Saturday, July 26, 2025

Qadiyadda Baddeenna: Qormo xasaasi ah oo uu qoray Madaxweyne Xasan Sheekh Sheekh (Akhriso)

-

1. Intii aan talada dalka haynay, qadiyadani waxay soo martay marxalado badan oo ku billowday in wadahadal lagu dayo, ayna ku soo dhammaato in aan la tiigsanno maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ee Hague bishii August 2014.

2. Waxaannu ku bixinnay maskax badan, dadaal badan, hanti badan iyo in dadka Soomaaliyeed fahmaan qadiyadan in la mariyo xeerarka caalamiga ah. Waxaannu isu keenay talada iyo maskaxda hoggaankii dowladda oo ay kamid ahaayeen guddoonka Barlamaanka iyo Golaha wasiirada.

Waxaannu garwadeen uga dhignay Qareen Soomaaliyeed oo heer Caalami ah Garyaqaan Muno Sharmaan inay hoggaamiso Qareennada caalamiga ah ee difaacaya qadiyadda baddeenna.

Waxaannu u xilsaarnay Safiirkii inoo fadhiyay Midowga Yurub Amb Cali Fiqi, inuu si dhow ula socdo maamulka maxkamadda, Waxaannu u xilsaarnay in Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Axmed Cali Daahir oo si khaas ah dhammaan hay’adaha dowladda uu masuul uga noqdo dowladda, warbixino joogto ahna uu siiyo golaha wasiirada, golaha barlamaanka iyo dadweynaha Soomaaliyeed.

3. Ilaa iyo habeenkii ay dhacaysay doorashadii 8 Febraayo 2017, waxaan la kulmayay cadaadis, rajo gelin iyo caga juglayn. Anigoo ka dhabeynayo dhaartii aan Allaha weyn kitaabkiisa ku maray, waxaan ummadda Soomaaliyeed soo hor istaagay marar badan si ay kuwa baddeenna damaca ka hayo ugu caddaato in mowqifkaygu aanu ka noqosho lahayn. Si ay qaddiyadani ugu daahfurnaato waxaan xoogga saarnay intii aan talada hayay in fadhiyada maxkamadda ay ka qaybgalaan matalayaasha bulshada Rayidka ah, qurbo joogta iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed. Waxay inoo ahayd qadiyadda QARAN iyo dhaxal ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxaan marar badan wargelin jiray madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka Somaliland oo dhammaantood na wada garab Taagnaa

4. In kiiska dacwadda la geeyo maxkamadda caalamiga ah ma ahayn colaad annaga iyo dariskeenna na dhextaallo, ee waa dariiq ay maraan dowladaha caalamka. Qadiyadahan oo kale waxay dhexmaraan dowlado deris ah oo kaliya. Waxaannu xiriir saaxiibtinnimo la lahayn dowladda Kenya iyo Madaxeeynaheeda Uhuru Kenyatta. Waxuu nagu sharfay inuu ka mid ahaa madaxweynayaashii soo noqday dalkeenna xilli duruufaheennu adag yihiin, waxay nagu garab istaageen la dagaallanka argagixisada, naguna garab siiyeen maxfallo badan oo caalami ah.

5. Intii aan howshaa wadnay, waxaa nasiib darro ahayd in madaxda talada hayso badankooda ay saldhig Ka dhigteen dalal shisheeye iyagoo kula showrayay in haddeey talada dalka qabtaan ay maxkamadda caalamiga ah kala soo laaban doonaan qaddiyadan. Waxay ku raadinayeen taageero, qaarkoodna waxay ku galeen ballamo. Waxaan ka xumahay inaan sheego in sedexdii sano ee la soo dhaafay ay maalin kasta soo muuqanaysay in dayac weyn uu ka jiro habka ay dowladdeenna u maareeynayso qaddiyadda. Waxaan isku daynay inaan garab istaag u muujinno madaxda talada hayso markii aan dareenno in cadaadis haysan karo amaba ay tallaabo dhiirigelin mudan qaataan Inkatha oo marne aaney xog na siin. Waxaan ka xumahay in sedexdii sano ee la soo dhaafay ay dhaceen waxyaabaha soo socdo:

a. In madaxda dowladda isku dayeen in wadahadallo qarsoodi ah ay ka furaan qaddiyadda aan heerkaas soo gaarsiinnay, taas oo ay madaxda dowladda Keenya marar badan sheegeen.

