Wednesday, June 25, 2025

Qalbi Dhagax ka hor Maxaa yareeyay soo hadalqaadka ONLF..? [FAAQIDAAD]

-

Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan Itoobiya ku wareejisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa Hogaanka Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee jabhadda ONLF.

Haddii si kale loo dhigana wuxuu ahaa taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida ee jabahadda. Dhiibitaanka Qalbi Dhagax ka dib warbaahinta Soomaalida oo dhan ayaa soo hadal qaaday magaca ONLF, Haddaba BBC-da ayaa qormadan ku milicsanaysa waxa sababay in magacaasi uu maqalkiisu yaraado.

Jabhadda ONLF ayaa la aasaasay 1984, ugu yaraan labaatankii sano ee la soo dhaafayna dagaal hubaysan ayay kula jirtay Dawladda Itoobiya. Waxay dooneysaa in gobolka Soomaalida ee Itoobiya uu madaxbannaani ka qaato itoobiya.

Waxayse aad u soo caan baxday oo saxaafadda caalamku aad uga sheekaysay 2007dii markaas oo ay Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku dileen 65 Itoobiyaan ah iyo sagaal ruux oo Shiinays ah oo shidaal ka qodayay gobolkaas, sida ay markaas sheegeen saraakiisha Itoobiya.

Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay magaalada Coballe oo qiyaastii 120 kiiloo mitir u jirta magaalada Jigjiga. Ra’iisulwasaarihii Itoobiya ee xiligaas Meles Zenawi wuxuu ku tilmaamay “xasuuq”

Balse ONLF waxay sheegtay in ay horay ugu digtay in aan deegaanka shidaal laga qodi karin inta uu aayihiisa ka tashanayo. Meles wuxuu carabka ku adkeeyay “in uu ku dadaali doono in taasi oo kale aysan mardambe dhicin”.

Intaas wixii ka dambeeyayna jabhaddu weerarro aan xoog badnayn ayay ku qaadi jirtay ciidammada Itoobiya.

Markaas waxay ka mid ahayd wakhtiyadii ay jabhaddu ugu cudud roonayd, waxaana intaas u dheeraa in ay ku naaloonaysay taageero baaxad leh oo gudaha ku sugnaa iyo jaaliyado aad isugu duubnaa oo daafaha caalamka oo dhan ku kala sugnaa.

Hadda waxaa cad in arrintu aysan sidaa ahayn, haddaba maxaa is badalay?

Dawladda faderaalka ee Itoobiya ayaa badashay xeeladihii ay kula dagaalami jirtay ONLF waxayna gobolka ka billawday hawlgallo milatari iyadoo ciidammadii la xoojiyay.

Ra’iisalwasaarihii geeriyooday Meles Zenawi oo marar badan xukuumaddiisa lagu eedeeyay in ay gacan bidixaysay deegaanka Soomaalida ayaa ballan qaaday in uu arrintaas wax wayn ka badali doono muddo shan sano gudahood ah.

“Gacanna ammaanka ayaan ku sugaynaa, gacanna horumarka ayaan kaga shaqaynaynaa” ayuu yiri Meles.

Intaas ka dibna waxaa billawday mashaariic hormarineed oo heer kala duwan leh oo malaayiin doolar ay ku baxday.

Sawir hore oo dagaalamayaasha ONLF ah
Sawir hore oo dagaalamayaasha ONLF ah

Waxyaabaha uu deegaanku markii u horraysay yeeshay waxaa ka mid ah Garoomo caalami ah sida midka Jigjiga iyo kan Qabridahar

Kuuliyado kala duwan oo lagu barto culuunta caafimaadka, maamulka, farsamada gacanta iyo midda macallimiinta, Waddooyin laami ah iyo kaabayaaal dhaqaale oo kale.

Dhanka ammaanka

Qorshihii ugu waynaa ee dhanka ammaanka ah wuxuu ahaa midkii lagu alkumay ciidammada gaarka ah ee Liyuu booliis.

Maadama oo ay ahaayeen dad deegaanka u dhashay durba waxay laf dhuun gashay ku noqdeen ciidammadii ONLF, in ay ciidan ahaan ula dagaalameen ka sokow waxay mudanaan badan siiyen sidii ay meesha uga saari lahaayeen taageerada shacab ee kooxda.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay ONLF iyo ciidammada gaarka ee Liyuu boolis inay geysteen dambiyo dagaal sida dilal baahsan, jirdil, kufsi iyo barakicin. Labudbua way beeniyeen eeeymahaasi.

