Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan odayaal nabadoono ah oo maanta lagu dilay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta ku heybta ah Odayaasha ayaa sheegay inay dilkooda ka danbeysay kooxda Alshabaab, isla markaana uu xiriir la leeyahay degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo ay diideen, kana hortageen in Alshabaab loo gacan geliyo.
Odaayaaasha waxaa dabley hubeysan ku dishay goobahooda ganacsi oo ay ku lahaayeen suuqa weyn ee Bakaaraha, waxayna kala ahaayen: Suldaan Axmed Suldaan Muxumed Aadan & Sheekh Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar.
Wasiir ku xigeenka howlaha guud C/naasir Xuseen Geedi ayaa sheegay in Alshabaab ay labada oday u dileen arrimo la xiriirka degaanka Bacaadweyne. “Waxay daba socotaa inay odayaashaani ka mid ahaayeen odayaashii diidanaa in degaanka Badaacaweyne isu dhiibo Alshabaab, si adag ayey uga hor yimaadeen inay la wreegaan Alshabaab..” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka oo hay’adaha Amniga ugu baaqay in la soo qabto kuwii falkaasi ka danbeeyay.
Wuxuu intaas ku daray inay hanjabadyo badan kala kulmeen Alshabaab, cadaadisna ku saarayeen arrinta Bacaadweyne, marna ay ka kaxeeyeen Muqdisho oo ay geeyeen degmada Xarardheere.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna tacsi u diray ehelada odayaashii maanta lagu dilay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
