Tuesday, July 1, 2025

Sanbaloole oo Qoraal uga jawaabay Wareysigii muranka dhaliyey [Akhriso Caddeyn iyo is-difaacid]

-

Asc dhaamaan aqyaarta halkaan ku jirta. Waxaan rabaa in halkaan ka sameeyo point of clarification oo ku saabsan wareysi aan siiyay Dalsan TV oo abuuray buuq iyo qilaaf fara badan guud ahaan Soomaalida dhexdeeda gaar ahaan baraha bulshada. Waxaan cadeynayaa in aan ku hadleynin magac Xisbi iyo mid qolo kale toona. Waxaan cabiraayey fikirkeyg shaqsiga oo kaliya.

Waxaan ka xumahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay dhibsadaan hadalkeyga. Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in aanan waligey qof Soomaaliyeed qabyaalad ku dhibaateyn. Humaaga iyo sawirka aan ka heystana ma ahan mid fiican oo waxaan ku faani karaa oo aan hubaa in aan ahay qof leh niyad fiican oo Soomalinimo ka buuxdo. Waxaan rabaa in aan cadeeyo in dhamaan qabaa-ilka Soomaaliyeed aan u haayo ixtiraam iyo kalsooni weyn. Marnaba ma rabo in la ii fahmo in aan xurmo daro iyo xaqiraad ku sameeynayo qabiil Soomaaliyeed. Waxaad dhamaantiin xasuusataan doorashadii 2017 markii dowlada Ethiopia laheyd hala doorto kaliya qof ka socda qabiil hebel mowqifkii aan qaatay oo ahaa mid ka dhan ah beesha aan ka soo jeedo.

Waan hubaa in Dad badan oo maanta warkeyga wax ka sheegaya ay maalintaas aa-musnaayeen. Malaha ayaga ayaa faa’iido ku qabay. Sababta aan go’aankaas u qaatayna waxa ay aheyd in aan loo kala tegin oo loo helo dad wax isku cesha. Ayada oo taasi jirto hadana ma fiicana mana ahan in aan iska indha tirno xaqiiqda nagu xeeran oo ah in uu jiro umada kasta ra-yi hogaan u ah oo micneheedo yahay in Soomalidu qabyaaladeysantahay.

Anigu waxa aan la hadlaayey dadka ka soo jeeda constituencygeyga mana garan karaan mana dareemi karaan waxa iga guuxaya aniga oo aamusan. Waxaan kaliya oo aan tusaaleynayey in dhibku ku soo haray deegaanadooda oo ilaa xad deegaanada kale ee Soomaaliyeed hagaageen amaan ahaan iyo maamul ahaanba ayna tahay in ay boorka iska jafaan. Waa hubaa taas in Soomalida kale dani ugu jirto.

Waxaan jecelahay nolosheeda in aan arko Soomaaliya oo wanaagsan oo leh dad isku qanacsan iskuna tanaasula. Ma rabo in la ii arko qof raja beel abuuraya laakiin hadana waa in aan ogaanaa in umadaha guuleystay aysan aheyn kuwo is maaweeliya ee waxa ay aqbalaan in ay wajahaan isla markaasna ka hadlaan dhibta hortaala taas oo aan iska hadal iyo afka oo malab la marsado lagu bedeli karin.

Anigu waxaan aamisanaha in aan ahey qof ku qanacsan qofnimadiisa oo aqbali kara qaladkiisa ma qaldame waa ilaahay. Ma ahi qof waxayaabaha qaarkood ay saameyn ku yeeshan sida dacaayada iyo cadaadis la saaray. Laakiin waan aaminsanahay in ay muhiim tahay in la gar qaato.

Gabagabadii waan aamisanahay in uu qabiilku wax xun yahay laakiin ma yeelayo in dadka ay dhahaan ama u dhaqmaan sida I n qabiilkoodo qaran yahay kan dadka kalena qurun yahay. Reer habelow ha yeelina in la idin dhaho qabiilkiina aasa kuwa kalana ha la xoojiyo. Kuligeyn aan isku kaashano in aan dhisno Soomaliya oo mid ah oo aan dhamaanteen ku nasano kuna helno nolol diiran oo aan la heyn dhibaato. Waa hubaa in aan himiladaas quruxda badan gaari karno.

Dabeeciyan ma ahi qof qucdad qaba sidaa daraadeed ha I cafiso dhamaan intii hadalkeyga dhibsatay ana waan cafiyey intii wax na kala gaareen. Qabiil ma fiicna laakiin inta laga wada tagaayo kaaga ha ka tegin oo yaan la idin gaadin qaraabo.

Soomaaliya ha ka guuleysato dhamaanteed. Hawiye ha guuleysto aamin wada dhaha

Waa walaalkiin Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalolshe).

HOOS KA DAAWO

https://goobjooge.net/c-llaahi-sanbaloolshe-waxaa-la-i-gaarsiiyey-inay-i-doorato-jufadeyda-hoose-ee-cali-madaxweyne-daawo/

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu si toos ah martiqaad ugu diro Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay kulankii iyo is afgradkii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka...

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you