Monday, September 8, 2025

Sare u kaca iyo hoos u dhaca Siyaasiga Sanbaloolshe [Warbixin]

-

Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe waxa uu ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda badan ee kasoo dhex muuqday dowladda federaalka kadib doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo saxaafadda iyo falanqeeyeyaashaba kaga yaabsaday hadal uu fagaaro ka sheegay xilli uu ka hadlayay arrinkii Qalbi Dhagax.

Wuxuu xilligaasi sheegay: “Anigoo af duubaaya dowladda, waxaan jeclaan lahaa in xitaa madaxda sare aysan ka hadlin arrinkaas”.

Awooddii Sanbaloolshe

Islamarkii bishii April, 2017kii loo magacaabay agaasimaha hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, waxa uu la yimid qorshe loogu magac daray ‘Xasilinta Caasimadda’, waxaana la dhisay ciidammo isku dhaf ah oo loogu talagalay in ay sugaan amniga caasimadda.

Waxaa Muqdisho laga mamnuucay hubka, iyada oo dadka hubeysan lagu wargaliyay in ay hubkooda dowladda kusoo wareejiyaan, balse wuxuu ahaa go’aan uu ka dhashay buuq badan, loona fasirtay in hub ka dhigis la samaynayo iyada oo aanan la heynin wax damaanad ah oo lagu sugayo amniga dadkii hubka laga qaaday.

Awood taas la mid ah ayuu Sanbalool ku dhex lahaa dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilligaas oo isaga oo taliye ka ah NISA weerar lagu qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamo taabacsan Axmed Daaci oo ahaa guddoomiye degmo iyo Cabdiwali Qanyare oo ahaa xildhibaan, waxaana ka dhashay rabshado ay qasaaro ka dhasheen.

Sanbaloolshe waxa uu ahaa nin xitaa ka cod dheer wasiirka isaga ka daraja sareeya, markastana saxaafadda ka hadla isaga oo bixinaya amaro kulkulul, waxaana ka mid ahaa in xitaa uu mar xildhibaano uga digay in xasaanadda laga qaadi karo.

Mar la weeydiiyay sababta arrimaha NISA had iyo jeer loogu faaqido saxaafadda ayaa waxa uu sheegay “in NISA ay isugu jirto Sirdoon iyo Amni, wixii sir ahna ay dowladda u qarsanyihiin, wixii amni ahna ay tahay in bulshada ay markasta ka qeybqaadato”.

Xil ka qaadis iyo Xil ka tagis

Inta hadda lagu xusuusto, Sanbaloolshe labo jeer ayaa xil laga qaaday, labo jeerna isaga ayaa isaga tagay, isaga oo ka doorbiday xilalka cusub ee loo magacaabayay oo kala muhiimsana, balse uusan sii hayn doonin.

Laakiin labada jeer ee uu taliyaha NISA noqday, Sanbaloolshe waa laga qaaday xilka, waxaana xusid mudan in labadaba marba ay golaha wasiirada ka qaadeen xilka.

Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, xilkaas oo uu sugayay wax ka badan 6 bilood ka hor intii aysan dowladda Turkiga ogolaanin in ay safiir ahaan u qaabisho.

Isaga oo safiir ah ayuu dhammaaday waqtigii dowladdii Xasan Sheekh, wuxuuna u tartamay kursi xildhibaan oo doorashadiisa ka dhacday magaalada Jowhar, islamarkaasna uu ku guuleystay kursigii uu u tartamay. Markaas ayuu baneeyay xilkii safiirnimada.

Markii bishii April madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Sanbaloolshe in uu noqdo taliyaha NISA ayaa sida uu sharciga qabo waxa laga codsaday in uu iska dhigo xilka dhildhibaannimada, taas oo uu sameeyay xilli dambe oo ku dhow marka xilka NISA laga qaadi doono.

Balse isaga oo aanan xilka NISA haynin muddo sanad ah ayay golaha wasiirada eryeen bishii Oktoobar, sababaha aad looma faahfaahin.

Sababaha xil ka qaadista

Golaha wasiirada faahfaahin kama aysan bixinin sababta Cabdullaahi Sanbaloolshe xilka looga qaaday, balse waxa ay timid xilli ay suuqa ku jireen warar ku saabsan in “biyaha hoostooda la iska arkay”.

Dad badan waxa ay filayeen, ama soo jeediyeen in xilka laga qaado markii ay caddaatay in Itoobiya loo dhiibay “muwaadin Soomaaliyeed” Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, balse taas ma aysan dhicin sabab kasta ha lahaatee.

Xil ka qaadistiisa ayaa timid waxyar ka dib qarixii lagu hoobtay ee Soobe ee 14-kii Oktoobar. Sanbaloolshe ayaa qorey maqaal dheer oo uu ku dhaliilayo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ee NISA la shaqeeya, waxaana maqaalkaas lagu daabacay wargeyska New York Times.

Haddaba maxay tahay arrinta galaaftay Sanbaloolshe? ma dhiibistii Qalbi Dhagax baa, ma qaraxa Soobe mise tan dambe ee maqaalka New York Times, lama oga.

Turaantaradii ugu dambeysey

Rajadii ugu dambeysay ee uu malaha qabay Sanbaloolshe ee muuqatay waxa ay ahayd in uu dib u hanto xilkiisii xildhibaannimo, taas oo marka ay ugu yartahay uu ku heli lahaa xasaanad buuxda.

Shalay kursigii baarlamaanka ee uu baneeyay ayaa doorashadiisa la qabtay, markale ayuuna tartanka ka qeybgalay, balse markan fursadaha dhankiisa uma janjeerin, waxaana kursiga kaga guuleysto Nuur Iidoow Beyle.

Marka laga hadlayo halbeegga siyaasadda Soomaaliya, Sanbaloolshe hadda banaanka ayuu ka joogaa xeyndaabka siyaasadda, wuxuuna noqonayaa qofkii koowaad ee u muuqda in uu ku qamaaray dowladda hadda jirta, isaga oo si isdaba joog ah u waayay labo xil oo midna loo doortay, midna loo magacaabay – waa kursigii xildhibaan iyo middkii safiirnimo ee uu iska casilay.

Inta hadda la hubo ayaa ah in uu yahay nin saamayn muuqata ku yeeshay labadii dowladeed ee isaga dambeysay dalka, markasta oo loo maleeyo in uu dhacayna, markale haddane dusha soo maraya.

Dad badan waxa ay aad ugu amaaneen gacanta birta ah ee uu ku qabtay amniga caasimadda labadii mar ee loo magacaabay mada NISA, balse si taasi la’eg ayaa loo naqdiyay.

NISA waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in ay qabsanayso shaqooyinkii booliiska, arrintaas oo in badan oo ka mid ah loo tiiriyo Sanbaloolshe.

W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you