SAFARKAYGII 1000 KM:  Waxaan soo arkay wax ka badan wixii aan filaayay..!

0

Soomaaliya waxaa hadda ka jira dhibaatooyin fara badan oo ay ugu daran tahay abaarta,  si aan ugu kuur galo  saamaynta ay abaartu  ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool Bariga Gobolka Mudug  ayaa Gaalkacyo oo aan diyaarad ku tegey  kadib waxaan safarkayga ka bilaabay anigoo dhulka maraya Deegaanka CARFUUDA oo 20 KM u jirta Gaalkacyo.

Kala bar in ka badan dadkii halkaasi ku noolaa waxay u bara kaceen deegaanka XAAR-XAAR  halkaasi oo xarun u ah  dadkii ka  barakacay dagaaladii  Gaalkacyo.  dhibaatadu halkaasi  ka jirta  ma yarayn  waxaad ka garan kartaa Fuustada Biyaha la cabo waxaa  la kala  siistaa 160.000 Sh. So. oo u dhiganta 5$,  ma laha  xarun caafimaadka ama MCH, waxbarasho ma leh  wax horumarna haba sheegin.

Intaasi kadib waxaan tagay deegaanada BAJEELA, AF-GUDUUDLE, XAARO, LAASO CAYR, CEEL DIBIR,  XERO DHAGAXLAY, WISIL,  JIRAY, BIYAMAAL,  CADAAD LOW LOW, HOBYO, LEBED,  BUD BUD, XIIN GOD, anigoo sii maray  DOCOL, WAR GALO iyo GAWAAN, markii dambana soo maray BANDAR QAALI, BITAALE iyo QAR QOORO DHEER.

Meelahaasi waxaa ka jira  dhibaatooyin ay ugu daran tahay abaarta, muddo labo sano ah  wax roob ah kuma hoorin degaanadaasi, xoolihii  kala bar waa le’deen,  nolosha dadkuna waa mid aan la sheegi karin, dhulku waa geed gaab  mana jiro geed cagaaran  oo ay daaqaan hanbada xoolaha ka hartay, haddii la iibsan lahaa xoolaha beec  ma leh, kuwo irmaana  maba jiraan, haddii ay jiraanna waa fara ku tiris, shaaha la cabo Caano Booro ayaa lagu Caddaystaa Beled & Baadiyaba,  waxaa la siiyaa caruurta Caano Booro.

Si kastaba  waan ogaa in dhulka abaari ka jirto laakiinse waxaan soo arkay in ka badan waxaan filayay sababtoo ah  waxaan arkay dad waashay  markii duunyadii dhaaftay, waxaan arkay Ari Geella ka adkaysi badan, waxaan arkay nin haysta afar tiro  oo Ari ah  (Afar Boqol) oo shaaha caano boore  ku caddaysanaya, waxaan arkay Ari  ceelkii  u muuqdo  oo booyad biyo loogu dhaaminayo, waxaan arkay Geel Mesego loo la karinayo, waxaan arkay lo’ baakaddo lagu quudinayo, waxaan arkay baraago qarxay markii  ay dhibic roob ah waayeen, waxaan arkay dugsiyo Qu’aan  oo  laga hayaamay iyo caruur  iyo waayeel nafaqo daro la il daran.

 BIYAHA

Dhibaatada ugu daran  ee deegaanadaasi ka  jirta  waa biya la’aan saamaysay dadka iyo duunyada intaba, biyaha waxaa loo yaqaan  labo nuuc  oo loo kala bixiyay  BIYO SOOLAR &  BIYO XAREED, Biyo Soolarka  ah waxaa looga jeedaa biyaha qaraar, kuwa macaana waa xareed, kuwa xareeda ah waxaa loo gadaa sida biyaha sifaysan ee magaalooyinka lagu iibiyo ee loo yaqaano (MOOYA SIXIDA ama DUR-DUR).

Inta badan deegaanada aan tagay  ma jiraan Matooro Biyaha soo saara, waxaana Ceelasha lagu cabaa WADAAN  sida degaanada BAJEELA, XAARO,  LAASO CAYR, CEEL DIBIR,  AF-GUDUUDLE, XERO DHAGAXLAY, LEBED,  BUD BUD,  BANDAR QAALI, BITAALE, iyo QAR QOORO DHEER,  biyuhu waa qaraar oo aan  nafta loo quuri karin waxaana ku dhiban dadka nugulka ah sida caruurta haweenka iyo waayeelka, waxaa jira kuwo aan lahaynba wax ceelal ah sida deegaanada  JIRAY, BIYAMAA, CARFUUDA, LAASO CADALE   iyo CADAAD LOW LOW. Balse waxay lahaayeen BARAAGO waana qarxeen markii ay  waayeen dhibicda roobka  goobta ugu dhow ee deegaanadaasi  biyo ka heli karaan  waa 15 KM.

Biyo xumadaasi waxay aafaysay noolaha oo dhan.  Qiimaha biyaha  ayaa ahaa kuwo kala duwan  oo Booyadii biyo ah   inta ka sokaysa  HOBYO waxaa la kala siistaa  150$ inta ka shishaysana  ee u dhaxaysa BUD BUD iyo CEEL DIBIR waa 400$ waana la daymiyaa  dadka  oo waxaa lagu xujeeyaa  in deyn bixiyaha kaliya laga iibin karo xoolahaasi markii  la roobsado,   in lacagtaasi  la helo  waa adag  tahay. Dadkana inta badan waa wada qaamaysan yihiin.

WADDOOYINKA

Dhibaato kale waxay ahayd wado la’aan  ay ka sinaayeen deegaanadii aan booqday  meel kasta waxaa ku yaala waxa loo yaqaan RASTO Ameerikaan   bacaad duugay ama Dhagax Goglan oo laba baabuur isku dhaafi Karin. Tusaalle fiican oo aan la kulmay haddii aad Booyad Biyo ah dalbato  si aad xoolahaaga ugu waraabsato,  waxaad ku qasban tahay  inaad hagaajiso wadada ay Biyahaasi soo marayaan,  dhinaca kale haddii ay dhacdo in  la soo  gurmado ma laha wado la maro  si dadka loo bad baadiyo,  waxaase yididiilo leh wado Jaay ah oo laga bilaabay WISIL oo  hadda maraysa GAWAAN  lana doonayo in HOBYO la gaarsiiyo.

CAAFIMAADKA

Deegaanada  leh Rugaha Caafimaad sida MCH waxaa fara ku tiris waxaana ka mid ah WISIL, HOBYO, BUD BUD, iyo XERO DHAGAXLEY, waxaa jira kuwo leh Rugo Caafimaad oo haddana aan shaqayn iyadoo laga cabanayo daawo la’aan/

Image may contain: outdoor and nature

Image may contain: outdoor

Image may contain: one or more people, outdoor and nature

Image may contain: outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 1 person, sky, outdoor and nature

Image may contain: sky, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, beach and outdoor

Image may contain: one or more people, child, sky, outdoor and nature

W/Q: WARIYE CABDI NAASIR XIRSI IIDLE