Wednesday, July 9, 2025

QIXII SODDON JIRSADEY!! (Qormo)

-

Waxaa qorey; Cabdi Yuusuf Faarax

Waa maalmihii ugu dambeeyey sanadkii 1990kii, goobtu waa xaruntii dugsigii sare ee beeraha Afgooye. Dugsigu wuxuu ku yaalaa meel aan sidaas uga fogeyn kulliyaddii waxbarashada Lafoole, waxaana labada hareer kaga yaal, kuliyaddii beeraha bidix iyo mashruucii fidinta beeraha oo midigta kaga beegnaa.

Waxaan daganahey dabaqa sadexaad ee mid ka mid ah guryaha ardeydu degto, waxaa igu wehliya labo Ila sadex ardey oo kale oo aan midkood xasuusto, waa Xukun Faarax Seeraar.
Jawigu aad buu u qurxoonyahey Lafoole, gaar ahaan ma laha kaneecaddii horarka aheyd ee Jowhar nagu boobtey sanadkii kowaad ee dugsiga sare oo aan ku qaatey halkaas. Waa meel aan ka fogeyn Xamar oo markaa aan rabo ku boodi karo baska caasiga loo yaqaan ee u kala goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Goobta uu dugsigu dhaco waxaa ku yaal maqaayado yaryar oo aan shaaha macaan galabtii ka fuuqno, marmarna aan ka cunteyno haddii maalinkaas cuntada naloo kariyey aan saluug ka qabno.

Jimcihii dhoweyd ayaan Xamar joogey, waxaan horey usoo qaatey boorso wayn oo dhar wada cusub ka buuxo, qaar waxaa dibadda kasoo dhiibtey walaashey Saynab, qaar kalena aniga ayaa kasoo gatey suuqa Xamar Weyne, kadib lacag markaas aad Ila badneyd oo uu isoo siiyey nin aan qaraabo nahey ka mid ahaa madaxda bangiga ganacsiga iyo keydka Soomaaliyeed.

Xamar waxaa khamiistii hore noosii qaadey baabuur basas ah oo nooca Nissan ah oo aad u cusubaa, ugana qurxoonaa baskii Jarmalka ahaa ee duqa ahaa ee galab walba oo Khamiis ah, habeenka Jimcahu soo galeyso na keeni jirey magaalada Jowhar oo dhowr kiilo mitir ka durugsaneyd dugsigii beeraha ee Jowhar oo ku yiil tuulada Bannaaneey, si aan habeenkaas usoo caweyno.

Todobaadyadii dhawaa, aniga iima muuqan, mana qabin wax dareen colaadeed oo kusoo foogan dalka.

Maalmo ka hor ayaan xasuustaa in anaga oo joogna buundada yar ee ku taal halka laamiga way ay kaga soo leexdo waddada aadda dugsiga beeraha iyo mashruuca fidinta beeraha, ay halkaas soo mareen sadex gaari oo Landcruiser nooca VX ah, waxaa midka ugu horeeya shukaanta ka saarnaa madaxweynaha Maxamed Siyaad Barre, oo sida muuqata ka yimid bereaha Afgooye, aad buu qoslayey, sida muuqatana wuxuu la haystey Sheeko uu xiiseeyeynayey oo gaariga ka dhex socotey.

Odayga wajigiisa si fiican ayaan u aqaaney, talafishinka oo aan ka arki jirey ka sokoow sanadkii hore ayaan arkey, markaas oo uu booqanayey Jowhar, waxaan tubneyn afaafka hore ee dugsiga sare beeraha Jowhar, halkaas oo uu noo gacan haatiyey, noomase uu istaagin oo wuxuu u gudbey dhinaca mashruucii bariiska ee Baarre wayne. Anagu waxaan ku heeseyney markaas erayo uu si boobsiis ah goobta ugu curiyey mid kamid ah macalimiinta dugsiga Xasan Hiloowle oo noo dhigi jirey maadada agriculture. Waxaa kamid ahaa erayadii:

Yaboohsi dooni mayno
Dibad u yaaci mayno
Yaambo .. Yaambo!!

