Wednesday, July 2, 2025

Qorshaha Danaha Imaaraadka & Qarannimada Soomaaliya! [Warbixin Xasaasi ah]

-

Tallaabada dowladda Imaaraadka ee faragelnta arrimaha gudaha,  Soomalaiya waxa looga arkaa Xushmo-darro ka dhan ah Qaranimada iyo madaxbannaanida hannaanka garsoorka, Waxa ay halis ku tahay faragelintaasi nabadgelyada Geeska Afrika.

Isutagga dowladaha yaryar ee Imaaraadka Carabta ayaa sii wada horumarinta dadaalka ay ugu jirto qabsashada dekedaha geeska Afrika, kaas oo ay illaa hadda ku heshay Malaayiin Dollar, oo ay uga shaqeysanayso laba dekadood oo waaweyn, oo ay Soomaaliya leedahay.

Dowladda Imaaraadka oo ku socta siyaasadda adeegsiga awoodda fudud si ay uga shaqeysiiso hirgelinta dhammaan awoodeeda ayay markan adeegsaneysaa siyaasiyiin Soomaali ah oo ay u mareyso fulinta howlaheeda.

Kaddib markii ay ku adkaatay dowladda Imaaraadka in ay noqoto saaxiib iyo bahwadaag uga  wanaagsan Soomaaliya Turkiga ay maciin bidday adeegsiga siyaasiyiin Soomaali ah oo saameyn ku leh gudaha Soomaaliya, kuwaas oo kaalin ka qaadan kara kor u qaadidda awoodeeda siyaasadeed.

Dowladda Imaaraadku waxa ay shaqaaleysay Raisalwasaarihii hore ee Soomaaliya oo ah wiilka madaxweyne Ahun Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo 15; Oktober 1969; lagu dilay gobolka Sool.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke; Waxa uu noqonayaa la taliyaha Dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya, tanina waa iskudayga Imaaraadku ay ku doonayaan in ay cadaadis ku saarayaan xaqiijinta damaceeda qabsashada ilaha waaweyn ee  dhaqaalaha ee Soomaaliya, taas oo ay kula tartameyso Turkiga sida ay xuseen mas’uuliyiin kala duwan

Siyaasadda Cusub ee Imaaraadku waxa ay sameysa horumar degdeg ah

Horraantii sanadkan 2017;  shirkadda DPWorld ayaa la saxiixatay maamulka gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) heshiis muddo 30; sano ah, kaas oo ay dekedda weyn ee Berbeba ay ku maamuleyso DPworld, waxa xigay heshiis kale oo ay muddo 30; sano ah oo ay isna gacanta ku hayneyso DP World, dekedda Boosaaso

Waxa muuqata in siyaasadda iyo Qorshaha  Imaaraadku uu muhiimad gaar ah siiyey arrin qura, iyada oo ay jiraan arrimo kale oo taagan, saameynta siyaasadeed ee ay yeelatay siyaasadda imaaraadku oo ay fududeeyeen siyaasuyiin ay xukuumadda imaaraadku Kireysatay si ay u sahlaan in heshiisyo waaweyn oo saameyntooda leh lagu saxiixo si sahal ah iyoo muddo gaaban

Baashe Cawil Morgan & mid kamid ah madaxda DPWorld

Ugu horreyntii Dowladda Imaaraadku waxa ay kireysatay Baashe Cawil Moorgan; oo ah siyaasi ka soo jeeda Somaliland, kuna leh saameyn maamulkaas, Baashe waxa  Soddog u ah madaxweynaha Somaliland, waxa uu fududeeyey islamarkaana sahlay in uu meelmaro heshiiska Imaaradku kula wareegay dekedda Berbera.

Meelmarintii heshiiskaas dekedda Berbera, Dowladda Imaaraadku waxa ay kireysatay Raisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Shar ma arke; oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh Dowladgoboleedka Puntland, Cumar waxa uu noqday la taliyaha Dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya, waxa uu dhexdhexaadiyey heshiiskii ay dowladgoboleedka Puntland ugu wareejisay DPWorld dekedda weyn ee Boosaaso.

Balse Markan shaqada Cumar Cabdirashiid ee cusub waa ay ka adagtay howlihii hore, waxa uu u xilsaaran yahay markan in uu dhexdhexaadiyo islamarkaana fududeeyo heshiisyo kale oo horseedaya in dowladda Imaaraadku qabsato dekedo hor leh oo Soomaaliya leedahay.

Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, dowladda Imaaraadku waxa ay hadda isha ku haysaa dekedda Baraawe; oo ku taal magaalo xeebeed ka tirsan shabeelaha Hoose, sidaas oo ay tahayna falanqeeyeyaal siyaasadeed ayaa  muujiyey in Imaaraadku uu la kulmi doono culeys badan sidii uu u geli lahaa heshiis uu kula wareegyo dekedda Baraawe si ka duwan sidii sahalka ahayd ee Imaaraadku ula wareegay dekadaha Somaliland iyo Puntland, sababta ugu weyn ee sahashay in dekedahaasi ay si sahlan ugu gacan galaan Imaaraadka ayaa ahayd in aanay markoodii horeba ku jirin maamulka xukuumadda dhexe.