Way adagtahay in arrimahasi si madax banaan loo xaqiijoyo maadama oo dowladda Itoobiya ay xaddiday hay’adaha gargaarka iyo suxufiyiinta.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii ay jabhaddu ku qancisay in ay la dagaalamayaan dad ajaaniib ah oo dhulkooda ku soo duulay ayaa marar badan arkay ilma adeer dhaw, qaraabo ama dad kale oo isu dhaw oo ku kala dhintay labada dhinac ee jabhadda iyo Liyuu Booliis.

Markii ay dawladda faderaalka ah aragtay ahmiyadda ciidammada gaarka ah ee deegaanka ayay sii xoojisay markii dambana waxayba gabi ahaan ku wareejisay masuuliyadda amniga gudaha deegaanka, milatariga faderaalkuna wuxuu xoogga saaray ammaanka xadka oo kali ah.

Garoonka caalamiga ah ee Qabridahar
Garoonka caalamiga ah ee Qabridahar

Hadda deegaanka waxaa ka jira ammaan la taaban karo, balse dadka naqdiya Itoobiya waxay ku doodayaan in ammaanka iyo horumarku uu ugu fadhiyo xuquuqdoodii aadanaha iyo xoriyatul qawlkii.

Inkastoo ONLF cududdeedii la waqiiy waxay wali ku naaloonaysay taageero ballaaran oo jahliyadaha dibadda ah.

Marka laga soo tago in jahliyadahaasi ay dhaqaale ku kabi jireen dagaalka hubaysan waxaa kale oo ay dibad baxyo ku qaban jireen goobaha ay tagaan masuuliyiinta dawladda Itoobiya.

Dagaalkii jahliyadaha

Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa billaowday dadaallo baaxad leh oo ay ku mareen Yurub, Maraykanka, Australi iyo Carabaha.

Waxaana dhidibada loo aasay wakaalad khaas u ah arrimaha qurba joogta. Dadaalkaas jahliyadaha iyo kan Liyuu booliiskaba waxaa kaalin laxaad leh ku lahaa madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Marar kala duwan ayuuna ku laalaabtay, wuxuuna dhidibadda u aasay jahliyado Soomaali ah oo Itoobiya taageersan.

Fanka iyo saxaafadda

Madaxweyne Cabdi Maxamuud intii uu xilka hayay wuxuu xoogga saaray oo kale fanka iyo suugaanta iyo saxaafadda, waxaana soo rogaal celisay dhaantadii oo la casriyeeyay.

Telefeshinka ESTV iyo FM-ta jigjiga ee horumarka aadka u baahiyana ayaana dhibada loo aasaasay.

Arrimahaas waxay gacan ka gaysteen in dad badan oo ka cabsan jiray in ay tagaan deegaanka ay booqdaan Jigjiga, qaarkoodna maalgashiyo ayay ka samaynteen.

Intaas iyo xaaladda geeska Afrika oo is badashay ayaa saamayn wayn ku yeelatay awooddii ONLF.

Maamullada Soomaalida oo ay ka mid yihiin kuwa Somaliland iyo Puntland ayaa calaaqaad ammaan la sixiixday Itoobiya, marar badanna waxaa lagu eedeeyay in ay xubno jabhadda ka tirsan ay u gacan galiyeen Itoobiya.

Eritrea oo ay taageero ka heli jireenna adduunka ayaa caddaadis saaray ka dib Markii ay Qarammada Midoobay ku eedaysay in ay qayb ka tahay ammaan la’aanta gobolka.

Hadda su’aasha taala waxay tahay qabashada Qalbi dhagax maxay uga dhigan tahay jabhadda ONLF.

Qalbi dhagax wuxuu ahaa taliyaha ciidammada qalabka sida ee ONLF.

Wuxuuse muhiim sii noqday markii dhawaan la dilay Sheekh Deeq oo ahaa hoggaankii gaashaan dhigga.

Inkastoo la is dhihi karo ONLF markii hore cudud milatari oo xoog leh ma lahayn haddana waxaa jab ku noqon karta in Cabdikariin uu gacanta u galay dowladda Itoobiya oo khibraddiisa iyo xogta uu hayo u u adeegsan karto dagaalka iyo sii kala dhantaalidda Jabhadda.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you