Sunday, August 24, 2025

Safarka Farmaajo ee Imaaraadka: Rajada laga leeyahay iyo walaac soo wajahay Siyaasiyiinta mashaariicda qaatay

-

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu  u dhoofo dalka Imaaraadka Carabta.

Haddaba arrintaas ayaa walaac ku abuurtay kooxo iyo Shakhsiyaad badan oo mashaariic kasoo qaatay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana warbixintaan ku eegi doonaa Safarka Madaxweynaha, Waxyaabaha looga hadli doono, natiijada laga filan karo   iyo Saameynta ay kooxaha dowladda ku kacsan ku yeelan doonto safarkaan.

Safarka Madaxweyne Farmaajo iyo ujeedkiisa:

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maalinta Axadda ka dhoofo magaalada Muqdisho, isaga oo Isniinta si rasmi ah ula kulmi doono Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in casuumadda Imaaraadka Carabta ay astaan u tahay isku soo dhowaansho dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Si kastaba, mowqifka dowladda Soomaaliya ayaa ku saleysnaa siyaasad ku dhisan ilaalinta madax banaanida Soomaaliya, iyo in dowladda Soomaaliya aysan abuuran cadaawadda dalal kale, xilli cadaadis siyaasadeed uu markii horeba ka haystay gudaha dalka iyo gobolka.

Wixii markaa ka dambeeyey, madaxweyne Farmaajo ayaa hab diblomaasiyeed ugu guuleystay inuu dowladaha Masar iyo Sacuudiga ka dhaadhiciyo in danta Soomaaliya ay ku jirto in xilligan aysan dhinac ka raacin dalalka carbeed ah ee is-haya, waxaana taas caddeyn u ahaa markii Sacuudiga ay dowladda ugu deeqeen 50 milyan oo dollar, ayaga oo garowsaday in mowqifka ay qaadatay uu ahaa mid lagama maarmaan ah.

Warar ku dhow Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in markooda ay garwosadeen in mowqifkii dowladda ay qaadatay uu danteeda ku jiray, ayna hadda diyaar u tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato, islamarkaana taageerto.

Yaa codsado Safarka Farmaajo ee Imaaraadka?

Xogta la helay h oo ku saabsan cidda dalbatay kulanka deg deg ah oo ay yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan, waxaana naloo xaqiijiyey inuu Casuumaadaas lahaa Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu booqasho ku imaado dalka Imaaraadka Carabta si looga heshiiyo waxyaabihii la isku heystay, gaar ahaan in dowladda Soomaaliya loo dhaafo go’aanka dhex dhexaadka ah oo ay ka qaadatay Khilaafka Dowladaha Walaalaha ah ee Khaliijka.

Maxaa ku qasbay Mohammed bin Zayed Al Nahyan inuu Casuumadaan u fidiyo Farmaajo?

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Magaalada Muqdisho isugu keentay dhammaan madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya oo ka hor imaaday mowqifkii dowladda ee Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Sida aan xogta rasmiga ah ku helnay dowladda Soomaaliya ayaa madaxda maamul Goboleedyada ku qancisay inay dowladda Soomaaliya kaga dambeeyaan go’aanada Arrimaha Debadda maadaama uu sidaas Dastuurka qabo.

Inkastoo aan War Saxaafadeedkii kasoo baxay Shirkii Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ee Muqdisho lagu sheegin go’aanka laga qaatay Khilaafka dowladaha Khaliijka, haddana waxaa muuqato inay arrintaas ku guuleystay dowladda Soomaaliya maadaama aysan go’aankeedii ka noqon, waxayna arrintaas caddeyn u tahay in Maamul Goboleedyada lagu qanciyey inay dowladda kaga dambeeyaan Arrimaha Debadda.

Markii ay sidaas dhacday, dowladda Imaaraadka Caranta ayaa dareentay culeys weyn, waxayna go’aan ku gaartay inay heshiis la gaarto dowladda dhexe, maadaama ay tahay awoodda kaliya ee leh go’aanada Arrimaha Debadda.

Rajada laga leeyahay Kulanka Farmaajo iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan

Kulankaan oo ah mid xasaasi ah ayaa la filayaa inay labada dowladood isku raacaan inay Muqaddas tahay madax banaanida Soomaaliya isla markaasna dowladda Soomaaliya loo daayo go’aankeeda ku aadan Khilaafka Dowladaha Khaliijka sida ay sameeyeen Dowladaha Sacuudiga iyo Masar oo xiriir fiican la leh dowladda Soomaaliya iyadoo og inay dhex dhexaad ka tahay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Illo wareedyo rasmi ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay jirto rajo weyn oo laga leeyahay inay labada dowladood heshisi rasmi ah gaaraan, isla markaasna ay Imaraadka Joojiso Mashaariicda ay siineyso kooxaha dowladda dhibaatada ku hayo ee Muqdisho ku sugan.

Saameynta Safarka Farmaajo ee Kooxaha Mucaaradka:

Waxaa jiro Walaac weyn oo usoo horday kooxaha ku kacsan dowladda Soomaaliya ee mashaariicda kasoo qaatay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ugu horreeyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho ka wado olole aad u weyn oo dowladda Soomaaliya looga soo horjeedo.

Waxay  u muuqataa in Safarka madaxweyne Farmaajo uu soo xiri doono  Suuqii ugu dambeeyay ee kooxda Muqdisho looga yaqaan Danleey, maadaama uu Imaaraadku ahaa wadanka kaliya ee arrintaas ku garab siinayey.

Kooxdan oo horey lacago uga heli jirtay Dowladda UAE ayaa ka welwelsan heshiis laga gaari mugdiga ku kala dhex jira dowladaha Soomaaliya iyo UAE.

Kooxdan oo dooneysa in ay dadaal dheeri ah ku bixiso sidii loo tuuri Ra’isulwasaare Khayre si ay u helaan xilal wasiir ayaa u arka Safarka Madaxweynaha mid halis ku ah mashruucooda.

Kooxaha Mucaaradka oo Bilaabay Olole ay ku carqaladeenayaan Safarka Farmaajo:

Kooxda Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee cabsida ka qabta in maalmaha soo socdo lasoo xiro mashruucii Imaaraadka Carabta ee lagu dhibaateenayey dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ka bilaabay olole cusub oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Safarka Farmaajo ama looga bixiyo muuqaal qaldan.

Xogta aan Muqdisho ka heleyno ayaa muujineysa inuu Cabdiraxmaan Cabshakuu Muqdisho ka bilaabay qorista dhallinyaro gaareyso ilaa 50, kuwaas oo la doonayo inay barahooda Bulshada ku faafinayaan in Safarka Imaaraadka Carabta uu yahay mid uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sheegi doono inuu Farmaajo halkaas u tagayo sidii uu isaga soo sir siri lahaa dowladda Imaaraadka Carabta.

Mashruucaan ayaa waxaa 20 Kun oo Dollar ku bixinayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo doonayo inuusan soo xirmin mashruuca Imaaraadka Carabta ee ah in la carqaladeeyo geedi socodka dowladda Soomaaliya oo aan jirin hal sano.

Miisaaniyad dhan $20 kun ayaa loo qoondeeyay, waxaana maamuli doona horjooge loo asteeyay inuu hawsha  Fududeeyo, waxaana xusid mudan inay kamid yihiin Shaqaale ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo garab siinayo kooxaha Mucaaradka ah.

W/Q: Cabdi Axmed Xuseen

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you