Sunday, January 11, 2026

Saameynta Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiyada Cusub ee Ururka ONLF [Qormo Xasaasi ah]

-

Jabhada Xoreynta Gobalka Ogaden ee ONLF ayaa dadaal ugu jirta sidii ay kaalin hormuud uga qaadan lahayd isbedellada cusub ee ka socda dalka Ethiopia kadib markii laga qaaday Sumadii Arga-gaxisada lana sii daayay Maxaabiistii ku xirneed magaca ONLF, lagana dalbay in ay hubka dhigaan kana qeyb-qaataan Siyaasada cusub ee Ethiopia.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Su’aalahaan:

1. ONLF Siyaasada ma ku matali-doontaa Magaca Somaaliya iyo Halgankii dheeraa ee soo dhex maray Somaaliya iyo Ethiopia! Mise waxa ay ku matali-doonaan Gobal gaar ah iyo Beel gaar ah?

2. Magaca ONLF oo beddelay Jabhadii Xoreynta Somaali Galbeed WSLF Siyaasada ma ku matali-doonan dhamaan Beelaha wada dega Gobalka Somaali Galbeed?

3. ONLF maxey kaga duwantahay Jabhaddii SNM ee ku bilaabatay Wadaniyad iyo Somaalinimo kuna dhamaatay Gobalaysi iyo Beelaysi 1991?.

4. Mirihii halgankii Taariikhda dheer socday ma ku dhamaanayaa jagooyin la siiyo Madaxda ONLF mise waa sii soconayaa?

5. Kaalintee ayey ka qaadan-doontaa ONLF xiriirka dawladda Somaaliya iyo Ethiopia kaalin Posative ah mise mid Negative ah?.

6. ONLF ma gudi-doontaa abaalkii Somaaliya u gashay mise waxa ay ka mid noqon-doontaa Siyaasada Ethiopia ee ku aadan Somaaliya?

7. Qalbi-dhagax oo helay taageerada Somaali badan ahna Muwaadin labada dal ee Somaaliya iyo Ethiopia kee baa kaw u ah? Waxna ma ka bedeli-doonaa xiriirka labada dal? Mise waxa uu la safan-doonaa Ethiopia kaliya?

Waxaan wada ognahay markii la sii daayey Qalbi-dhagax ONLF waxa ay Libinta sii daynta siisay Ethiopia mana xusin dadaalkii iyo qayla-dhaantii dadka Somaaliyeed iyo Barlamaanka labada Aqal! Bedel-keedana waxa ay eed u jeediyeen dawladda Somaaliya! Halka Qalbi-dhagax iyo dadkii Somaaliyeed ee soo dhaweeyay ay aad u amaaneen una bogaadiyeen RW Abiy Ahmed iyo Beeshiisa Oromada! Halka ay ka eedeeyeen Booqashadiisii uu Muqdisho tegay iyo Is fahamkii labada dawladood!

Hadaba waxaa suurta gal ah in ONLF bedesho maamulkii ka haray Tegreega ee Gobalka Somaalida Zoonka 5 aad! Waxaana dhici kara in Madaxweyne Cabdi M. Cumar lagu bedelo Mujaahid Qalbi-dhagax ama Admiral Maxamed Cumar Cusmaan kadibna ay noqdaan buundada isku xirta Somaaliya iyo Ethiopia ee Somaaliya maxay ka filan kartaa????.

W/Q: Maxamed Nuur Gacal,
Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha dibadda Somalia

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you