Monday, September 1, 2025

Safarka Farmaajo oo muujiyey in Soomaaliya ka maarmi karto ciidammada ajaaniibta ah? [Warbixin]

-

adaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira safar uu ku marayo qeybo ka mid ah dalka, wuxuuna la kulmayaan soo dhoweyn ballaaran.

Waxaa la filayaa in uu maanta goobjoog ka noqdo dhaqangalka heshiiskii ay wada saxiixdeen maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaaca. Hadaba madaxweyne Farmaajo waxaa amnigiisa sugaya ciidammo Soomaali ah. Waa markii ugu horeysay tan iyo markuu bilowday dagaalka Al-Shabaab.

Amniga madaxweynaha

“Sida heerka sare ah ee loo xoojiyay ammaanka Madaxweynaha Soomaaliya ee socdaalka ku maraya goblada dalka, tusaale ma u tahay in dalka uu ka maarmayo ciidammo shisheeye?”ayuu is weydiiyay Xasan Xayle oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha wuxuu ka bilowday Garowe halkaas oo ay ku ilaalinayeen ciidammo ka raacay Muqdisho iyo kuwa maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo ku dhexjira dad shacab ah oo ku soo dhoweeyay Gaalkacyo.

Meelaha qaar waxaa la arkayay madaxweynaha oo ku dhexjira dad shacab ah oo ay ka muuqato kalsooni aad u badan.

Xasan Xayle wuxuu yiri: “Waxaa aad u muuqatay, ka sokow soo dhaweenta diiran, sida ay ciidamada ammaanka ee Jooga magaalooyinka uu booqday Madaxweynuhu u hubeysanyihiin una abaabulanyihiin ee ay u ilaalinayaan nabadgelyada iyagoo si aad ah u xajinaya ammaanka Madaxweynahay iyo martida la socota”.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo ku safray dhulka laga billaabo Garowe illaa Boosaaso iyadoo ay ilaalinayeen ciidammo Soomaali ah. Meelaha qaar ee uu ku safray waxaa ku yaalla buuro waxaana mararka qaar ku dhuunto mintidiinta Al-Shabaab.

Balse waxaa goobaha qaar ku sugnaa ciidammo Soomaali ah oo aad u hubeysan oo saaran buuraha dushooda kuwaas oo sugaya amniga muddadii uu madaxweynaha ku jiray safarka dhanka dhulka ah.

Ka dib wuxuu u gudbay dhanka Gaalkacyo illaa cadaado, wuxuuna u sii tallaabay magaalada Dhuusamareeb.

Ma jirtaa meelo aan looga maarmin ciidammada ajaaniibta ah?

Intii madaxweynaha uu ku jiray safarkiisa dhulka lama arag ciidammo shisheeye, inkastoo dadka dhalleeceeya ay ku doodayaan in ay ajaaniibta si qarsoon u ilaalinayaan madaxweynaha.

Balse xasan Xayle ayaa qabo aragti ah in ciidammada Soomaaliya ay ku filan yihiin sugidda amniga madaxweynaha iyo guud ahaan dalka.

“Arrintan waxay dhalisay su’aasha ah: Soomaaliya ma waxay xagga ammaanka ku dhawaatay in ay ka maaranto joogitaanka ciidamada shisheeye”, ayuu yiri.

Ciidammada sida rasmiga loo og yahay ee Soomaaliya ka howlgala waa kuwa AMISOM oo hadda isu diyaarinaya in ay ka baxaan Soomaaliya.

Balse waxaa la sheegayaa in ay joogaan ciidammo kale oo ka kala socda Mareykanka, Britain, Turkiga iyo dalal kale.

“Si kastaba, waxay ila tahay in aan weli la gaarin waqtigii ay noqon laheyd in laga wada kaaftoomo gacanta dhinaca ammaanka ee laga helo Beesha Caalamka, gaar ahaan ciidammada AMISOM”, ayuu ku taliyay Xasan Xayle oo ka faalloodo arrimaha Soomaaliya.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you