Tuesday, August 26, 2025

Sanbalooshe & Muqdisho: Qorshihii hore miyuu ku celin doonnaa mise Qaab cusub..? [FAALLO]

-

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed iyo Taliyaha cusub ee xilka la wareegay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu xilka ku soo laabtay iyadoo ay jirto xaalad adag oo amni iyo maamul cusub oo wada socda.Sanbaloolshe bilihii uu soo qabtay xilka agaasimaha NISA wuxuu isku dayay inuu soo celiyo nidaamka, gacan bir ahna ku qabto awoodaha kala duwan ee caasimadda ku dhex jira inta aan la gaarin Alshbaab.

Arrintaas waxay ahayd qorshe uu si weyn ula dhacay madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisii xilka haya, halka ay kasoo horjeesteen mas’uuliyiin iyo beelaha hubeysan ee magaalada Muqdisho.

Agaasime Sanbaloolshe wuxuu mar waliba doodiisu ahayd inaan ammaanka Muqdisho waxba laga qaban karin inta la xakameynayo dadka ka baxsan awoodda dowladda, hubkana laga dhigayo dadka hubeysan ee ka baxsan ciidamada dowladda.

Qorshahan wuxuu ahaa midkii dhaliyay dagaalkii weynaa ee NISA ku qaaday Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir iyadoo loo adeegsaday AMISOM, halkaasoo qasaare weyn ka dhacay, isla markaana xaalada adag ka dhalatay.

Taliyaha  Hay'adda Nabadsugidda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)
Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

Agaasime Sanbaloolshe inkastoo ay ka go’neyd inuu meesha ka saaro awoodaha is barbar yaacaya iyo xakameynta hubka faraha badan ee Muqdisho, si kastoo qorshahaasi u wanaagsanaa wuxuu ka fuli waayay xukuumadii C/weli Sheekh oo isagiina xilka ka qaaday, iyadiina aan ka danbeyn ee khilaafkii ka dhashay loo riday.

Arrimaha ugu waaweyn ee qorshihii Sanbaloolshe dhiciseeyay ayaa ahaa: isagoo ah qof caadifi ah oo madaxda iyo beelaha aan ixtiraamin, mararka qaarkoodka aflagaado kula kacaa, iyo isagoo go’aano waaweyn si degdeg ku qaata.

Markii xilka laga qaaday ayuu Sanbaloolshe sheegay inuu xilkiisa ku waayay khilaaf siyaasadeed oo uu ku dhex dhacay, laakiin haddii ay markan soo martay fursad kale waxaa muhiim ah inuu qaato tallooyinka soo socda:

1 – Inuu iska ilaaliyo beegsiga beelo iyo dad gaara

2 – Inuu ku shaqeeyo qorshe guud oo dowladda u dhigto ammaanka caasimadda

3 –  Iyo inuu ka amar qaato madaxda ka sareysa

4 – Inuu xakameeyo hubka faraha badan iyo shirkadaha ammaanka ee ka jira magaalada

5 – Inuu ciidamada faraha badan ee ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo maleeshyiyooyinka la qaabeeyo

6 – In ciidamada ammaanka iyo kuwa NISA wada shaqeeyaan si looga badbaado isku dhac

FAALLADA GOOBJOOGE.COM

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you