Wednesday, July 16, 2025

Oday Jawaari fariimo culculus ayuu diray, kuwa dagaalna kama marnayn [Qormadii C/raxmaan C/Shakuur]

-

Waxaan aqriyeyey Khudbadii is casilaada ee Gudoomiye Jawaari. Khudbada oo 10 bog ahayd ayuu Odaygu fariimo culculus ku diray, iyadoo kuwa dagaalna aysan ka marnayn. Waayo aragnimo iyo xirfad sare ayaa ka muuqatay luqada ay ku qornayd iyo macnaha ereyada ay xambaarsanayd.

1- Odaygu wuxuu sheegay in ragii ay is hayeen uu isagu ka roonaaday, isagoo tusaale u soo qaatay qisadii Nabi Ayuub (CS) uu labada haween u kala xukumay canugii ay isku qabteen. Nabigga ayaa yiri aan idiin kala jaro, laakiin haweenaydii canuga dhashay ayaa tiri ha kala jarin ee iyada sii.

2- Odaygu wuxuu tilmaamay hadii aysan tanaasulkiisa ahayn in Baarlamaanka labo u kala jebi lahaa, lagana yaabi lahaa in dhiig ku daato, maadaama awood sheegad meesha soo galay.

3- Odaygu wuxuu si kalsooni leh u sheegay hawlqabadkiisii iyo halka uu Baarlamaanka uga tegayo, isagoo 10 mar ku celiyey “waxaan idinkaga tegeyaa Baarlamaan”

4- Odaygu wuxuu ka dardaarmay ilaalinta Dastuurka, isagoo ka digay cawaaqib xumida ay leedahay in Dastuurka lagu tunto. Wuxuu kaloo tilmaamay halgankii laga soo maray dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, isagoo si dadban ugu dusiyey raga haatan hoggaanka haya in ysan qayb ka hayn halganka.

5- Oday wuxuu kaloo ka dardaarmay Madaxbanaanida Baarlamaanka. Wuxuu ka digay in hadii awooda laanta fulinta iyo sharci dejinta hal gacan ku dhacdo ay ka dhigan tahay kali talisnimo, lagana yaabo in dalka dib colaad sokeeye ugu noqdo.

Khudbada Odayga waxay ahayd dardaaran, dagaalna kama marnayn. Wuxuu fariin dagaal oo maldahan u diray Madaxda fulinta iyo raga kale ay is hayaan. Inkastoo uusan marna magac dhabin madaxda laanta fulinta (madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha), laakiin way cadayd in uu fariimaha dadban iyaga ku weeraray.

Sidoo kale, wuxuu fariin weerar dadban ku riday Baarlamaankii sideedaad, kasoo ay gudoon ka ahaayeen raga beshiisa ah ee dagaalka kaga adkaaday (Shariif Xasan iyo Aadan Madoobe). Odayga ma hilmaamin Muudeey, wuxuuse la sugay laadka ugu dambeeya, isagoo yiri

“Mudane Guddoomiye, si waafaqsan dhaqanka dawladeedka, laga bilaabo maanta uunbaad tahay Ku-sime Guddoomiye”

Jawaari wuxuu ahaa Oday xirfad xeelad badan oo in badan nidaamka Dawliga ah ku soo jiray, laakiin ma ahayn siyaasi. Mar walba xoogag siyaasadeed oo ishaya ayey gudoomiyenimadu fataq uga soo dhex lahayd (free rider).

Sanadkii 2012 wuxuu Gudoomiye noqday ka dib markii Qabiilka Hawiye iyo Daarood isku bahaysteen in ay Prof. Cali Khaliif ka hor istaagaan Gudoomiyaha, halka sanadkii 2016kiina ay sidoo kale C/rashiid Xidig ka hor joogsadeen gudoonka.

Shaqo la taaban karo ayuu Baarlamaanka ka qabtay, laakiin saldhig (base) siyaasadeed ma dhisan, isbahaysi siyaasadeedna lama gelin awoodaha dalka ka jira. Taas ayaa sababtay in weerarkii siyaasadeed ee ugu horeeyeyba uu daaqada si sahlan uga faniino.

Machiavelli ayaa la sheegay in ay laga maarmaan tahay in hoggaan siyaasadeed uu leeyahay xeesha (skills) dawacada, iyo dhiirrida (courage) Libaaxa. Oday Jawaari tan hore ayuu lahaa, laakiin tan danbe wax badan loogama deeqin. Baarlamaanka wuu tebi doonaa, laakiin kama tegin taageerayaal badan oo xusuusan doona.

W/Q: Abdirahman Abdishakur Warsame

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you