Yeelkadeede, dareenkeeyga waxbaa i gujinayey inaan nafta ku maaweelinayo, muuqalada qurxoon ee Lafoole iyo madaxweynaha aan arkey ay dhamcan dab ihi hoos uga xabaalantahey.
Waxaan xasuustaa in dhowrkii bilood ee ugu dambeysey xabado farabadan ka dhacayeen habeenkii magaalada Xamar, kuwo sharabaad ahaan kor loogu ridayo iyo qaar marmar lays waydaarsanayo.

Magaalada waxaa si goos goos ah uga dhacayey mudaaharaadyo rabshado wata, oo mararka qaarkood dad ku dhimanayeen. Runtii aad ayaan u naxaa ilaa hadda markaan soo xasuusto maalin aan aad u sigtey, waxaan hoos marayey guriga hooyooyinka maalin mudaaharaad jirey, waxaana halmar ka abuurmey meeshii buuq, taasoo keentey in askartii xabad aan u haystey anigu markii hore in kor loo ridey fureen, madaxa ayaa aad iyo aad ii xanuuney waanan ordey markaan gadaal eegey waxaa isheydu qabatey dhowr ruux oo dhulka taalla oo xabaduhu haleeleen.

Xiliyada qaarkood, gaar ahaan intii booliska fursadda loo siiyey iney xaaladda amniga koontoroolaan waxaa mudaaharaadyadu ku dhammaan jireen si yasiren. Waxaa kamid markii uu dhacayey aaskii qareen Ismaaciil Jumcaale Cosoble oo aad xaaladda looga baqayey laakiin ay si nabad ah ku dhammaatey.

Maalinkii ugu horreysey oo aan dugsiga usoo qalab qaadaneyney waxaa horey noo soo qaadey adeerkeey Aadan oo inkasta oo uu nin madax ahaa, hadana aad hambal naxariis badan u ahaa, wuxuu aniga iyo walaalkey Maxamed sariirihii iyo alaabtii noogu soo rarey bagaaliyaha ( dusha sare) gaarigii uu watey oo ahaa landcruiser GX, waxaana labada daaqadood gadaal fadhiyey laba askari oo hubeysan, waayo waxaa barigaas aad loo dhacayey baabuurta noocaan ah oo loola carari jirey Itoobiya oo laga soo iibsan jirey.

Waa sidaas midda uu iga dhex guuxayo dareenka is-diidan, mid ii sheegaya inaan ku faraxsanahey jawiga macaan ee waxbarashada ii bilaabatey sanadkii labaad ee dugsiga sare iyo midkii aan Xamar ku ogaa.

DAGAAL AYAA MUQDISHO KA SOCDA!

Anagoo joogna maalin maalmaha kamid ah xaafadihii ardaydu daganeyd ayaa waxaa soo yeerey war dhiillo leh, waxaana cod hoose oo xam xam ah fariimo laysugu dhiibey waxaa socda.
Waxaa dagaal xoog leh ka qarxey suuqa Siinaay ee Dagmada Wardhiigley, meelo badan oo ay ku jirto Heliwaa ( Huriwaa) oo aheyd halkii uu reerkeenu daganaa waxey deg deg isugu badashey furin dagaal. Rabbi talo ku filan ayaan uurka iska iri.

Farriimaha iska soo dabadhaceyey ma aheyn kuwo la liqi karo, waxaase ugu xumaa in la sheegey in magaaladu kala xirantey oo xitaa haddii aan u yaaci laheyn meelihii ehelkanagu jirey gaar ahaan xaafaddii reerkeenu daganaa ay xaalad gaar ah gashey.

