Thursday, February 26, 2026

Qareen Keenyaati ah oo soo jeediyay in Soomaaliya lagu daro Dalka Kenya [Akhriso Qormo xiiso leh]

-

Qareen u dhashay dalka Kenya, kana tirsan Maxkamadda Sare ee dalkaasi Karanja Kabage  ayaa soo jeediyey in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku midoobaan hal dal, sida uu ku qoray Maqaal ku soo abxa  jariidadda Daily Nation.

Qareenka oo dhinaca kale ah nin si joogto ah uga hadla Telefishanada, isla markaana qoraa ah ayaa qaba  inay haboontahay inay midoobaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo is-weydiiyey inkasta oo Soomaalida ku xiran tahay bariga dhexe haddana maxaa ku jaban inay la midoobaan dalka Kenya..?

Wuxuu sheegay in dhul ahaan in bedka Kenya yahay 582,000 KM isku weerah iyo Soomaaliya oo  ah 637,000 square kilometers, halka xeebta Kenya ay tahay (490) iyo Soomaaliya (3,333km), tirada dadka Kenyaanka waxaa ay ku dhow yihiin 49 million halka Soomaalidana ay tahay ilaa 20 million.

Qareenka ayaa ku doodaya in waxyaabaha soo dedejin kara midowga laabda dal ay ka mid tahay  in Kenya ay heysto qaxooti badan oo Soomaali ah, sidoo kalana ay jiraan Soomaali deggan gobolka Waqooyi Bari oo jagooyin muhiim ah ka haya dowladda Kenya, isagoo Soomaalida ku sifeeyay dad howl-kar ah oo shaqo badan.

Maqaalka Qareen Kabage waxaa ku jiray, haddii labada dal ay ka midoobaan xagga difaaca, maamulka iyo xeerarka, arrimaha dibadda, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dhulka iyo xeebaha, waxaa ay noqon-doonaan awood weyn oo dadka iyo deegaanka ah, taasi oo midowga bariga Afrika ka dhigeysa meel loo soo raadsado maal-geshiga.

Sidoo kale, haddii labada dal midoobaan waxaa ay dadka tiradoodu noqon-doonaan 70 milyan, waxaana la heli-doonnaa suuq fiican, waxaa sidoo kale aan ka faa’ideysneynaa ayuu leeyahay xeebta dherarkeedu yahay 3,800km.

Aragtidan ayaa la mida mid kale oo barbar socota oo ah in midoobaan dalalka Somalia iyo Itoobiya, waxayna hadda Soomaaliya u muuqataa dal aan gooni u istaagi karin.

HALKAN KA AKHRISO MAQAALKA OO DHAMMEYSTIRAN

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you