Qormada soo socota waxaa qoray Axmed Shariif, wuxuu uga hadlay qiimeynta khudbadii uu maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ka jeediyey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qormadan oo si weyn loogu baahiyey Baraha bulshada, kana xiiso badatay khudbadii Farmaajo ee la qiimeynayay ayaa ku bilaabtay;
Nicmooyinka Illaahey tirokoob laguma samayn karo. Dhamaantoodse waan uga shukriyaa. Waxaana kamida dulqaadka aan ku dhageystay 33:33 daqiiqo khudbadii Mweynaha.
1- Mweynuhu burburkii 1990 waa sheegay. Balse sababtii burburka waa ka booday.
2- Mweynuhu nooma sheegin waxqabad ciidanka 5tii sano ee la soo dhaafay.
3- Mweynuhu marna ma soo hadal qaadin abaarta ba’an ee dadka Somaliyeed ku habsatay. Malaha waxay u joogtaa “udub islaameed abaar kama mudna”!!!
4- Mweynuhu ma soo hadal qaadin doorashada iyo deganaasho la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.
5- Mweynuhu kama hadlin khilaafka siyaasadeed ee dalka hareeyay. Sababayna in Rwasaarihiisii iyo kuxigeenkiisiba ay ka maqnaayeen munaasabada.
6- Mweynuhu kuma nuuxnuuxsan xaalada amni darro ee dalka ka jirta, gaar ahaan caasumada.
7- Mweynuhu ma xusin kaalinta Mweynayaashii ka horeeyay ay ku lahaayeen dhismaha ciidanka, soo celinta maamulka hawada Somalia, dacwadii Badda ee Kenya nagala dhaxaysay iyo siyaasada arimaha debada, toona!
8- Mweynuhu inkastoo asagoo debada ka yimid, doorasho xasiloon oo xor iyo xalaal ah lagu doortay, hadana ma xusin wax dawlad iyo dedaal ah oo u dhexeeyay asaga iyo Jaale Siyaad! Waxaan soo xasuustay habeenkii la doortay hadal jeedintii 1aad inuu yiri “dalku 27sano dawlad ma lahayn”!!!
9- Mweynuhu wuxuu aad iyo aad ugu celceliyay erayga “wadaniyad”! Taas oo ah shayga qura ee naga wada maqan hadaynu Somali nahay.
10- Mweynuhu wuxuu ka dhawaajiyay dawlad wanaag iyo la dagaalan musuq! Waxaan u fahmay inuu ka hadlayay dal kale oo magiciisa aanu xusin Tolow, yaa qora khudbadaha Mweynaha!!!
W/Q: Ahmed Sharif