Bal waxaad ka fekerta ardey yar oo meel ku xareysan oo hal mar waayey wax amal iyo yididdiilo ah, mustaqablkiisii mugdi kusoo aruurey, aan aqoon meel uu aado, ay ku liidato inuu hinddiso xeelad uu ku maareyo waxa dhacey!!.
Qaar kamid ah ardeydii aanu wada daganeyn, gaar ahaan kuwii naga koreyey ee naga yara waa waynaa ayaa durba yaacey si ay u qabtaan meeshii ay ku ogaayeen ehelkooda. Laakiin koox aan anigu ku jiro howshu uma sahlana, waxeyna ku sii nagaadeen goobtoodii.

Nasiib wanaag in kastoo duruustii istaagtey, hadana waxaa wali shaqeynayey qaybtii raashinka oo waxaa si caadi ah naloogu karinayey cuntada, xafiisyada maamulkana qaar ayaa wali furnaa.
Waxaa mar dhacdey in aan ku buuqney xafiiskii maaliyadda, si naloogu soo celiyo lacagihii aan teeremkaan ku biiriney miiska ardeyda, waxaana iska daba wareeg kadib aan ku qasabney madaxii maaliyadda inuu aado bankiga Afgooye oo uu noo helo qayb kamid ah lacagtii, waxeyna noo aheyd faraj wayn,lacagta aan helney waxaan isku maareyn karney xilli haddii cunta karintu joogsato.

Xiligaas aan dugsiga ku go’doonsanahey, maalinkii inta badan waxaan dhagta ku hayaa raadiye yar oo aan haystey. Raadiyo Muqdisho heeso ayaa ka socda, barnaamijtii waa istaageen wariyaashii aan codkooda dhagtu ku irmaanan jirtey oo aan xiiseeyn jirey ma maqal baryahaan, waxaa kusoo harey intaan xasusto laba wariye oo kaliya, waa Siciid Anteeno iyo Yaasiin Ciise Wardheere. Markii ay saacado badan heeso nagu garaacaan ayey marmar nala hadlaan.

Galabtii waxaa dadka tuuladu ku dhoobtaan BBC-da bal si ay uga helaan akhbaar dheeri oo dhaafsiisan heesaha Raadiyo Muqdisho, laakiin iyada lafteedu waxeey kusoo aruurtey wareysiyo dad dibadaha jooga oo mucaaradka u badan. Wariye Siciid Bakar Mukhtaar oo ahaa xiligaas wariyihii Muqdisho BBC laanta afka Soomaaliga uga soo warrami jirey warbixinno masoo diro.
Enjineer Madaxeeyey oo mucaaradka u hadla ayaa magaalada Roma kasoo hadla, waxaana jawaabo ay sheegashooyinkiisa ku burinayaan soo saaro mas’uuliyiin dowladda ah.

Habeenkii waxaa muxaadaro iyo daruus diini ah oo xamaasad iyo dhiirri galin ka buuxdo noogu jeediya mowlaca schoolka nin dhalinyaro ah oo aad u xamaasadeysan oo taariikhdii hore muslimiinta, awooddii isbalaarinta boqortooyinkii ( al khilaafa) Amawiyiinta iyo cabbaasiyiinta noo tallaabiya, nagana kexeeya xaaladda dhabta ah ee aan ku jirno.

GURMAD IYO GARGAAR FIDIN

Markii dagaaladdii maalmo kooban socdeen, waxaa durba soo biloowdey mowjado qax ah oo aanan waligeey dad intaa tiro le,eg arag. Waxaa hal mar xirmey jidkii wayn ee isku xira Xamar iyo Afgooye, waa jid dhererkiisu yahey 30 km. Meel cagta la saaro ma leh, xaashidii la tuuro dhulka ku dhici mayso. Bankii qiyaame ayaad mooddaa.

