Sunday, June 22, 2025

Muxuu Xasan Cali Khayre uga duwan yahay Musharixiinta kale ee xilka Madaxweynaha..? (Qormo) 

-

- Advertisement -

Ra’iisal wasaarihii 19-aad ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre – Waa aqoonyahan muddo dheer kasoo shaqeeyay Hay’adaha Samafalka, Maamule, Ganacsade iyo Siyaasi soo hogaamiyey xukuumadda ugu wanaagsaneyd wixii ka danbeeyay dagaaladii sokeeye.

Wuxuu noqday Ra’iisal wasaarihii afraad ee ugu mudada dheeraa intii Soomaaliya xoriyadda qaadatay, marka laga soo tago C/rashiid Cali Sharma’arke, Cumar Carte Qaalib iyo Maxamed Cali Samatar. Intii uu xilka hayey xilka hayey 1 March 2017 ilaa 25 July 2020 waxay mucaarad iyo muxaafid isku raaceen inuu ahaa hoggaamiye karti, waxqabad iyo aragti leh.

Hogaankii Xasan Cali Khayre waxay Soomaaliya horumar aan hore loo arag ka gaartay dhinacyada: Kobcinta dhaqaalaha, Deyn-cafinta, Dhismaha ciidamada, Dowlad dhiska Soomaaliya iyo hirgleinta mashaariic waawayn ee dalka laga hirgeliyay.

Wuxuu xilka uga tegay sabab ka dhalatay inuu diiday muddo kororsi aan sharci ahayn, kaasoo uu ka digay inuu dalka gelin doono qalalaase amni iyo mid siyaasadeed. Isagoo u hiilinaya dowlanimada iyo danta Qaranka ayuu is-casilay, 25 July 2020.

- Advertisement -

49 maalmood kadib is-casilaadiisii wuxuu Xasan Cali Khayre 12-kii September 2020 kii ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, taasoo noqotay fariin cad oo uu ku muujiyey inay  Soomaaliya u furan tahay oo kaliya Doorasho.

Haddaba Muxuu Xasan Cali Khayre uga duwan yahay Musharixiinta:

  1. Xog-Ogaal Xukun yaqaan  ah

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2021/2022 waxaa u taagan musharaxiin fara badan oo isugu jira madaxweynayaal hore oo xukunka soo maray, wasiiro iyo shaqsiyaad muddo masraxa siyaasadda saarnaa, balse Xasan Khayre wuxuu dhamaantood uga duwan yahay inuusan kaliya ahayn xukun yaqaan, balse ay u wehliso xog ogaalnimo u gaara.

Xasan Khayre intii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha wuxuu ahaa farsamo-yaqaankii Xukuumadii Nabad iyo Nolol ay ku taagneyd, isagoo hogaamiyey qorsheyaashii horumarka laga gaaray ee dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.

Wuxuu lahaa hindisihii, ka shaqeyntii iyo ka guul gaaristii Deyn cafinta Soomaaliya oo noqotay cashar Soomaaliya laga barto; Dib u habeynta Ciidamada oo ay cidna ku dhiirran waysay isaga kahor, Kordhinta Dakhliga iyo Hirgelinta mashaariic waaweyn; wuxuuna hoggaankiisii ku guuleystay inay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudo badan oo ku xirnaa horumarka dowladnimada.

Haddii la rabo in dowlad-dhiska Soomaaliya si dhaqso leh horay loogu socdo waxaa qasab ah in Madaxweynaha soo socda ee 10-aad uu noqdo aqoon yahan khibrad heh, ahna xogogaal aan waqti badan uga lumin fahamka geedi socodka Dowladnimada iyo halkii ay joogtay shaqada Qaranka, waana taas sababta Xasan Khayre ka dhigeysa Musharaxa ugu mudan ee dalka hore u dhaqaajin kara isagoo aan waqti ka lumin dadka iyo dalka.

  1. Go’aan qaadasho iyo Guddoon adag

Musharax Xasan Khayre waxay dadku ku barteen inuu yahay hoggaamiye dhiiran oo  guddoonkiisu adag yahay, wuxuuna qaataa go’aanno adag marka ay timaado ilaalinta Danaha Qaranka iyo u hiilinta dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Wuxuu si aan ganbasho lahayn uga hor yimid muddo kororsi aan sharci ahayn oo dowladii uu hoggaankeeda uu ka mid ahaa ay doonaysay, isagoo iska diiday inuu qayb ka noqdo xil kororsi uu jagada iska sii joogi lahaa, balse wuxuu uga hor yimid inuusan dastuuri ahayn, isagoo ku adkeystay inay lama taabtaan tahay in Dalku doorasho aado 4-tii sanaba mar.

