Isbitaalka Martiini (De-Martino) ee magaalada Muqdisho oo dowladda Soomaaliya ay u qoondeysay in lagula tacaalo cudurka Covid-19 ayaa hadda diyaar noqday markii la keenay sariiraha xaaladda degdegga ah ee ICU, iyo Oxygen-ka ay u baahan yihiin bukaannada qaba cudurka Coronavirus.
Qolalka xaaladda degdegga ah (ICU) ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeystiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay.
Isbitaalka Martiini ayaa sidoo kale laga howl geliyay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal gaaraya 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo laga keenay Isbitaalka digfeer, haddana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale dhawaan ka howl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada neef mareenka.
Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ayaa ka bogsooday dibna looga saaray, waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo.
HOOS KA DAAWO