b. In markii wadahadaladaas ay ku guuldarraysteen inay furaan colaad aan loo meel dayin oo lagu qaado dowladda Kenya si shacabka Soomaaliyeed ee deggen Kenya uu ciriiri u galo, dadweynaha Soomaaliyeedna loogu marin habaabiyo inaan dagaal kula jirno Kenya.

c. In ururrada IGAD iyo Midowga Afrika fursad loo siiyo inay soo farageliyaan qadiyadda maxkamadda taallo si xeer jajab loogu xalliyo, taas oo aan anaga horay u diidnay.

d. In madaxda dowladda oo ugu horreeyo Madaxweynaha uu ka gaabsado inuu si cad uga hadlo qadiyadda dacwada baddeenna.

e. In masuulliyiintii dowladda Soomaaliyeed u qaabilsanaa dacwadda badda, lana socday qaddiyadda dhammaantood laga qaaday xilalkii sida Garyaqaan Muna Sharmaan, Xeerilaayahii Axmed Cali Daahir iyo Safiir Cali Faqi. Madaxda dowladdana aysan la wadaagin shacabka Soomaaliyeed cidda lagu beddelay masuuliyiintaas iyo cidda lagala xisaabtamayo qadiyaddaas.

f. In madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowladdu ka baaqsadeebn seddex daa sano inay xogta dacwada badda la wadaagaan Golaha wasiirada, labada gole ee barlamaanka, diblomaasiyiinta caalamka noo fadhiya iyo shacabka Soomaaliyeed. Nasiib darro, marar badan xogta ay shacabkeennu helaan waa tan ay faafi yaan darafka kale ee qadiyadan nagala dhaxayso.

g. Waxaa seddex goor la dib dhigay dhagaysiga dacwadda oo heerkii ugu dambeeyay marayo. Intaan waxay ku dhacday codsi darafka kale ka yimid. Waxaan marna caddeyn mowqifka dowladdeenna oo ku andacootay inay ka soo horjeeddo dib-u dhigista, iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagin wax caddaymo ah oo muujinayo inay diiday codsiyada dibu dhigista dacwadda.

6. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday anoo talada dalka haya in qaddiyada baddeenna ay tahay lama taabtaan. Inaan u taagnaan doono difaaceeda, si sharciga waafaqsan, haddii aan xilka hayo iyo haddaanan haynba. Anigoo dareemaya dayaca ay madaxda talada haysa ku samaynayaan qaddiyadani waxaan ku baqayaa:

a. In qaddiyadda baddeenna aanay marna gali karin gorgortan iyo ku danaysi, ayna jirin waddo aan ahayn maxkamadda caalamiga ah.

b. In madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed la wadaago mowqifkiisa badda ku saabsan.

c. In shacabka Soomaaliyeed loo caddeeyo masuuliyiinta iyo hayadaha dowladda u xilsaaran ka warhaynta iyo dabagalka howshan, maadaama masuuliyiintii hore aanay joogin xilalkii ay howshan ku hayeen.

d. In madaxda dowladdu la wadaagto qoraalada ay u gudbisay maxkamadda ee ay ku diidday dib-u-dhigista dhacday sedexda jeer. Waa in qoraaladaa lala wadaago Golaha wasiirada, labada gole ee barlamaanka, madaxda dowladgoboleedyada, siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

e. In la joojiyo kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deggan Jubaland, si aan fursad loo siinin in colaad ka dhacdo xuduudda, taas oo keeni karta in qadiyadda badda sanado badan dib u dhacdo.

f. In golayaasha barlamaanku kala xisaabtamaan madaxda dowladda gaboodfalka ku dhacay qaddiyadda baddeenna.

g. In shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan saxaafadda xorta ah, bulshada rayidka, garyaqaannada, madaxda dowlad goboleedyada, madaxda axsaabta siyaasadeed, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed u feejignaadaan ilaalinta baddeenna iyo khayraadkeeda.

Ugu dambayntii , waxaan shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadayaa inaan ku taaganahay ballantii ahayd ilaalinta qarinamadeenna iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna, meel kasta iyo xilli kasta oo aan joogo.
Mahadsanidiin.

W/Q: Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynihii hore ee Somaila
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you