Thursday, June 17, 2021

Ninkii hadlayaaba ha iska hadlee, Alleylehe Hargeysi way hadashay (Qormo Wasiir hore)

-

- Advertisement -

Xadiga cododka xad dhaafka ah, ee xildhibaan Barkhad Batuun iyo C/kariin Axmed Mooge, maanta ay heleen, waa kuwo ugub ku ah saaxada doorashooyinka goloha wakiilada iyo golaha degaanka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa hubaal ah, in arrintani ka turjumayso bilowga iyo balaysinka bisaylka bulshada reer Hargeysa. Sidookale, waxay ka turjumaysaa boholyoowga iyo baahida loo qabo xildhibaano qaran, oo aan lagu soo dooran isirkooda iyo ardaayadooda.

Hasayeeshee, lagu soo doorto aragtidooda, aqoontooda, iyo iimaankooda. Eebe mahadii, tani waa talaabo loo qaaday xagga wanaagsan. Beynoow!, saaka ayuun baan arkaa in uu hirgalay, halku dhigii hagaasay ee aanu adeegsan jirnay, odayadayadii reer Kulmiye xilligii ololaha doorashada madaxtooyada 2017-kii, kaas oo ahaa (Horaa loo soconayaa) iyo (Bari maanta ka fiican).

Hambalyo bulshada Somaliland. Hambalyo labadan xildhibaan, iyo kuwa kale ee guulaystayba. Ninkii hadlayaaba hayska hadlee, alleylehe Hargeysi way hadashay. Ha beenaan baan leeyahay. Dareenkani waa fariin cad oo ka timi cod bixiyayaasha caasimada dalka waxaan leeyahay haldoorku wuu garanayaa, hasayeeshee hebed, hiin-raac, hanfade iyo nin hunguri qaatay oo dan gaar ah ku haliilayaa toona loo sheegi maayo.

- Advertisement -

Ugu danbayn, waxaan leeyahay saaxiibaday xil Barkhad iyo C/kariin, taageerayaashiinii u badnaa da’yarta waxay xaqiijiyeen hamigoodii, waxay rumeeyeen riyadiinii iyo rajadiinii siyaasadeed. Balse nimay ku hadhay ayay hawli haysaa, ee waxaa si weyn loo eegayaa sida aad uga abaal-celisaan codadka amaahda ah ee la idin siiyay. Taas oo nasiib wanaag aanay asaagiin helin.

Saaxiibayaal, murti soomaaliyeed baa tidhaahda (nasab waa kii abaal guda).

W/Q: Wasiir hore Maxamuud Xaashi.

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Farriin Naxdin leh oo ka timid Dhalinyarada ku maqan Eritrea. (Dhageyso: Halaga soo gaaro inta hartay)

Xog kale oo dheeraad ah ayaa laga helay dhalinyarrada askarta ah ee ku maqan dalka Eritrea, iyadoo lasoo bandhigay xaalada ay ku nool yihiin...

XOG: RW Rooble oo shaacinaya Liisaska Guddiyada cusub ee Doorashada iyo Qeylo-dhaan ka…

Xafiiska Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta shaaciyo Liiska Guddiyada Doorashada Dadbsan ee Federaalka Soomaaliya. Waxaa maanta la gaarsiiyey xafiiska Ra'iisal...

Xaaf: “Qoorqoor wuxuu ahaa Dubbi-hii la ii adeegsaday 3-dii sano ee aan xilka Galmudug hayey…”

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa si kulul ula hadlay madaxweynaha xilligan ee Galmudug Axmed Qoorqoor, isagoo xusuusiyey xaaladii ay isla...

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay xubnihii laga sugayey ee Guddiyada Doorashada (Akhriso)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu danbeyn maanta magacaabay xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay. Xubnaha Guddiyada Doorashada ee laga soo...

Wasiirka Shaqada oo fasaxay Shirkadihii shaqada laga joojiyey ee dhoofiya shaqaalaha Soomaalida

Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumdda xilgaarsiinta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa fasaxay dhammaan shirkadaha shatiyada loo siiyey inay xoogsatada Soomaaliyeed...

Duqii magaalada Hargeysa oo loo doortay xildhibaankii ugu codka badnaa Golaha Degaanka

Golaha degaanka magaalada Hargeysa ayaa goor dhoweyd doortay Duqa cusub ee caasimadda Somaliland, magaalada Hargeysa. Waxaa Duqa caasimadda Hargeysa loo doortay C/kariin Axmed Mooge oo...

Wasiirada Arrimaha Dibadda Somaliya iyo Kenya wadahadal diiran ku yeeshay Khadka Telefoonka

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdirisaq Maxamud iyo Raychelle Omamo, ayaa maanta wadahadal ku yeeshay khadka telefoonka. Sida lagu sheegay qoraallo laga...

XOGAHA QARSOON

Farriin Naxdin leh oo ka timid Dhalinyarada ku maqan Eritrea. (Dhageyso: Halaga soo gaaro inta hartay)

Xog kale oo dheeraad ah ayaa laga helay dhalinyarrada askarta ah ee ku maqan dalka Eritrea, iyadoo lasoo bandhigay xaalada ay ku nool yihiin...

Akhriso: Xubno ka mida shaqaalaha Dowladda oo weli ku jira Guddiyada Doorashada iyo Faragelin Farmaajo…

Waxaa soo baxday faragelin ay la kulmeen Guddiga Wasiirada ee Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray kala shaandheynta xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada...

Siyaasiyiinta Waqooyi oo Farmaajo ku eedeeyay inuu farageliyey Guddiyada Doorashada Somaliland

Golaha Siyaasiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu faragelin ku hayo Guddiyada Doorashada...

XOG: Beesha Caalamka oo shuruud adag ku xirtay bixinta Dhaqaalaha Doorashada Soomaaliya

Fulinta Heshiiskii labaad ee Doorashada Soomaaliya ayaa si gaabis ah ku socda, iyadoo ay Wakiilada Beesha Caalamka shardi adag ku xireen dhaqaalihii laga filayey. Xogta...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!