Go’aankaas adag ee Xasan  Cali Khayre ugu hiiliyey sharciga iyo dowladnimada ka sokow wuxuu ka sii digay in dalku geli doono qalalaase amni iyo mid siyaasadeed, isagoo iska diiday inuu qeyb ka noqdo burbur dowladnimo haddii aanay Doorashadu dhicin.

Qalalaasihii uu ka digay wuxuu dalka ka bilowday markii si sharci darro ah la isugu dayey in xilka  looga qaado sifo sharci darro ah , laakiin mar kale wuxuu Xasan Cali Khayre muujiyey bisayl siyaasadeed iyo in ay dalka iyo dowladnimada kala wayn yihiin xilkiisa, wuxuuna iska casilay xilka, isagoo ku dhawaaqay inuu u tanaasulay danaha Qaranka, taasoo aysan dad badan ka fileynin.

Wuxuu si Geesinimo leg guryahood amid mid ugu tegay siyaasiyiinta kale ee dalka oo ay ka mid yihiin Madaxwayne Xasan Shiikh, Madaxwayne Shiikh shariif iyo musharrax C/raxmaan C/shakuur. Khayre waxa uu ku guulaystay in ay musharraxiintu ka wada shaqeeyeen sidii dalka loo gelin lahaa doorasho la isla ogol yahay. 

  1. Hoggaamiye Aragti leh oo la xisaabtami kara Beesha Caalamka

Xiriiirka Dibadda iyo la macaamilka hay’adaha Caalamiga ah ee dunida waxay muhiim u yihiin dal kasta oo kasoo kabanaya dagaallo sokeeye, kuna dhex jira xaalado adag oo dowlad dhis ah, sida Soomaaliya oo kale.

Arrimaha uu guusha weyn ka gaaray Ra’iisal wasaarihii hore iyo Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre waxaa ka mida  hagaajinta xiriirka dibadda iyo fulinta shuruudaha Hay’adaha calaamiga ah sida IMF, Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub.

- Advertisement -

Khayre wuxuu kasoo muuqday shirar badan oo caalami ah, isagoo iibinaya mowqifka Dowladda Soomaaliya, Wuxuu Beesha caalamka la wadaagay waxbaqad iyo qorshe cad, isgoo kala dooday inaysan Soomaaliya ku socon karin rabitaanka dhinacyo dano is-diidan, balse ay leedahay Qorshe Qaran oo ay dooneyso in lagu taageero.

Dadaalkii iyo waxqabadkii Ra’iisal wasaare Khayre waxay keeneen in beesha caalamka ay ku qanacdo jidka ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya, taasoo keentay in si isdaba joog ah looga qaado xayiraadihii saarnaa ilaa ugu danbayn ay dhacday in la aamino hay’adihii dowladda oo dib loo bilaabo taageeradii dhaqaale ee sida tooska ah loo siin jiray Soomaaliya, iyadoon dhinac kale loo soo marin, laguna shubo Qasnada Bankiga Dhex ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

  1. Howlkar – shaqo yaqaan ah –

Tilmaamaha aan lala wadaagin Musharaxa xilka madaxweynaha ee Xasan Khayre waxaa ka mida ‘howlkarnimada’ iyo sida uu isugu dhabar jebiyo shaqada, taasoo ka muuqatay xafiiska Ra’iisal wasaaraha intii uu hoggaaminayay xukuumadda.

Waxaa isbedel ku dhacay shaqadii dowladda iyo dhaqankii madaxda iyo shaqaalaha oo markii hore aan lagu arki jirin xafiisyadooda, waxaana yimid isla xisaabtan shaqo iyo mas’uuliyad oo mas’uuliyiin badan dhibsadeen, isagoo xafiisyada iyo Hay’adaha dowladda boorka laga jafay nolol cusub iyo dhaqdhaqaaqna laga dareemay.

