Friday, June 27, 2025

SANAD KADIB: Is-casilaadii Guddoomiye Jawaari maxaa iska bedelay Shaqadii Golaha Shacabka.?

-

Sagaalkii bishii April ee sanadkii hore ayey aheyd markii uu iscasilaadiisa ku dhawaaqay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo garab taagan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Iscasilaadiisa markii uu ku dhawaaqay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari laba maalin kadib waxa uu istiqaalada uu ku wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, iyadoo ay madasha fadhiyaan baarlamaanka Soomaaliya.

Iscasilaadii Jawaari waxay caafimaad u aheyd in la soo gaba gabeeyo Khilaaf kii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa ee uu dalka galo tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, sidoo kale waxay baajisay cabsi badan oo dhanka amaanka ah oo la aaminsanaa in ay ka dhalan karto dhibaatadii taagneed.

Markii uu khudbadda ka jeediyay fadhiga Golaha Shacabka Prof Jawaari waxayaabihii uu sheegay ee diiwaanka galay waxaa kamid ahaa “looma socdo Jawaari ee waxaa loo socdaa in la curyaamiyo baarlamaanka” iyo sidoo kale “ “go’aankaan aan qaatay waxaa ka fahmi kartaan sida qisadii Xukunka Nabadi Daa’uud CSWS ee uu ugu kala gar noqoy labadii Haween ee isku qabsaday dhalaanka ee markii dambe la yiri waa la idin kala goynayaa kadibna ay ka taasushay Hooyadii dhabta aheyd”. Iyo hadalo kale.

Hal sano kadib waxaa dhacay isbadalo waa wayn waxaana muuqanaya dhacdooyin marqaati furaya digniinihii Jawaari ee hal sano ka hor, iyadoo ay muuqato in ay aad u hooseyso shaqada baarlamaanka.

Xariiro aan la sameynay mudo dheerna aan ku bixinay helitaanka qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya si aan wax uga weydiino wixii laga dhaxlay iscasilaadii Jawaari ayaan ku guul dareysanay in aan helno xubnihii aan raadinay.

Xildhibaanada Muacaarad iyo Muxaafadba waxay Kalfadhi u sheegayn in ay ka gaabsanayaan ka hadalka hal sano ka hor culeeska uu wajahay baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu ku baxay Guddoomiyahii Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf ayaa Kalfadhi u sheegay in sanad kadib baarlamaanka u muuqdo in la bur buriyay ayna isku milmeen Golaha Shacabka iyo hey’adda fulinta sida uu qabo Cabdi Barre Yuusuf.

“Sanad kadib waxaa ii muuqata in baarlamaanka is badalay oo ay isku milmeen Xukuumadda iyo Sharci dejinta waxaana soo baxay hadalkii Jawaari” ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf.

“Kalfadhiyadii ugu dambeeyay waxay ahaayeen kuwa socda waqti kooban ma jirto sharciyo iyo xeerar la meel mariyay ma jiro la xisaabtan iyo Xukuumadda ay maamulayso baarlamaanka ayaa muuqata” ayuu yiri Cabdi Barre Yuusuf oo katirsan baarlamaanka 9aad ee dalka.

Ujeedada ugu wayn ee loogu duulay Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayuu ku sheegay Cabdi Barre Yuusuf in ay aheyd sidii loo baajin lahaa la xisaabtanka Xukuumadda iyo hey’adaha amniga hadafkaasna uu dhaqan galay.

“Ujeedada Jawaari meesha looga saaray waxay aheyd in uusan dhicin isla xisaabtan, in aan loo yeerin Xukuumadda iyo in aan lala xisaabtamin hey’adaha amniga waana u hagaagtay” ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf.

Sheekh Axmed Xasan oo katirsanaa baarlamaankii 8aad ee dalka ayaa qaba in uusan jirin isbadal wayn oo ka dhashay iscasilaadii Jawaari inkastoo uu qiray in wali aysan muuqan sidii baarlamaanka ahaan jiray.

“Iima muuqdo isbadal wayn oo ka dhashay bixitaankii Jawaari oo aan ka ahayn in qabiir iyo sharci yaqaan dalka u baahnaa iscasilay” ayuu yiri Sheekh Axmed Xasan oo ah Xildhibaan hore.

“Waxaan qirayaa in Jawaari baarlamaanka ku waday xeer hoosaad, dastuur, waayo aragnimo, odaynimo iyo wadaniyadnimo waxaa ii muuqato in isbadal dhacay laakiin ma gaarsiisna wixii aan ka cabsi qabnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan hore Sheekh Axmed Xasan oo katirsanaa baarlamaankii 8aad ee dalka soo maray.

Prof Cabdiqaadir Gayfo oo ah aqoonyahaan bartay Cilmiga Siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in dhamaan ay soo baxayn waxyaabihii uu sheegay Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari hadana ay curyaan noqdeen Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

“dhamaan waa soo baxayn waxyaabihii uu Jawaari noo sheegay waana la curyaamiyay Golaha Shacabka, qaar wasiiro ayaa la dhigay qaarna Xukuumadda ayaa dano gaar ah u fulisay qaarna waa maal qabeen oo dalkaba ma yimaadaan dhowr qof oo mucaarad ah dangaar ah leh ayaa qayliya” ayuu yiri Prof Cabdiqaadir Gayfo oo la hadlay Kalfadhi.

Waxay u muuqataa in hal sano kadib wali uu qal qal iyo kalsooni darro xoog leh ay ka jirto Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana inta badan meesha ka baxay shaqooyinkii looga baahnaa baarlamaanka Soomaaliya.

Kulamadii aan qabsoomin, dood iyo buuq iyo khilaaf aan dhamaanin ayey wajahayaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u dhiman tahay wax ka yar laba sano oo kaliya lamana oga sida ay ugudan doonaan shaqooyinka Qaran ee horyaala kuwaas oo muhiim u ah dalka in laba sano gudahood lagu dhameeyo.

W/Q: Xuseen Maxamed

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

Deni iyo Axmed Madoobe oo shaaciyay inaysan metelin Dowladda Federaalka (Akhriso 5 Qodob -War-murtiyeed-)

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo maalmahan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ay ku eedeeyeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you