Sunday, August 17, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Maqaal ka qoray Somalia & Dabeysha Isbedelka Geeska Afrika (Akhriso)

-

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maqaal uu ku qoray Wargeyska Daily nation ee Kenya laga leyahay waxa uu uga hadlay arrimo quseeya xaaladda Amaanka ee Soomaaliya, horumarka Dowladdu Sameeysay iyo Isbadalada ka hirgalay geeska Africa.

Maqaalka waxaa Ciwaan u ah “Dabeysha Isbadalka ee Geeska Africa ayaa Soomaaliya ganacsi u furtay”. Ra’iisul wasaaraha ayaa shegay in cafiskii dhawaan Dowladiisu sameeysay uu horseday in ay isi soo dhiibaan “Hogaamiyeyaasha kooxaha argagixisadda” kuwas oo ka qayb qaadanaya dhismaha Qaranka.

“Maalmo ka hor Eritrea iyo  Jabuuti ayaa ku heshiiyay hagaajinta xiriirkooda, taasi oo cutub cusub ufureeysa xiriirkii xumaa.

Taasi waxaa ay lasocotay guul kale oo ah kulankii Magaaladda Asmara ay isugu yimaadeen Hogamiyeyaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, iyagoo doonaya in ay Nabadda xajiyaan.

Kulanku waxaa uu muujinaayaa in xalka Soomaaliya uu nabad iyo salinooni u horseedayo gobolka. Hogaamiyeyaashu  waxay ku Heshiiyeen in laga tilaabsado Khilaafkii mudadda soo jiitamay.

Tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Anigu aan qabanay Xafiiska, Dowladdu waxay sameeysay horumar weyn oo dalka gudihiisa iyo Dibadaba ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladeena Axmed Ciise Cawad ayaa garwadeen ka ah wada hadaladda lagu dhameyneynayo muranka Xuduudda ee u dhexeeya Eritrea iyo Jabuuti, ayuu Qoray Ra’iisul wasaare khayre.

Wada xaajoodka Nabadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhigiisa Eritrea Cusmaan Saalax ayaa u mahadceliyay Dadaalka Soomaaliya.

Tobanaansano labadda wadan waxay ku muransanaayen Gobolka Dumeeyra, isku dayo dhowr ah oo la doonayay in cadaawadooda lagu dhameeyo ayaa khasaaray. 2010 kii Dowladda Qadar ayaa sameeysay Dadaalo bogadin mudan si nabadda loo adkeeyo.

Isbadaladii dhawaan dhacay waxaa ay qayb ka yihiin Tilaabooyin Dublamaasiyadeed oo Soomaaliya ay qaaday, ayuu Xasan Cali khaire ku sheegay Maqaalka uu ku qoray Daily Nation.

Laba Bilood ka hor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waxayna adkeyeen iskaashiga siyaadeed, sidoo kale waxay dhidibadda u adkeeyeen Xiriirka Labada Dal.

Wada hadaladii Asmara waxay dhigeen aasaas cusub oo Dublamaasiyadeed. Soomaaliya waxay si soo kordheysa u qadaneeysaa doorkeedii.

Waxaan Dadaal muhim ah galineeynaa in aan door muhiim ah ka ciyaarno Nabadda iyo Amaanka Dunidda, ayuu sidoo kale Qoray ra’iisul was are khayre.

Amaanka

“Soomaaliya waxay qabandoontaa Gudoonka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta taasi oo noo ogolaaneeysa in aan kulanka golaha ku marti galinno Muqdisho  2019, si aan Aduunka u ogeeysiino in aan ganacsi diyaa u nahay.

Dowladeednu waxay Dooneeysaa in ay la qabsato Dabeeysha Isbadalka ah ee Geeska Africa si ay u horumariso Amaanka caawimaadna uga geeysato in Xal loo helo mashaakilka Africa.

Intii aan Asmaro joognay waxaan muujinay jihadda aan u jeedineeyno Dublamaasiyadeena inagoo ah wadan nabdoon oo gobal xasiloon ku yaala”.

Agagixisadda

Dowladdeenu waxay ku dhawaaqday Cafis, kaasi oo lagu arkay in Hogaamiyeyaasha Argagixisadda ay nagu soo biireen si aan u dhisno Qaranka. Qurbo joogta ayaa maalgalin muhiim ah sameeyay.

Dowlad shaqayneeysa ayaan leenahay Waxaan mushaarka siinaa Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidankeena Amaanka si aan ugu dhiiri galinno in ay aad u shaqeeyaan.

Waxaan sidoo kale soo celinay xiriirkii Wanaagsanaa ee Dunida aan la lahayn. IMF-ta ayaa soo dhaweeynsay Isbadaladda kobcinta dhaqaalaheenna.

Rubacii hore ee 2018 Dowladdu waxay soo aruurisay dhaqli dhan $42.5 million, oo ah tii ugu badneyd. Waxaan ku joognaa wadadii deeynta nalookaga cafin lahaa.

Erey-ilaaleedka Dowladda waa islaxisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa.

Soomaaliya waxay joogtaa meel ay khayradkeeda uga faa’iideeyneyso Dadkeeda.

Sidaas ayuu u qorna maqaalka Ra’iisul wasaare khayre ku daabacay Daily Nation ee ku saabsanaa Xaladda Soomaaliya iyo Isbadaladda Geeska Africa ka hirgalay.

W/Q: Hassan Ali Kheire – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya

W/T: MOHAMED AHMED

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you