Ciidamada AMISOM ayaa bandhig hub iyo ciidamo muujin ah ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo sheegay inay bilaabayaan hawlgal ballaaran oo ay kula dagaalamayaan ururka Al-Shabaab.
Col. Bagenda oo ah Taliyaha Ciidamada Uganda qeybta 11-aad ayaa sheegay Ciidanka AMISOM oo garab siinaya Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya ayaa holwgal culus ka wada Gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ujeedku yahay in la isugu furo wadooyinka Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.
“Hadafka howlgalka maanta waa in aan ka cirib tirno Al-Shabaab goobaha guud, dabcan wad ogtahay in AMISOM ay halkan u joogto si ay u taageerto ciidamada ammaanka qaranka Soomaaliyeed oo nooga sii horreeya hawlgalka, Ayuu yiri Israel Kaheru Bagenda, Taliyaha ciidamada Uganda ee qeybta 11-aad.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa ku guuleystay in Al-shabaab ay ka saaraan degaano badan oo ka tirsan xuduudka labada shabeelle iyado taliska AMISOM ay sheegeen in ciidamada Soomaaliya ay ka muuqato niyad sare iyo geesinimo.
SAWIRRO