Saturday, August 16, 2025

Saameyn intee la’eg ayay leedahay is-dhiibitaanka Sheekh Mukhtar Roobow?

-

Mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu caanka sanaa kooxaha hubeysan ee dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda ayaa laga dajiyey magaalada Muqdisho kadib markii uu dowladda isu soo dhiibey.

Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuur Mansuur ayaa laga soo duuliyey magaalada Xudur halkaasi oo isaga iyo ciidamo la socda ay soo magangaleen ciidamada dowladda kadib markii weeraro isdaba-joog ah ay ku qaadeen dagaalyahanada Alshabaab oo ka warheley wadahadalo la sheegey in ay u socdeen isaga iyo dowladda.

Waa kuma Roobow?

Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallameyso Soomaaliya.

Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii dagaal oogayasha Muqdisho.

Sheekh Mukhtar Robow
Sheekh Mukhtar Robow

Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.

Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka kooxdan, 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la’isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Laakiin waxaa loo arkay in Rooboow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, islamarkaasina ay ku jirtey waddaniyad sida la sheego.

Waxaa xitaa la sheegey in uu Rooboow ka qeybgalay shirkii Asmara ee la’isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqdey.

Roobow iyo Alshabaab

Khilaaf iyo madmadoow ayaa soo kala dhexgalay Abuu Mansuur iyo hoggaanka kale ee Alshabaab, waxaana la sheegey in go’aamo badan uu kaga horjeedsaday amiirkii Alshabaab ee dhintey Abuu Zubeyr.

Abuu Mansuur waxa uu waligiisba haystay ciidamo u daacad ah oo beeshiisa u badan , isku gobolna ay kasoo jeedaan, kuwaasi oo isaga daacad u ahaa.

Iyada oo ay xaaladda sidaasi tahay ayuu ururka kasii mid ahaa, kana qeybgali jirey dagaalada iyo weerarada ay qaadaan, balse markii lasoo gaaray sanadkii 2013-kii ayay si toos ah isugu dhaceen Rooboow iyo hoggaankii sare ee Alshabaab.

Waxaa dhacday in Rooboow uu ciidamadiisa oo boqolaal ahaa dhinac ula goysto , kadibna galay dhulka miyiga ah ee Bay iyo Bakool, halkaasi oo uu kasoo jeedo, islamarkaasina si fiican u kala yaqaano deegaan ahaan iyo dad ahaanba.

Sheekh Xasan Daahir AweysSheekh Xasan Daahir Aweys

Inkasta oo Alshabaab ay weerartay, qaarna dishey dhammaan hoggaamiyeyaashii ay kala aragti duwanaadeen sida Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afghan), Abuu Mansuur Al-Amriiki oo labaduba la diley iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo naftiisa la baxsaday, ayaysan jirin weerar rasmi ah oo lagu qaaday Rooboow, sababta ay dooniba ha lahaatee.

Cunaqabataynta Mareykanka

Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii 2012-kii Rooboow ku dartay liiska dadka aadka loo doondoonayo, waxaana madixiisa la saaray abaalmarin dhan $5 milyan oo doolar oo la siinayo qofkii nolol iyo geeri ku keena ama bixiya xog horseedi karta in lasoo xiro.

Balse bishii lasoo dhaafay ayaa laga qaaday cunaqabatayntaasi, lammana bixinin wax faahfaahin ah sababta looga qaaday, balse waxaa la sheegey in arrintan ay ka dhalatay wadahadalo lala galay Rooboow, ayna shuruud u ahayd in uu dowladda kusoo biiro, kana laabto moowqifkiisii hore.

Maalmo kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan cunaqabataynta Maraykanka ee laga qaaday, dagaalyahanada Alshabaab waxa ay bilaabeen abaabul dagaal oo ka dhan ah Rooboow, waxaana dhacay dhawr dagaal oo qaarkood qasaare uu ka dhashay.

Markii dambe dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo u dirtey meelihii uu joogay Abuu Mansuur Rooboow, gacana ka siiyay in uu iska caabiyo Alshabaab.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Mudane Cabdirishiid ayaa u safray magaalada Xuduru ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay yimaadeen Abuu Mansuur iyo Ciidamadiisa.

Rooboow waxaa loosoo duuliyey magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu wadahadalo kula leeyahay madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka, waxaana maalmaha soo socda la ogaan doonaa sida laga yeelayo aayihiisa.

Maxay oga dhigantahay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab?

Isa soo dhiibitaanka Abuu Mansuur Rooboow waa guul weyn oo usoo hoyatay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana jab weyn oo oo gaaray Alshabaab.

Waxa uu ka mid noqonayaa hoggaamiyeyaashii muhiimka ahaa ee Alshabaab ee ama la diley, isa soo dhiibey ama la hayo laga soo bilaabi hogaamiyihii koowaad Aadan Xaashi Cayroow, waxaana aad u yar shaqsiyaadka muhiimka ah ee la sheegi karo ee hadda ku haray Alshabaab marka laga reebo amiirka hadda u taliya.

Laakiin ciddina kuma doodi karto in Alshabaab ay baaba’day, wali wax aka tirsan kumanaan dhalinyaro dagaalyahano ah, waxayna awood u leeyihiin in ay qaraxyo iyo waliba weeraro ka geystaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Waxa ay wali haystaan gobolka Jubbada Dhexe oo dhan iyo degmooyin dhawr oo ka tirsan Jubbada Hoose, Gobolada Dhexe iyo meelo kale oo dalka ka tirsan.

Balse awoodooda sii wiiqmaysa iyo dadaalka ay dowladda ku jirto ee ay ciidamada ku dhiseyso ayaa muujin kara in hadda loosoo dhowaaday dhammaadka jiritaanka Alshabaab.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you