Sunday, August 24, 2025

Ninkii hadlayaaba ha iska hadlee, Alleylehe Hargeysi way hadashay (Qormo Wasiir hore)

-

Xadiga cododka xad dhaafka ah, ee xildhibaan Barkhad Batuun iyo C/kariin Axmed Mooge, maanta ay heleen, waa kuwo ugub ku ah saaxada doorashooyinka goloha wakiilada iyo golaha degaanka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa hubaal ah, in arrintani ka turjumayso bilowga iyo balaysinka bisaylka bulshada reer Hargeysa. Sidookale, waxay ka turjumaysaa boholyoowga iyo baahida loo qabo xildhibaano qaran, oo aan lagu soo dooran isirkooda iyo ardaayadooda.

Hasayeeshee, lagu soo doorto aragtidooda, aqoontooda, iyo iimaankooda. Eebe mahadii, tani waa talaabo loo qaaday xagga wanaagsan. Beynoow!, saaka ayuun baan arkaa in uu hirgalay, halku dhigii hagaasay ee aanu adeegsan jirnay, odayadayadii reer Kulmiye xilligii ololaha doorashada madaxtooyada 2017-kii, kaas oo ahaa (Horaa loo soconayaa) iyo (Bari maanta ka fiican).

Hambalyo bulshada Somaliland. Hambalyo labadan xildhibaan, iyo kuwa kale ee guulaystayba. Ninkii hadlayaaba hayska hadlee, alleylehe Hargeysi way hadashay. Ha beenaan baan leeyahay. Dareenkani waa fariin cad oo ka timi cod bixiyayaasha caasimada dalka waxaan leeyahay haldoorku wuu garanayaa, hasayeeshee hebed, hiin-raac, hanfade iyo nin hunguri qaatay oo dan gaar ah ku haliilayaa toona loo sheegi maayo.

Ugu danbayn, waxaan leeyahay saaxiibaday xil Barkhad iyo C/kariin, taageerayaashiinii u badnaa da’yarta waxay xaqiijiyeen hamigoodii, waxay rumeeyeen riyadiinii iyo rajadiinii siyaasadeed. Balse nimay ku hadhay ayay hawli haysaa, ee waxaa si weyn loo eegayaa sida aad uga abaal-celisaan codadka amaahda ah ee la idin siiyay. Taas oo nasiib wanaag aanay asaagiin helin.

Saaxiibayaal, murti soomaaliyeed baa tidhaahda (nasab waa kii abaal guda).

W/Q: Wasiir hore Maxamuud Xaashi.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you