Tuesday, July 15, 2025

Muxuu yahay Qabku..? [Qormo uu qoray Wasiir hore ee Gaashaandhigga]

-

Maqaalka Gaaban Waxaan Jeclaan lahaa in aan isku weydiino (muxuu yahay Qabku?”, sida lagu micneeyo Qabku waa heerka qofka nafsadiisa (Dareenkiisa) isla joogo ha ahaato isla weyni ama isku kalsooni iyo sida uu hadba u arkayo samaha iyo xumaha.

Haddii intaas aan sii faah faahiyo oo la yiraahdo qofkaasi waa isla qabweyn yahay, qofba si ayuu u fasiranayaa, midbaa oranaya waa doqon nacas ah kibirna badan oo ka fog wax kasta oo ra’yi macquul ah. Mid kale ayaa oranaya waa mid ka dhowrsan kara wax kasta oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya.

Haddii labadaas figradood aan isbar-bar dhigo waxaa imaanaysa in la is weydiiyo Qabku ma fiican yahay mase waa xun yahay?, dad badani waxay qabaan haddii la yiraahdo qofkaasi waa isla qabweyn yahay in uu yahay mid nacas ah (Doqon). Qabkaasi waa mid xun oo aan faaiido lahayn.

Dad kale ayaa qaba in qabku fiican yahay marka laga reebo hadalka ah qofkaasi waa isla qab weyn yahay waxay dadka qaar u fasiraan in uu yahay qofkaasi ruux wax gal ah (Waxgarad) kana xishoon kara wax kasta oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya.

Haddii arrinta Qabka shaqsiga aan ka gudubno una gudubno qabka ay leedahay bulsho, aan tusaale ka dhigo qabkii ummada Soomaaliyeed ay lahayd oo u kala qaadno waqtigii hore iyo waqtigan hadda ah ee la joogo.

Aan isku dayo in aan wax ka xuso qabkii fiicnaa ee bulshada Soomaaliyeed ay lahayd, waxaa kamid ahaa in qofku aflagaadeyn dadka ka weyn, dariska ama bulshada ay meel ku wada nool yihiin, ruux culimo ah, gabar iyo hooyo midna aan la faraxumayn, martida oo la soo dhaweeyo lana sooryeeyo, ergada oo aan la xumayn, waalidka oo la qadariyo iyo qaar kale oo aanan halkaan ku soo koobi karin, waxaa kale oo intaas sii dheer marka ay timaado in dalkooda cadow ama dad qalaad uu soo galo khatarna ku ah dalkooda si wadajir ah ayey u difaaci jireen.

Waxaa xusid mudan qabkii ay lahaayeen odayaashii bulshada soo hoggaamin jirey, kuwii xorriyadda u soo halgamey, kuwii diinta iyo dhaqanka suuban bulshada barayey. Qabkii wadaninimo wuxuu ummadda Soomaaliyeed u soo hooyey dhulkoodii bad iyo beriba guul iyo gobonimo, dhulkeena quruxda badan ee aad aragtaan oo ay ku xeyndaaban yihiin Xeebaha Afrika ugu dheer waxaa difaacay awoowayaashii naga horeeyey oo isticmaalayay Qabkoodii wanaagsanaa ee wadanimimo iyo wadajir ee aan istcmaalin qabkii nacasnimo.

Dib aan ugu noqdo qabkii aan niri wanaag iyo xumaanba waa sidii loo isticmaalo, aan wax ka taabto waqtiga hadda la joogo qabka qofeed iyo midka bulsho.

Haddii aan wax ka iraahdo ama ra’yi ka dhiibto waxaan leeyahay qabkii wanaagsanaa ee lagu yiqiin dadka Soomaaliyeed mid qofeed iyo mid bulshaba wuu dhumay. Arrintaasi ama ha keento burburkii dalka ku dhacay ama arrinta guud ee adduunka ka jirta, gaar ahaan wadamada muslimka ah, waxaa hubaal ah in arrinta qab-jabka ah ay maanta ka jirto dalkeena saameysana qof yar iyo mid weynba, waxaa dhumay dareenkii wadanimimo, kii wadajirnimo, waxaa dhumay xurmadii iyo is qadarintii bulshada ka wada dhexeysay, arrimahaas aan kor ku xusay waxay dhaliyeen qabkaas oo kiisii xumaa la isticmaalayo ee aan la isticmaalayn kiisa wanaagsan.

Talada gaba-gabadeedu waxay tahay Soomaaliyeey aanu isticmaalno qabkeenii wanaagsanaa ee bulshada Soomaaliyeed caanka ku ahayd, iskana dhaafno qabka xun.

Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you