Wednesday, January 21, 2026

Muxuu noqon karaa Go’aanka Maxkamada Caalamiga ee dacwada Badda Somalia-Kenya..?

-

Maxkamada Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maalinta Khamiista ah ee beri, 2da Feberaayo go’aan ka gaareysa dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Haddaba maxaa laga filan karaa inuu go’aanku noqdo?

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dacwada u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ka dib markii ay Kenya bilowday shidaal qodid oo shirkado ajaanib ah ay si xowli ah u wadeen soo saarista shidaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa u aragtay falkan xadgudub lagu sameeyey dhul badeedka Soomaaliyeed.

Dowladdu markii ay isku dayday inay kala hadasho Kenya ayaa cagajiid fara badan lagu sameeyey, iyadoo Kenya ay leedahay waxaan kala saxiixanay MOU sidaas daraadeed waa inaan si saaxiibtinimo ah uga wada hadalnaa. Ka dib dhowr jeer oo Kenya ay ka meermeersatay ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa go’aansaday in Qareeno caalami iyo Soomaali ah la howlgaliyo. Talooyinkii ay soo jeediyeen ayaa ahaa in sida kaliya ee lagu joojin karo Shirkadaha shidaalka qodaya ay tahay in Maxkamad caalami ah dacwada loo gudbiyo, bacdamaa ay Kenya marmarsiyo ka dhiganeysay MOU la saxiixay 2009kii.

Markii Dowladda ay gudbisay dacwada ayaa Kenya isla markiiba waxey soo gudbiyeen cabasho ah in Maxkamada Caalamiga aysan qaadi karin dacwad bacdamaa Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen Heshiis is-afgarad ah (MOU) 2009 kii.

Maxkamada Caalamiga ayaa waxey qaaday dacwada ah in Maxkamada ay guda geli karto arrinka oo ah sida ay Soomaaliya rabto iyo in aysan Maxkamadu dacwadan geli karin oo ah sida ay Kenya ku andacooneyso oo ay leedahay Heshiis hore baan wada galnay (MOU).

Sidaas daraadeed, Khamiista 2da Feberaayo waxey maxkamada go’aamineysaa in dacwada ay qaadi karto oo ah sida ay Soomaaliya rabto iyo inaysan dacwada qaaadi karin oo ay tahay in labada dal ay ku soo heshiiyaan bacdamaa ay horey u kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah (MOU).

Haddii ay Soomaaliya guuleysato waxaa muuqaneysa in Dowladda Soomaaliya ay soo ceshatay Xaq Soomaaliyeed oo ku lumay MOU lala saxiixday Kenya dartiis oo ah waxa ay Kenya ku dacwooneyso ahna awooda keentay in Shirkado ajaanib ah ay bilaabaan shidaal baaris. Tan oo keeneysa in Dowladdu ay talaabo muhiim ah qaaday oo ah in shirkadaha joojiyaan howlaha ay u wadaan Kenya.

Haddii Soomaaliya laga guuleysto oo Kenya loo oggolaado in arrinkan ay labada dal fuliyaan heshiiskii is-afgaradka ahaa (MOU) waxey ka dhigan tahay in Kenya ay heshay waxii ay dooneysay oo qaadan karta mudo dheer in dacwad la galo, keeni kartana in Shirkadaha ay sii wadaan shidaal baaristooda.

Si kastaba waxaa muuqaneysa in Soomaaliya ay tallaabo fiican qaaday oo keentay in shirkadaha shidaalka ay fahmaan dacwada dooda iyo in Soomaaliya ay u soo jeesatay u istaagida xaqeeda.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you