Thursday, January 22, 2026

Rwanda Transit & Faallo [Farriin ka timid Sheekh Maxamed Idiris]

-

Asxaabey haddaan soo koobo, Maxey Rwanda usoo kabatay, Soomaaliyana weli aaney usoo kaban..?, bal qodobadan ila eega, aan kasoo ururshey wax badan oo laga qoray dalkan:

1) Heshiis iyo Cafis:

Dadka reer Rwanda, Hutu iyo Tutsi, in kastoo 800 kun la xasuuqay, wexey ku heshiiyeen, in arrintaa laga gudbo, xanuunkeediina meela lagu xusuusto loo sameeyo, dadkuna is cafiyaan, dib u wada degaan, dalkana wadaagaan oo wada dhistaan, mustaqbal fiicanna ku hammiyaan. Waa mid aynaan weli samayn.

2) Maxkamad shacabka dhexdiisa ah in la sameeyey oo dadkii wax xasuuqay lagu maxkamadeeyey (ilaa 3000) oo nin xabsi lagu dhigay, innaguna weli abaal marin ayaynu siinaa, qabiilkana halyey buu u yahay!

3) Hogaan wanaagsan oo ku hamminaya dalkiisa iyo dadkiisa siduu horumar iyo isbedel wanaagsan u gaarsiin lahaa. Wasiir kasta waxaa loo asteeyaa mashaariicda laga rabo inuu fuliyo mudada 2 ama 3 sano ee uu jagada hayo, beero, wax barasho, cisbitaallo, haduusan kasoo bixinna waa xisaab adag.

4) Dadka muwaadiniinta iyo dawladda oo diyaar u wada noqda shaqo iyo hufnaan, 7am halka saac qofkaan xafiiskiisa joogin waa cayrin.

5) Musuq maasuqa oo si adag loola diriro, afrikana taasi wexey hirgeli kartaa oo keliya madaxa u sarreeyaa inuu musuqa isagu ka badbaado, sidaasna dawladda shaqaaleheeda lagaga badbaadsho haddiiba odagu ka tegey.

6) Maalgelinta dibadda ka timaadda oo waddada iyo nidaamka loo sahlo, taasoo keenta shaqo abuur iyo lacag adag.

7) Ku dayashada waddamada (Shabeellada Asia) ee ku guulaystey iney horumar dhaqaale iyo technoloji gaaraan sida (Korea, Malaysia, Taiwan, singapore,) iyaga oo cadaadis ka saaran yahay reer galbeedka, halka innagu aynu ku mashquulnay shirarka maaweelada iyo madadaalada, brussel, london, Rome etc.

Arrimahaas ayaa ka mid ah waxyaabaha laga faa’iidaysan karo, laakiin wexey dheceysaa keliya markii la helo (hogaan aan jeebab lahayn ama jawaanna tolan, ama jifidiisa wadan).

W/Q: Sheekh Maxamed Idiris

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you