna xabaalo tuuladii uu ku dhashay oo ay awoowyadiis ku xabaalnaayeen?.

Mudane madaxweyne qoyskii Abass waxa ay rabaan cadaalad, hadii cadaalad aysan jirine ma dhici kareeyso in nabad iyo dowladnimo dhalato. Fadlan arinkaan ka cadaalad fal!

W/Q: Xildhibaan Maxamud C/llaahi Siraaji

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you