Saturday, July 19, 2025

Sawir Siyaasadeedka Qoorqoor, C/raxman C/shakur, Kulane iyo Saadaq Joon (Qormo Naqdin ah)

-

Sawir siyaasadeedka ee Madaxweyne Axmed Cabdi Karie Qorqor iyo Xildhibannada kala ah Cabdiraxman Cabdishakur, Saadaq Cumar Xassan, iyo Cabdullahi Aadan Kulane

Waxgarad fiican ayaa ka diday, dhibsaday sawirka siyaasadeedka ku wada jiraan Madaxweyne Qorqor iyo saddexda Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakur, Cabdullahi Aadan Kulane, iyo Saadaq Cumar Xassan oo ah sawir Madaxweyne Qorqor la habboonaday sida laga garan karo qoraalka Cabdiraxman Cabdishakur soo dhigay bartiisa Facebook.

Kulanka sawirka lagu qaaday sawirka waxaa abuubalay Madaxweyne Qorqor saacad dambe ee habennimo, kuna casumay Cabdiraxman Cabdishkur faahfaahin la’aan. Wararka waxay sheegayaan in kaddib markii la ogaaday in Xildhibaan, Musharrax Madaxweyne Cabdiraxman Cabdishakur ka ambabaxayo Magaalada dhuusamareb, horeyna loola socday in Cabdiraxman Cabdishakur dabajoogo gaboodfal ku dhacay asaga, ilaaladiisa, iyo madax kale 17kii Disember 2017, kaddib markii lagu weeraray gurigiisa, ayaa Madaxweyne Qorqor abaabulay kulan kedis ah.

Gaboodfalkaas waxaa lagu eedeynaya Ciidammo ay madax ka ahaayeen labada xildhibaan Saadaq Cumar iyo Cabdullahi Kulane oo kala tirsanaa Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Nabadsugidda, haseyeeshe Madax Sare ay bixiyeen amarka weerarka lagu dilay 5 askari oo ahaa Ilaalada Cabdiraxman Cabdishakur, kana tirsanaa Ciidanka xoogga dalka iyo qof haween ah, waxaana lagu dhaawacay asaga iyo madax kale ee la joogtay.

Ilaa maantana waxaa la raadinaya halka lagu aasay meydka 5ta askari iyo qofka dumarka ah ee la dilay. Sida hadda ka hor uu sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka muddo xileedkiisa dhammaday Cabdi Xaashi, dhaqan xumada Madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmajo ku soo kordhiyay siyasadda Soomaaliya waxaa ka mid ah shirar iyo sawirro si kedis ah loo qaado, kaddibna baraha bulshada lagu faafinayo si dadweynaha loo marin habaabiyo ama shaki loogu abuuro. Waa laga fiicnaa in Madaxweyne Qorqor oggolaado in la qaado sawir tuhun iyo muran siyaasadeed abuuraya, kaddibna baraha bulshada la soo geliyo.

Haddii ujeedadiisa aheyd in xal laga gaaro dhibaatada Cabdiraxman Cabdishakur tirsanayo waxay aheyd inuusan sawirka ku mashquulin. Eedda Saadaq Cumar iyo Cabdullaahi Kulane waxay tahay inay dadweynaha la wadaagan dhibaatada dhacday isla markaana caddeeyaan Madaxda Amarka soo siisay, kuwaasoo ilaa maanta aan dadweynaha la wadaagin sababaha ay amarkaas u bixiyeen iyo ujeedada ka dambeysay, iyo sababaha ay sharciga u raaci waayeen inay dambi ka hortagayeen. Saadaq Cumar iyo Cabdullahi Kulane waxay ahaayeen amar fuliyayaal fuliyay amar sharcidarro ah.

Arrimaha furaha u noqon kara xalka gaboodfalka dhacay 17kii Disember 2017 waxaa ka mid ah:

1. In warbaahinta iyo hay’adaha xuquuqul Insaanka iyo dadweynaha la soo tuso qubuurihii lagu aasay meydka.

2. In labada xildhibaan sheegaan Madaxda Sare ee siisay amarka lagu weeraray Cabdiraxman Cabdishakur, hadafka weerarka, qarinta meydka, iyo sababaha aan gargaar caafimaad loogu fidin dadkii dhibaatada ka soo gaartay.

3. In Dowladda Federaalka bixiso magdhaw iyo xaalmarin daahfuran ee la siinayo dhaxaltooyada muwaadiniintii la dilay iyo Cabdiraxman Cabdishakuur iyo intii kale ee dhibaatada ka soo gaartay weerarkaas.

4. In mushaar joogto ah loo qoro xaasaskii, caruurta, iyo waalidiinta ay ka tageern dadkii xaqadarrada lagu dilay.

5. In Cafis bixiyaan dhaxaltooyada 6dii qofood ee la dilay, intii dhibaatada ka soo gaartay gaboodfalkaas ee uu ku jiro Cabdiraxman Cabdishakur.

Waxaan qabaa in Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ku adkeyd inuu diido sawirka Madaxweyne Qorqor ku taliyay, haseyeeshe ma filayo inuu wax ka beddelayo inay lagama maarmaan soo afjaridda daahfuran ee weerarkii dhacay 17kii Disember 2017.

Madaxweyne Qorqor iyo Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakur waxaa ka dhexeeya mas’uuliyad wada shaqeyn iyo is tixgelin guud madaama ay wada matalaan danaha dadka iyo deeganka Galmudug. Xildhibaan Saadaq Cumar iyo Xildhibaan Cabdullahi Kulane waxaa la gudboon inay mas’uuliyadda gaboodfalka ku wareejiyaan Madaxdii siisay amarka sharcidarrada ah, isla markaana ka qayb qaataan ka bogsashada dhibka dhacay. Haddii labada Xildhibaan aysan ka qayb qaadan gaboodfal loo geystay Cabdiraxman Cabdishakuur waxaa u furan inay caddeeyaan.

W/Q: Dr. Maxamud M Culusow

Commentary on Presidential Decree Legalizing 2016 Election

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you