Waxqabadkii, Kormeeradii joogtada ahaa iyo Tubihii loo jeexay xukuumadda waxaa laga dhaxlay horumarka laga gaaray dhinacyo badan, laakiin nasiib darro waxay howlihii socday badankood hakadeen markii uu xilka ka tegay 25 July 2020.

Muddo dheer kama soo wareegin xilka ka tegistii Xasan Khayre, markii wax waliba is bedeleen, mas’uuliyaddii iyo awoodii dalkana lagu takri falay. Waxaa istaagay shaqooyinkii horumarka dowladnimada ee socday, waxaana shaki weyn iyo hubanti la’aan soo gashay halka ay Soomaaliya ku socoto, kadibna waxaa la joojiyey taageeradii dhaqaale ee la siinayey dowladda Soomaaliya.

July 2020, markii uu xilka ka tegay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre waxaa khasnada dowladda ku jirtay lacag ka badan 100 Milyan oo Dollar, laakiin dhowr bilood kadib waxay xaaladii isu bedeshay halkii horumarka lagu socday inay xukuumaddii dhaqaale darro soo wajahdo oo ay ‘Sagxadda’ tagto.!

Mas’uulka bilaabay la-dagaalanka Musuqmaasuqa

Dowladnimada Soomaaliya waxay tallaabooyin muuqda u qaaday la-dagaalanka Musuqmaasuqa intii uu xilka hayey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana markii ugu horeysay kiisas Musuq ah loo xiray, cadaaladdana loo horgeeyay madax sare oo dowladda ka tirsanaa, qaarkoodna lagu xukumay xabsiyo culus, taasoo ahayd arrin aan hore uga dhicin dowladihii hore.

Xasan Cali Khayre wuxuu hogaamiye u ahaa isbedelkii ugu weynaa ee hay’adaha dowladda lagu sameeyay dhinaca Maaliyadda iyo maamul wanaagga, isagoo joojiyey dhowr iyo labaatan Wasaaradood iyo Hay’ad oo mid waliba toos u qaadi jirtay dakhliga dowladda soo gala, waxaana lagu mideeyay hay’adii awoodda u lahayd ee Wasaaradda Maaliyadda.

Tallaabooyinkii Khayre u qaaday la-dagaalanka Musuqa waxaa ka mid ahaa dalalka deeqaha dibadda lagu soo shubo  accoun-ka dowladda ee ka furan Bankiga Dhexe, halkii markii hore Boorsooyin lagu qaadi jiray lacagta dowladda, waxayna arrintan qeyb ka ahayd arrimihii horseeday deyn cafinta.

Musuqmasuqa Soomaaliya oo lagu tilmaamo mid loo caal waayey wuxuu Xasan Khayre bilaabay inuu la-dagaalamo, kana bilaalo madaxda dowladda, isagoo sii sheegay inuu Soomaliya ku hoggaamin doono dal musuqmaasuqa ka xorooba.

Gunaanad

Xasan Cali Khayre waa musharaxa kaliya ee isku darsaday inuu yahay:

Siyaasi karti leh, shaqo badan, og halka ay Soomaaliya tiigsaneyso iyo sida lagu tegi karo,

Xog hoose ka haya waxa ka khaldamay dowladninada Soomaaliya iyo sida loo xalin karo,

Dunidana ka iibin kara inay taageeto Dowladnimada Soomaalida.

W/Q: Axmed Cali Faarax

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

Sanbaloolshe oo dib ugu soo laabtay Xildhibaannada Golaha Shacabka (Maxaa ka dhacay Jowhar?)

Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa mar kale maanta dib u soo ceshaday helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho si...

Akhriso: Labada Qodob ee Shirkii Wadatashiga Qaran ku taageeray Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa Maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga qaran ee madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay ee socday, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.Shirka...

20 ka mida Taliyeyaashii Sare ee Ciidamada Iran oo lagu dilay Weerarka Israel ku qaaday

Israa’iil ayaa waaberigii hore ee Jimcihii weerar culus ku qaaday dalka Iran, gaar ahaan goobaha nukliyeerka iyo saldhigyada milatari dalkaasi”Weerarkan oo lama filaan ahaa,...

XOGAHA QARSOON

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

Siciid Dani iyo Axmed Madoobe oo is-afgarad ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, kuna soo jeeda…

Wararka laga helayo Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay is afgarad ku...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you