Inkastoo horey looga qaxey gobolada waqooyi, waqooyi bari iyo Galgaduud marar kala duwan, haddana qaxani waxaan ku tilmaami karaa kii ugu maggag badnaa. Dadkii goobjoogga u ahaa jidka ee isku xira Xamar iyo Balcad waxeey iiga sheekeeyeen mar dambe inuu halkaana ka jirey muuqaal sidaan oo kale ah.
Dadka lugeeynaya waa dadkii danyarta ahaa ee aan gaadiidka laheyn, kuwa kale waxeey ku joogaan baabuur yaryar iyo waawayn isugu jirta, waxeyna dhex jibaaxayaan dadka sida daadka u qulqulaya, inta badana way taaganyihiin oo mar mar ayeey ruqaansanayaan, waayo ma jiro meel ay maraan.
Dadka qaxaya waxaa ku jira qooyasas ilmo badan, waxaanad arkersaa ilma badan oo qaar gacmaha is haysata oo hooyadood laba yar yar dhabarka iyo xabadka u kala ridatey oo aabahoodna tunka mid ku wado. Ilmihii meeshaas ku luma ilaahey ayaa u maqaan.

Intaas oo dhib ah, waxaa u wehliya gaajo iyo oon ay la dhanqalmeen. Caruurta yar yar oo aan waligood hal kiilo mitir socon ayaa 30 km iyo ka badan soo jarey!!.

Dadka baabuurta ku qaxaya waxeey qaarkood wataan qoryo ay isku ilaalinayaan, waayo waxaa dhibka qaxa garab socda cabsi tuugo iyo boob.

Waxaa yaab leh in dadka qaar aan hubka haysan ay tuubooyin iyo biro waawayn ay kor u fiiqayaan si ay isaga dhigaan iney hubeysanyihiin, waayo dadku malaha aqoon hub oo wixii soo taagan oo gafuur dheerba waxaa loo haystaa qori!!.

Xaaladdaas iyada ah waxey dhaqaajisey dareenkanagii, waxaana noo muuqatey inaan kaalin deg deg ah u qunno, inaan gurmad iyo gargaar la gaarno dadkaan tabaaleysan..! Oo maxaan heli karnaa oo aan yeeli karnaa, waxaan nahey ardey intooda badan da’doodu aad u yartahey oo meesha ku go’doonsan oo aan ogeyn waxa mustaqalka dhow u qarinayo, dadkoodiina ay kala lumeen, meel ay ka aadaan halka joogaanna aan aqoon!.

Laakiin, iyada oo ay intaas oo idil jirto, haddana xanuunka noo muuqda mowqif in loo baahanyahey ayuu dareenkeenii canaantey.Talo soo jeedinta inaan gurmad geeysano waxaa fikradeeda lahaa oo na hor kacey koox ardey ah oo naga waawayneyd oo intooda badana aan iskala nimid dugsiga sare Jowhar. Dhalintaas qaarkood waan hilmaamey, waxaanse si wacan u xasuustaa Shaafi Qorane Cali oo aan ku naaneysi jirney (Dr.Go), wuxuu hadda ku noolyahey dalka Kanada, Maxamed Daahir koonfur Afrika ayuu joogaa, Xukun Faarax Seerar Mareykanka ayaa laygu sheegey, Abuukar Buulaay dal Yurub ah oo aan xasuusan ayaan ku maqley iyo kuwa kale oo tiro badan.

Waxaan guranney caagado yar yar iyo jeergaano waawayn oo aanu koox koox isula waldaamineyey, waxaan bilowney biyo dhaamin, waxaan biyaha ka daldaleyney xarunta dugsiga, waxaanan qiyaastii la lugayeneyney 900 m si aan ugu gayno dadka qulqulya jidka wayn ee isku xira Xamar iyo Afgooye. Maalin kasta waxaan howshaas biloownaa barqadii marka qoraxdu kululaato ilaa casarkii mana joojino, maadama aan badneyna koox koox ayaanu isu badaleyney.

Mararka qaarkood waxaa dhibaato naga qabsan jirtey sidii biya oo yar dadka ugu daran loo gaarsiin lahaa, waxaanan la kulmayney qammaan iyo is qabsi biyaha la kala boobayo.
Biyaha kaliya ma aheyn gurmadku ee waxaan sidoo kale hindisney xeelad cusub oo aan raashin bisil ku gaarsiin karno dadka aadka u liita, gaar ahaan caruurta.

