Friday, July 18, 2025

Safiir ku xigeenka cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo jawaab kulul soo diray [Akhriso]

-

Safiir ku xigeenka cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee magaalad Nairobi ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay dood qabsatay baraha bulshada oo ku saabsan xilka loo magacaabay.

C/raxmaan Aadan Maxamed {Kampala) ayaa uga mahad celiyay madaxweyne Farmaajo xilka uu u magacaabay, wuxuuna digniin u diray dad uu sheegay inay qaran-dumisnimo iyo shilimaad la siiy u mucaaradeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO DHIGAY FB


Bismillaah

Marka hore waxaan kumahadinayaa Allah (SWC) marka xigtana waxaan mahad gaar ah udirayaa Madaxweynaha JFS Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo garashada iyo fursada uu iisiiyay inaan markale u adeego Umadda Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale mahad aan lasoo koobi karin udirayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed oo ii muujiyay kalsoonida ay nafteyda kuqab
aan iyadoo baraha bulshada kuwada xiriirto laga dareemay telephone, email iyo qaabab kaloo badanna igu soo gaarsiiyay dareenkooda taas oo dhiiri galin hor leh nafteyda kasii heshay, waxaan sidoo kale u mahad celinaayaa walaalaha dhaliishooda wax sixidda aheyd oo muujineysa inuusan qof dhameystiran bacda Nabiyullahi (SCW) uusan jirin kuwa dhaliishoodu qaran dumis iyo wax ii ogoloow ku dhisan tahayna waxaan leeyahay walaalaheygiyoow dariiqa aad qaadeen ma qurux badna gadaalna wuu ka xiran yahay hadaad maanta adiga wax ku dheefto oo shilimaad kaasoo galaan bal qiyaas caruurtaada sumcad darrida aad berito usoo jiideysid iyagoo weji gabax aad magacooda usoo jiiday kala kulmi doona kuwa ay isku heerka yihiin ee iskuulada wada dhiganayaan.

Allahuma Balaqtu.

Mahadsanidiin Walaalayaaal.


 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you