Thursday, June 26, 2025

QOLKA 78 EE LAGU XASUUQAY SAAXIIBADAY!! [W/Q: Ridwaan X. Cweli]

-

Dilalka joogtada ah ee ka dhacaya Soomaaliya waxaa ay xanuun badan ku reebaan qof kasta oo leh damiiq-danqasho, sababtuna waxaa weeye in dilalka noocan oo kale ah ay yihiin wax ka baxsan dhaqan Islaam iyo mid bani’aadanimo intaba.

Dilkii xasuuqa ahaa ee loo gaystay xildhibaan Guure iyo Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac ayaan wali la murugoonayaa.

Waxaa intaas oo dhan kasii darin in kuwa gaysanaya dilalka ay yihiin Soomaali sheeganaya in ay haystaan diinta Islaamka, Maxaase ka liita in uu ku dilo qof kula dhashay oo Soomaali kula ah.

Dil kasta oo dhaca sida weerarkii Hotel Ambassador waxaa uu saamayn kala duwan ku yeeshaa hooyo, caruur, ehel iyo saixiibo, waxaana suuragal ah in qoysas badan ay nolshoodu hoos u dhacdo isla markaana ay horseedo cuduro ka dhalan kara dhacdooyinka foosha xun ee sida joogtada ah aan ula noolnahay.

Qof kasta oo anigu aan kamid ahay oo Soomaali ah waxaa uu ku noolyahay calool-xumo joogta ah, waxaana soo maray sheekooyin xanuun badan laakiin ma’ahan micneheedu in aan ka niyad-jabno sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii dalkeena , loona joojin lahaa gumaadka aan isku hayno.

Waxaan usoo joogay weeraro badan iyo dilal ka dhacay meel aan iga fogayn oo Alle uu iga badbaadiyay, waxaana ku waayay dad Asxaab ahaa, kuwo Qaraabo ahaa iyo Mas’uuliyiin aan siyaabo kala duwan ula shaqeeyay intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2015-kii.

Aniga iyo in badan oo ay kamid ahaayeen mudanayaashii la dilay ujeedka aan Soomaaliya u tagnay ma ahayn in uu qof Soomaali ah nagu dilo ama qof Soomaaliyeed oo la dilayo aan goobjoog ka ahaano, waxaase ay ahayd in aan dhismaha dalkaasi wax ka gaysano oo jiilasha mustaqbalka iyo caruurteenaba ay helaan nolol.

xildhibaanoladilay
Xildhibaanadii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay hoteelka Ambassador

Allaha u naxariistee dilkii loo gaystay Xildhibaan Maxamuud Guure iyo Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac oo ahaa labo aqoonyahan oo aan saaxiib ku ahayn London iyo Muqdisho waa mid si gaar ah ii taabanaysa, lana mid ah dilal sidan oo kale loogu gaystay haldoorka Soomaaliyeed ee wax usoo bartay dalkooda hooyo.

In badan oo kamid ah dadka xaqdaradda lagu dilay waxaa ay nolol ku haysteen dalal kale, waxaana ay Soomaaliya u tageen in ay dalkaasi ka samatabixiyaan burburkii dilooday.

Labada xildhibaan ee dhiigooda sida xaq-daradda ah loo daadiyay waxaan wada daganayn Hotel-ka la weeraray ee Ambassador Hotel muddo ka badan 3 sano. Marxuum Cabdulaahi Jaamac iyo Marxuum Guure waxaa ay kamid ahaayeen saaxiibadii aan kulahaa Muqdisho iyo London oo wax badan aan ka bartay.

Markii aan dib u wacay shaqaalaha hoteelka waxaa la ii sheegay labada xildhibaan iyo dhowr qof oo kale oo ay ku jiraan mas’uuliyiin iyo shaqaalaha hotelka ay weerarkii ku dhinteen.

Waxaa kaloo la ii sheegay in labada marxuum ee nolosha ku saaxiibay ee kala ah Guure iyo Cabdulaahi Jaamac lagu jabiyay qolkii aan hoteelka ka daganaa sanadaha badan isla markaana lagu dilay gudaha qolka.

Qolkaasi oo lambarkiisu ahaa 78 waxaa u soo guuray Marxuum Cabdulaahi Jaamac markii aan kasoo tagay Muqdisho bishii June ee sanadkii hore. Xildhibaan Guure waxaa uu daganaa qolka kasoo horjeeda Marxuum Cabdulaahi Kabaweyne.

Inkastoo waqtigoodu ku ekaa intaasi ayaa hadana run ahaantii aan ka seexan waayay in labadaasi marxuum ee saaxiibada ahaa si arxan darro ah loo dilay iyagoo waliba ahaa wadaniyiin u tagay Somalia sidii dib loogu soo celin lahaa karaamadii umadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariisto xildhibaanadaas iyo dhammaan dadka soomaaliyeed ee dhiigoodi sida maalaayacniga ah loo qubay.


Ridwaan Haji Abdiwali
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

Deni iyo Axmed Madoobe oo shaaciyay inaysan metelin Dowladda Federaalka (Akhriso 5 Qodob -War-murtiyeed-)

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo maalmahan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ay ku eedeeyeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you