Sunday, February 15, 2026

Safarkii Jawaabta: Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Dhexe [H/Gidir]

-

Intii uusan bilaaban socdaalkiisa horaantii bishaan, dad badan ayaa aaminsanaa inuusan fiicneyn cilaaqaadka madaxweyne Farmaajo iyo beesha dhexe taas oo 50% xubnaha Dowladda dhexe ku matala ay mucaarad dheereya noqdeen, bilihii lasoo dhaafay waxaa dhacay qaladaad u muuqday kuwa aan lagu tallo galin iyo kuwo lasii qorsheeyay oo ay wax ku noqdeen dad beeshaa u dhashay.

Farmaajo ka hor, ma jirin xili ay beesha dhexe dhib la’aan aheyd, Dowladd kasta oo timid Villa Somalia qaladaad ayaa ka dhacay kaa oo ay shacab iyo saraakiil wax ku noqdeen, Soomaalidda oo dhan ayuu dhibkaa gaari jiray oo ay beesha dhexe ka mid tahay.

Waxaa ugub aheyd in mucaaradku ay faa’iido ka raadiyeen kicin dadweyne iyagoo dariiq beeleed u maraya, Farmaajo wuxuu la kulmayay cadaadis warbaahineed oo siyaasiyiinta beesha dhexe kaga imaanayay , waxaa loo arkayay inuu duulaan beeleed waddo laakiin marnaba isaggu taa kama hadal.

Safarkiisa oo dhowr nuuc loo dhigi karo ayaa u muuqday inuu jawaab u ahaa inuusan cidna duulaan ku aheyn, in Dowladdu ay qaldami karto laakiin aaney isku raaci karin in qollo gaara albaabadda laga xirto, in ahmiyadiisu ay tahay inuu dadkoo dhan hantiyo, iney siyaasiyiin is hayaan balse ay shacabku rabaan isagga, inuu u muujiyay siyaasiyiinta beesha dhexe in matalaadoodu ay halis ku jirto hadii aysan is badal la imaanin iyo inuu soo ogaaddo waxa ay rabitaankii loo qabay u dhibtay mucaaradadii ku socotay bilihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu helay jawaab, beesha dhexe waxey heshay jawaab, siyaasiyiinta beesha dhexe ku mataladda dowladda federaalka ah iyaguna waxey heleen jawaab.

Farmaajo wuxuu ogaaday in beesha dhexe ay shacab ahaan xagiisa jirto, iney beeshu fahamsan tahay in qaladaadka dhacay aannu bartilmaameed aheyn, iney dowladinimadda u heelan yihiin iyo iney been ahaayeen wararkii laggu harqin jiray ee ahaa “beeshoo dhan waa kugu mucaarad”.

Shacabka beesha dhexe waxaa ay ogaadeen inuu madaxweyne Farmaajo raadinaayo midnimadooda, in aan la helin xili wax badan lagu qiimeyn karo iyo iney jiraan dad raadinaya iney beesha suurad xumeeyaan ayna muhiim tahay iney taa beeniyaan.

Siyaasiyiinta beesha dhexe waxey ogaadeen iney u baahan yihiin in mucaaradnimadooda ay xeelad u badalaan , iney ka tagaan kicinta beesha iyo ineysan gacanta ku heynin shacab ay ku gor gortamaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda socdaalkiisa ku joogo Dhuusamareeb waxaana sidoo kale la filaya inuu booqdo Caabudwaaq.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you