Monday, July 21, 2025

SAXAFIGA / WARIYAHA SAMANKAAN KACAY

-

Ayadoo lagu guda jiro todobaadka xuska maalinta warbaahinta Soomaalida ee 21 January 2017, Saxafi amase Wariye waxaa lagu tilmaama inuu lahaado feejinaan dheeri ah oo ay dadka kale aaney la qabin si isjirkiisa ama taxadirkiisa uu mar walbe ku wajahnaado horumarka iyo baraaraha ummadiisa.

Waa inuu leeyaha dareen dheeri oo ka duwan dareenka qofka caadiga ah. Saxafiga/Weriyaha waa indhaha iyo dhagaha mujtamaca, sidaa darteedna waa inuu leeyahay dareen dheeriga ah ee lixaad marka laga soo tago shanta dareen ee la yaqaan ee aadanuhu Ilaah ku galladeysa ee aragga, maqalka, dhadhanka. taabashada iyo uriska.

DAREENKA LIXAAD (the sixth sense)

Saxafiga/Wariyuha waa indhaha iyo dhagaha mujtamaca, sidaa daraedaeena waa inuu lahaado dareenka dheeriga ee lixaad marka laga soo tago shanta dareen ee la yaqaan ee aadanuhu Ilaah ku galladeysa ee aragga, maqalka, dhadhanka. taabashada iyo uriska.

Ayadoo inta aan kor ku sheegay uu wariyaha ama saxafigu ay leeyahiin ayaa hadana waxaa laga raba inay labadaba maskax ahaan lahaan karaan awood dheeri ah oo ay ku dareem karaan in ka badan qofka caadiga waxa uu dareemo. Dareenka noocan waa dareenka lixaad oo Soomaalidu sida badan u taqaan “GARAB DAAR”. Haddii si kale loo yira waxaa afafka qalaad loo yaqaan “the sixth sense” amase “il sesto senso”..

Saxafiga xaala kasta uu ku jiro fekerkiisu wuxuu ku jeeda maxaa mutmaca ka xun maxaase u fiican. Maxaa qallocan maxaa toosan. Dhaqanka noocaas ah waxay iskala mid yihiin dadka suugaanta Ilaah hibada u siiyay. Labada hayb dadka way la joogaan oo ay la fadhiyaan laakinse dareenkooda wuxuu gaaf-wareegay meel sare sida ay u taal ummadda dalka ku nool oo ay iyagana ka mid yihiin.

Heesahooda iyo qoraalkooda waxay ku qotomiyaan sidii dadkooda iyo dalkooda nolol fiican uu gaari lahaa ayagoo ilaashanaya dalka kana diifacaya, haddii loo baahdo, cadaawaha soo hunguriyeeya isla markaana door weyn ka qaadanaya horumarinta dalka iyo dadka. Waxay shacabka u tilmaamaan dadka ku haboon hoggaaminta dalka oo istaahila in jagada dalka ugu sarreysa loo doorto gaar ahaan weliba shaqsiyaadka ugu hufan uguna kartida badan uguna wadanisan ee dalka jooga ayagoo aan u fiirineynin xag qabiil iyo xag kale oo dadku isku faquuqaan.

Inta qofka uu hurdo marka laga reebo, aadanuhu wuxuu ku jiro feker gaar ahaan isagoo ka fekeraya maareynta noloshiisa shaqsiga iyo sidii loo dabooli lahaa baahida guud ahaan ee ka jirta mujtamaca uu ku dhex nool yahay gaar ahaan iyo dalka guud ahaan.

Tiisa gaarka marka laga soo taago, Wariyaha waxaa laga raba inuu ka fekero sidii hore loogu dhigi lahaa nolosha ummadda heerka ay joogto ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo difaaca iyo guud ahaan samo-ku-nolosha ummada isla markaane laga ilaalin inuu nusqaan ku yimaado.

Dadka ku jira mehnadda warbaahinta waa inay soo bandhigaan oo ay qaawiyaan dadka maamulka ku jira ee ku kaca lunsashada hantida dadweynaha, musuqa iyo laaluushka, qarabokiilka, nintooxsiga, goboleysiga, qiyaannada wadan, diktatooriyada iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waa inay soo bandhigaan dadka ku caan baxay wadaniyadda, kartida iyo hufnaanta ayagoo war tebinta ay ku saleynaya anshaxa ugu sareeya ee warbaahinta.

Saxafigu waa inuu mujtamaca baro aasaaska maamul wanaaga (Good Governance) iyo muwaadinku waajibka saaran iyo xaqa uu ku leeyahay dalkiisa iyo dadkiisa si muwaadinku u guto doorka uu ku leeyahay mujtamaca. Shacabku waa inay ku mudaaharaadan xukuumada haddii ay u muuqato in hoggaanka dalka uu ku socdo meel qatar gelineysa qarannimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka.

Waa inuu la socda dhamaan arrimaha taabanaya nolosha halka uu ku nool yahay iyo dalka guud ahaan. Habka uu wax u tebinayo waa inuu yahay mid dabiici ah ee uusana ahayn iska yeelyeel wariye kale oo hore u caan baxay iska yeelayeelo. Waa inuu ka turjumo halka uu marayo dareenka shacabka guud ahaan.

Wariyuhu waa inuu leeyahay dhaqanka wax aqrinta si uu u kororsado aqoonta guud si agabka ay nashirayaan uu yahay mid tayo ahaan aad u sareeya. Waa inuu wariyuhu aqriyo kutubada lagu faafiyo waxyaaha qiyaaliga ah iyo kuwo xaqiiqda ku dhisan intaba iyo manshuuraadka kale ee leh wargeysyada, majalaadka iwm si uu uga helo macluumaad dheeri ah oo wax tar leh iyo inuu ka barto habka (style) wax loo qoro. Sidaa si la’eg wariyuhu waai nuu dhagaysto idaacadaha caalamka kuwooda ugu caansan si uu uga barto habka casriga ah ee war-tebinta.

Dad waxaa jiri kara qaba in soo-qaadista arrimaha aan kor ku soo tilmaamay qatarta ugu muuqan karto inay ku mudan karaan dhibaato gaari karta ilaa naftooda ay ku waayaan. Waa run laakinse waxaan weydiinaya dadka fekerkaa qaba wariyaha hadda cid badbaadiso ma hela, dhaqaale ku filan ma hela, ggarab iyo gaashaan ma heysta. Waa maya. Waa la dila. Wariyaha mar walba waa qof u jooga dhib iyo dil gaar ahaan kuwa aan la hadlaayo ee Soomaalida. Kuwii tirada badnaa ee hawshan lagu dilay Ilaah ha u naxariisto. Ilaa hadda ma maqal cid ka warqabta dadkii ay tageen.

Weriyow iska dhimo marba hadii aadan baxsaneyn. Laakinse soo tebi xaqa iyo runta. Codkaada iyo qallinkaada ugu hiili ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatu ku habsatay muddada ka badan rubuc qarni.

Iska ilaaba dadka ku shaqeeye fekerka hooseeye ee haraadiga ee qabiilka ku dhisan.

Warsan

W/Q: Ustaad Abdulkadir Walayo

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you