Sidaan horey idinkugu soo sheegey dusiga beeraha ee aannu joogney waxaa wali shaqeynayey kushiinka wayn ee ardeydu ka cunteyn jireen, waxaana wali la karinayey cuntada, mana jirin ardey badan oo schoolka ku hartey oo qaar badan way ka tageen markii dagaalku biloowdey, sidaa darteed waxaan heli karney raashin badan oo dheeraad naga ah, marka lagu biiriyo garaamkanaga oo aan in iska qaarameyney.

Waxaan soo uruursaney saxamo iyo baaldiyo, waxaanan ku guri jirney raashinka, kadibana intaan horin horin isu qaybino ayaa kolba koox dhaqaaqi jirtey.

Maaddaama dadku aad u badnaa, raashinka bisil ee aan keeneyna uu yaraa, waxaan dagney qorshe ah in aan meel jiiro ah ku dajino oon soo leexino qooysaska caruurta wata iyo waayeelka liita oo ay cunaan ama aan ugu ridno weelasha ay hadba sitaan. Sidaas ayaanan ku wadney in kastoo marmar inta nala arko nalagusoo qamaami jirey oo la kala boobi jirey.

QAXEYGII UGU HORREYEY!

Waxaan iska joogney hoygii dugsiga beeraha, waxaanan ku jirney howlaha gurmadka oo runtii dhiig cusub iyo kalsooni na galiyey. Waxeey na tustey in aanan isu arkin inaan nahey ardey yaryar oo go’doonsan ee aan nahahey xooggii barrito ee dantu bidey xilli hore mas’uuliyadooda oo ka wayn in ay xambaartaan.

Laakiin maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii yaraanayey ardeyda meesha joogta, cabsiduna way sii xoogeysaneysey, dabcan adeegii yaraa ee awalba sii wis lahaana ma sii jiri doono sida raashinkii naloo karinayey.

Waxaase noogu darnaa markii xaalad amni oo toos ahi nagula soo gudboonaatey goobtii aanu ku jirney. Waxaa duullaan bililiqo doon ah nagu soo qaadey ardeydii dhalinta kacaanka ee Lafoole ku xareysneyd, waxey isula socdaan koox koox, waa naga waawaynyihiin, koox walbana waxey wadataa qori dhuun dheer oo ah kii ay Oktoobarta ku mari jireen oo aan u maleynayo inuusan dhaceyn laakiin aan ka baqeynay xiligaas, maadama aanan aqoon u laheyn.
Xaaladdaas waxey nagu qasabtey inaan isugu guurno, iskuna aruursano meelo kooban oo aan burcadda iska yureeyno. Laakiin taasi ma aheyn arin lagu sii jiri karo, waa in la keeno xeelad kale, inaan qaxno ayaanan ka badin weyney.

Subaxii dambe ayaan aniga walaalkeey Maxamed boorsadii jiidaney, waxanan gaarney laamiga wayn oo markaas qixii dadku ka yara khafiifey, nasiib wanaan waxaan helney gaari dameer, kaas oo aan ijaarney si uu anaga iyo boorsadeyda wayn noo qaado ilaa Afgooye.

Waa qaxaygii ugu horreeyey, waa qixii sodon sano jirsadey, kaas oo aan ilaa maanto qoxooti ku ahey dal shisheeye, cabsidii iyo walwalkii sodon jirsateyna wali way ila socotaa, in kastoo aan anigu shaqsi ahaan meel amaan ah joogey waqti dheer, hadana waxaa dayacan dalkeygii iyo dadkeygii oo ay kamid yihiin waalidkeey iyo walaalhey iyo malaayiin kale oo Soomaaliyeed.

Image may contain: 1 person

Waxaa qorey; Cabdi Yuusuf Faarax
Oslo, 10.01.2021.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you