Friday, April 19, 2024

Saddex tallaabo oo looga badbaadi karo Inqilaabka Farmaajo (Akhriso: Qormada C/raxmaan C/shakuur)

-

- Advertisement -

Farmaajo ciidankii 10-kii sano ee la soo dhaafay loo diyaarinayey in uu AMISOM masuuliyadda amniga dalka kala wareego, hubkii iyo agabkii loogu tala galay in argagaxesida la isaga dhiciyo ayuu maalin cad, madaxdii dalka iyo Dowlad Goboleedyada kula duulay.

Wuxuu doonayaa waa doorasho uu ciidankaas ku dhaco, haddii aan la yeelinna labo sano uu Mursal ula diyaar yahay, ciddii diiddana ay tahay cadaw qaran, cagtana la marinayo. Seddax tilaabo ayaa inqilaabkaas ka hor istaagi karta:

1- In ragga xilalka haya, gaar ahaan kuwa isaga la jira, gacanta qabtaan, dalkana badbaadiyaan.

2- In ajnabiga uu dhabarkooda ku dangiigo ka diidaan.

- Advertisement -

3- In labadaasba dhici waydo; oo halka dagaal ee u dhimman uu ku quus qaato oo isaga iyo intii markii horaba u diiddaneyd foodda is daraan.

Seddaxdaas tallaabo siday u kala horeeyaan ayey u kala dhib yaryihiin, una kala sumcad fiican yihiin.Farmaajo wuxuu aaminay in borobagaandada CBB, ciidanka uu cid walba kula duulayo iyo lacagta uu ku iibsanayo taageerada dadka qaarkii in uu dalkoo idil ku qabsan karo.

Waa halis dalkeena soo food saartay oo u baahan in aan iska badbaadinteeda wajahno.

W/Q: C/raxmaan C/Sharkuur Warsame
Hoggaamiyaha Xsibiga Wadajir & Musharax madaxweyne

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyihii Ciidamada Cirka Kenya iyo Saraakiil Sare oo ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Taliyihii ciidmada Cirka dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday kadib markii ay burburtay Diyaarad Helikobatar ah oo uu saarnaa gudaha Kenya.Madaxweynaha dalka...

Ciidamada Amniga Dowladda Somaliya oo xiray Weriye caan ka ah Baraha Bulshada

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Weriye ka mida kuwa baraha bulshada oo si weyn uga hadla xaaladda ciidamada dowladda iyo dhibaatooyinka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir ugu yeeray Siciid Deni iyo madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada, kadib casuumaad qoraal ah oo uu u kala diray.Madaxweynaha ayaa casuumaadda kulanka...

Askari laba Qof ku dilay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin laga helay Sababta

Nin hubeysan oo la sheegay inuu ka mid yahay askarta dowladda, isla markaana ku lebisnaa Dareyska ciidamada ayaa maanta xaalad ka tirsan degmada Dayniile...

Dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Amxaarada iyo kuwa Tigreega ee dalka Itoobiya

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in inuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada kala taabacsan maamullada Amxaaradda iyo Tigreega.Dagaalka maleeshiyooyinka Amxaarada iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Askarigii lagu arko inuu Balwad leeyahay waa iska tegayaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud, isgoo la dardaarmay ciidamo dagaalka...

Xeer ilaalinta oo Baaris ku bilowday Akoono lagu furtay Magaca ururka Saxafiyiinta SJS

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa shegeya inuu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey maanta warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirta oo ku sabasn...

XOGAHA QARSOON

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya...

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa...

XOG: Khilaaf ka dhashay Nuqulka ugu danbeeya ee la ansixinayo 4-ta cutub Dastuurka Cusub

Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee la filayay in maanta lagu ansixiyo 4 cusub oo ka mida Dastuurka KMG ah ayaa dib...

Tegista Farmajo ee Garowe iyo Isbaheysiga cusub ee Mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka bedelak Dastuurka ayaa waxaa soo baxaya dadaaladii ugu danbeeyay ee dhinacyada iska horjeeda.Madaxweynihii hore Maxamed...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you