SAWIRRO: Uganda oo Ciidamo cusub u soo dirtay Muqdisho [Akhriso xarumaha ay ka howlgeli doonaan]

0

Dowlada Uganda ayaa ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo bedelaya ciidamado ay shaqadoodii u dhammaatay.

Ciidamadan ayaa ahaa kuwa dagaalka oo ka hoos shaqeyn doonakooxda XXI, iyadoo lagu bedelay kooxdii hore ee  XVIII-aad, kuwaasoo muddo sanad ah kadib dib ugu laabtay dalkooda.

Ciidamada cusub ayaa saaka ka soo degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana qoraal kasoo baxay AMISOM lagu sheegay inay ilaalin doonaan ammaanka xarumaha:Dekadda Muqdisho, Xarunta Baarlamaanka, Xarunta Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta weyn AMISOM ee Xalane.

Waxay kaloo ciidamadan tegi doonaan degaanada Leego, Carbiska, Afgooye iyo Jazeera. Dowladda Uganda ayaa cidamada ugu badan ku biirisay howlgalka AMISOM iyadoo ciidamo ka badan 6000 ka joogaan Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada cusub oo lagu magacaabo Col. Chris Ogwal, ayaa hore uga soo shaqeeyay Soomaliya sanadihii 2012 iyo 2013, wuxuuna sheegay inuu si weyn aqoon ugu leeyahay xaaladda Soomaaliya.

SAWIRRO