Dadkii saaka aroortii qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha waxaa ku burburay hanti badan oo malaayiin doolar gaareysa, waxaana lagu waayay saddex ruux oo ku dhintay dabka.
Mid ka mida dadka dhintay wuxuu ahaa geesi ka mida Dab-damiyeyaasha gobolka Banaadir oo naftiisa halis u geliyay badbaadinta hantida umadda. Qeyb dhan oo ka mida suuqa ayaa noqotay bannaan cad markii uu dabku baabi’iyay waxaana lasoo weriyey ganacsato isku dhex yaacday markii ay ku qasaareen dabka.
Ninkan oo ku dhintay isagoo dagaal kula jira dabka shaki la’aan waa shahiid aan Alle uga baryeyno inuu naxariistiisa ugu deeqo.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka waa in geesigaas Soomaaliyeed ay qiimeeyaan, qoyskiisana la dhaqaaleeyo, wuxuuna astaan u yahay Soomaalida ay ka go’an  tahay inay dadkooda u adeegaan oo naftoodau biimeeyaan.
DAAWO SAWIRRO CUSUB
Goobjooge.com