Baraawe; waxa si guud gacanta ugu haya Xukuumadda dhexe ee Soomaaliya, taas oo xiriir iyo sooyaal dheer la leh Turkiga.

Tartanka iyo dadaalka isku dayga Imaaraadka ee qabsashada xeebaha Bariga Afrika waa mid jiray muddo dheer, sidaas oo ay tahay xukuumadda Soomaaliya ayaa xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay u ogolaatay Turkiga in uu maamulo dekedda iyo garoonka Muqdisho, waxaana l
Magacaabid Qarsoodi ah (SECRET APPOINTMENT)
January-2015; ayaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke; waxa uu la kulmay isaga oo haya xilka wasiirka koowaad  danijiraha Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cismaan Alxaamidi; kulankaasi waxa uu ka dhacay xafiiska safiirka Imaaraadka ee Muqdisho

Iyada oo kulanka Raisalwasaare Sharma’arke iyo Danjiraha Imaaraadku ahaa mid aad loo qariyey, lagana dhowray dhammaan wixii u muujin karay in uu noqdo shir laba geesood ah una dhexeeya laba mas’uul oo kala metelaya laba dowladood haddana danjiraha Imaaraadku waxa Soomaaliya ka aloosay dood siyaasadeed, balse waxa uu dabajoogay oo keli ah in uu xaqiijiyo damaca xukuumaddiisa, waa qorshe ku billaabanaya saxiixa heshiisyo degdeg ah oo imaaraadku ku qabsanayaan maamulka dekadaha Soomaaliya, taas oo Xukuumadda Imaaraadku u aragto tallaabo lagu shakaali karo awoodda dhaqaale ee xukuumadda dhexe.

Raisalwasaare Sharma’arke oo horay u shaaciyey sida uu u taageersan yahay Imaraadka ayaa xilligaas xusay in uu ka welwelsan yahay isdiidka danaha Imaaraadka iyo Turkigu ay ka leeyihiin Soomaaliya, taasina waa mid kamid ah sababaha uu u noqon doono La taliyaha Imaaraadka ee Soomaaliya.

Turkig waxa uu Soomaaliya ku haystaa taageero gaarsiisan heer dadweyne, taas oo ay sabab u tahay abaalkii uu u galay muwaadiniin SOomalaii ah oo ay cagta mariyeen abaarihii 2011-2015, abaalkaasna waxa xigay mashaariic xooggan oo ay shirkado Turki ah ka hirgeliyeen Soomalaiya.

Kulanka dhexmaray 2015; raisalwasaare Sharma’arke iyo Danjire Xaamidi; waxa ka soo baxay in Imaaradkiu taageero ololaha madaxtinimada Soomalaiya ee Raisalwasaare Sharma’arke, si isaguna markiisa u difaaco danaha Imaaraadka ee Soomaaliya, kulankaas kadib Waxa ay xukuumadda Imaaraadka oo adeegsaneysa Danjiraheeda Muqdisho taageero ballaaran u fidisay ololihii doorashada madaxtinimo ee Raisalwasaare Sharma’arke, iyada oo damacaasina fashilmay kadib markii ay Imaaraadku xaqiiqsaden in aan Cumar Crashiid ku guuleysan Karin doorashada.

Qorshaha Cusub (THE NEW STRATEGY)

Iyada oo aanay Raisalwasaare Sharma’arke u suuragelin in uu ku soo baxoo xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayay Imaaraadku wadeen qorshaha ay kula wareegayaan maamulka dekedda Boosaaso, kadib markii ay meel marsadeen maamulka dekedda Berbera, haddana ma kama tanaasulin adeegsiga Cumar, iyaga oo maanka ku ahay in uu awood siyaasadeed ku leeyahay gobolka, taas beddelkeeda waxa uu Imaaraadku siiyey Senator Cumar Cabdirashiid xil cusub oo ah la taliyaha dhinaca siyaasadda ah.

Kaddib guuldarradii xildhibaan Cumar ka soo gaartay tartankii doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya ayuu billaabay shaqadiisii koowaad, taas oo ahayd in uu dhexdhexaadiyo meelmarinta hehsiiskii Imaaraadku ku qaatay dekedda Boosaaso,

Madax kala duwan ayaa u sheegay alleastafrica.com; in ku guuleysiga Cumar Cabdicarshiid ee ku qancinta madaxda Punland in ay saxiixaan heshiisku ay u soo jiidday xushmad iyo karaamo dheeri ah oo uu ka helay hoggaamiyeyaasha imaaraadka.

Labada heshiis ee dhaliyey muranka iyo doodad badan ee Imaaraadku kula wareegay maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso ayaa dad badan ula muuqda in ay yihiin kuwo aan sharci ku fadhin.

Mid kamid ah safaradii uu Raisalwasaare Cumar Cabdirashiid ku tegey Dubai; waxa uu saxiixay heshiis aan la shaacin u saxiixay Imaaraadka carabta; heshiiskaasi waxa uu ku saabsanaa sidii ay Imaaraadku u maamuli lahaayeen dekedaha Hobyo; oo ku taal Bartamaha Soomaaliya, Marka oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose, iyo dekedda Kismaayo ee Jubbada hoose

WQ: Judy Maina: [email protected].

Isha: www.alleastafrica.com

Soomaaliyeyntii Axmed Ciise Guutaale

 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you